Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa Xukuumadda ugu Baaqay in Xoriyadiisa loo soo Celiyo Tifaftiraha Waaheen Iyo Xaaladiisa Caafimaad ee Xilligan


 


Hargaysa (TNN):-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa ugu baaqay Xukuumada in ay xoriyadiisa u soo celis Tifaftiraha Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ka dib markii maanta uu dalka dib ugu soo laabtay, isagoo in Mudo ah safar Caafimaad ugu maqnaa dalka Dji bouti.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxa ku soo  dhawee yey Garoonka diyaaraha ee Magaalada Hargaysa, Salaadiin, Xildhibaano, Wasiiro iyo Dadweyne tiro  bad an, waxaana uu Warbaahinta kula hadlay Qolka nasashada ee Madaarka, halkaasoo uu kaga waramay X aaladiisa caafimaad iyo Arrimo kale oo la Xidhiidha Xadhiga Tafatiraha Wargayska Waaheen iyo Xadhiga B oqor Raabi, hase yeeshee ugu horeyn Suldaanku isagoo ka waramaya Xaaladiisa caafimaad wxa uu yidhi “Illaahay mahadii aad u fiicanahay waanan Caafimad qabbaa, waxaan u mahad-naqayaa Dadkii  Caafimadk ayga ka shaqeeyey hadii ay Shacab iyo Xukuumad labada-ba aad ayaan ugu mahad celinayaa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa la weydiiyey dhacdooyinkii dalka ka dhacday intii uu ku  maq naa Safarka Caafimaad, iyadoo si gaara loo Su’aalay Xadhiga Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi iyo Xadhiga Tafatiraha wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuutto), ayaa Suldaanku waxa uu yidhi  “Xadh iga Boqor Raabi waan ka hadlay wax dambenna kaga noqon maayo. Arrinta Saxaafada runtii waxa  habb oon in Warbaahintu ay Madax banaanaato, laakiin Ninka Suxufiga ah waxa ka reeban inuu Caytamo ama Dacaayado aan jirin inuu fidiyo. Ninkan suxufiga ah ee la Xidhay-na Xukuumadda waxaan ka codsanayaa inay Xoriyadiisa u soo celiso, qofkuna sidaa Xumaanta isku soo jiidi kara ama Wanaag kasban kara, sidaa daraadeed waa in ay Xukuumaddu Suxufigaa iska soo deyso, maadaama oo aynu haysano Dhabihii  Dimuq uraadiyada.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Waxaanu istaas ku daray oo uu yidhi “Dadweynaha reer Somaliland iyo Dadweynaha soomaaliyeed ee  Qu rbaha jooga waxaan salaamayaa waxaan leeyahay Caafimaad ayaan idinku Ducaynayaa sidii aad idinkuba iigu soo Ducayseen. Saxaafada waxaan leeyahay qaata wixii aad Dhaliil leedihiin, wixii idinku gefana anaga ayaa ka hadlayna, waxaynu dhisaynaa Qaran, waxaana kow ka ah Warbaahinta oo qofkasta oo dalka  Ma al-gashanaya hadii ay Warbaahintu qortay dalka Nabbadi kama jirto, qofkaasi wuu baqanayaa, wax aanan Warbaahinta kula tallin lahaa in waxyaabaha dadka inaga fogaynaya laga dhawrsoonaado ayaan idin kula talin lahaa, waxaana loo baahan yahay in Saxaafaddu ay qaladka iska qabato oo aanay mar walba isku h iilin, Warbaahinta iyo Salaadiintu Ummadda waa u dhex.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan  Cabdiqa adir


Source:Waaheen