Suldaanka Beelaha Somaliland Oo Ka Hadlay Hadallo Ka Soo Yeedhay Madax Dhaqameedka Beelaha Daarood
 

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

 


Hargeisa (TNN)- Suldaanka Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, ayaa ka hadlay hadallo muddooyinkii u dambeeyey ka soo yeedhay qaar ka mid ah Isimada Beelaha Daarood oo ku sugan Magalada Muqdisho, kuwaas oo sheegayey in Somaliland ay ka haysato dhul ay leeyihiin.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sheegay inaanay jirin wax dhul ah oo ay Somalila nd ka haysato Beelaha Daarood, waxaanu sheegay in dhulka Somaliland uu ka horeeyey xilligii uu Mustacmarku kala qaybinayey Afrika, isla markaana aanay jirin wax khilaaf dhul ahi, balse uu jiro khilaaf Siyaasadeed, kaasna lagu dhamayn karo wada xaajood iyo is afgarad.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeys ka Saxansaxo, waxa kale oo uu ugu baaqay Madax dhaqameedka Beelaha Daarood in ay ka t aliyaan wanaaga iyo wada jirka dadka walaalaha ah.

Suldaanka Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu ku eedeeyey isim ada Bariga ee Daarood inay yihiin qaar kala qaybsan oo ku kala jira Maamullo badan, waxaanu u soo jeediyey inay dhan u wada jeestaan.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Annagu hadaa nu nahay Umadda reer Somaliland, waxaanu u aragnaa hadalkaas ka soo yeedhay Garaadada beelaha Daarood ee ay leeyihiin dhul iyo waddan ayaa la kala boobayaa waxaasi ma jiraan, laakiin waxa uu khilaafku ka taagan yahay waa arrinka Siyaasiga ah, dhulkan la iskuma hayo waana taariikhi oo barigii uu mustacmarku Afrika kala qaybinayey Somaliland iyo Somalia laba ayey kala ahaayeen, waxaan leeyahay khilaaf siyaasi ah ayuun baa jira, khilafkaasna Xal nabadeed ayaa lagu xallin karaa. Madaxweynaha Somaliland-na waxa uu ku baaqay Gogol nabadeed in loo fidiyo Dadka Bariga, waxaana loo baahan yahay inay Gogoshaas nabadeed noqoto mid adag oo hirgasha, mana aha inuu maalin walba carqalad iyo hadal uu dhex galo, waxaanan leeyahay cid kasta oo nabadaas xumaynaysa inay xagga islaaxa u baydho .”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wataana waxa uu yidhi “Marka aad aragto Isimada Bariga ee Daar ood qaar waa Somaliland, Qaar waa Puntland, Qaar waa Somalia, dadkana waxa u wanaagsan inay mowqif midaysan yeeshaan oo ay dhan u wada jeedsadaan, waayo hadaad Sadex Halaad oo kala gooni ah aad midba meel naaskeeda ka jiid is tidhaahdo waad ku xiiqaysaa, waxaana deeqi kara Afar naas oo hal ku wada yaala”

Suldaanka Guud beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa kale oo uu ka hadlay, Madax dhaqameed reer Hargeysa ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey is dhaafsanay ey hadallo la xidhiidha musharaxnimada deegaanka Hargeysa, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ Waxaan leeyahay arrintaas dadka deegaanku ha iskaga yimaado”

 

 


Source: Saxansaxo