“Markay Salaadiintii Dalka Ee Hogaamiyayaasha Dhaqanka Ahi Sidaas U Hadlaan, Ninka Aan Dhaqan Waxba Ka Aqoonina Siduu U Hadlayaa,An iga Arintani Waxa Ay Ila Tahay Baroortu Orgiga Ka Wayn” Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

 


 

Hargeysa, September 30, 2010 (TNN) – Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa shaaca ka qaaday mihiimada ay u leedahay Somaliland in xeebta galbeed ee dhawaan ay ka soo dageen Maleeshiyadii ONLF-ta ahayd in laga kireeyo dawladda Ethiopia oo heshiis caalami ah lala galo, waxaanu Suldaanku intaa ku daray in haddii  xukuuma da Madaxwayne Axmed Siilaanyo talaabadaas ay qaado ay guul u tahay Somaliland, isla markaana uu dalka  dha qaale ka soo gali doono, dad badan oo bulshada ka mid ahina ay shaqooyin ka heli doonaan.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa kale oo uu ka hadlay Hadalkii ka soo yeedhay Salaadiinta reer Awdal oo iftiimiyey in arintaas ay faraha kula jiraan dawladdo shisheeye oo raba in Somaliland laga jaro gobolka Awdal oo loo bixiyo Awdalland, waxaanu taas sabab uga dhigay oo shaaca ka qaaday in qorshaas uu hore seeska u  dh igaya madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin markii uu yidhi deegaanka Xeebta ee ay ka mid tahay Ceel-sheekh waxa lagu daray gobolka Awdal, taasina ay keentey in wax doorasho ahi ay ka dhici  waaya an halkaasi..

Suldaan Maxamed ayaa Waxa uu sidaas ku sheegay mar xalay uu Haatuf khadka Tilifoonka ugu waramayey  isa ga oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Anigu waxaan odhan lahaa oo aan soo jeedinayaa, horena aan u soo jeediyey xeebtaas Galbeedka ee dhacdada foosha xuni dhawaan ka dhacday aynu Ethiopia ka  kirayn o, waxaan xukuumada ku idhi dhaqaale badanina wuu inaga soo galayaa, shaqaale badanina waynu ka helayna a, markaa waxaan xukuumadan hadda u soo jeedinayaa inay Ethiopia la gasho heshiis caalami ah oo ay kaga kiraynayso xeebtaasi”.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadleyey hadalka ka soo yeedhay Salaadiinta reer Awdal iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi “Markay Salaadiintii dalka ee hogaamiyayaasha Dhaqanka ahayd sidaas u hadlaan, nin ka aan dhaqan waxba ka aqoonina siduu u hadlayaa, aniga arintani waxa ay ila tahay Baroortu orgiga ka wayn, waxaana wax lala yaabo ah sababta ay Salaadiinta reer Awdal markii uu Rayaale tagay uga hadleen arintan.

Dhacdadani waxay noqonaysaa arin la rabo in Somaliland lagu burburiyo, wuxuu u muuqdaa hadalkaasi in  siyaa sad Jabuuti wadato ay meesha ka socoto oo Dhul goosi ayaa ka soo socdee waa in laga hortagaa, inbadan oo hore ayaan anigu ka hadlay oo aan ka dignay arimahan, haddii maanta reer Boorama ay yidhaahdaan Awdal-land ayaa nala yidhaahdaa, in isku daygaasi jira waxa cadaynaya markii uu madaxwayne Rayaale in doorashadu ka dhacdo ka mamnuucay deegaanka Ceel-Sheekh, sababta uu u goynayeyna waxa ay ahayn waxa uu  doonay ey in mustaqbalka dhaw ay yidhaahdaan waanu goosanay, Somaliland ma nihin diwaangalina maanu galin, doora shana kamay dhicin deegaankan, arintanina inta la moodayo way ka sal balaadhan tahay oo dawladda  shishee ye ayaa meesha gacanta kula jira”. “Salaadiinta Reer Boorama waxaan leeyahay waar qaranimo ayeynu  maray nee aynu iska dayno qabiilka iyo raas raaska aynu wax u rabno, waxaana inoo quruxbadan in aynu ixtiraano  sh uruucda Jamhuriyada Somaliland” Suldaan Maxamed Waxa uu intaasi ku daray isaga oo la hadlayey  Madaxway ne Siilaanyo “Madaxwaynaha waxaan leeyahay dhag ha u dhigin jalaafooyinka yar yar aad la kulanto, waxaanan kugu boorinayaa in aad u dhago nuglaato cabashooyinka muwaadiniintaada kana qanciso waxa ay ka  cabanaya an”.

S: Suldaan Sideed u aragtaa dhacdada afduubka ah ee ka dhacday deegaanka Laasqoray ee lagu qafaashay muwaadiniin reer Somaliland ah?

J: Dhacdadaas waxaan u arkaa fal lagu kharibayo amniga qarankan Somaliland, ragan afduubka geysteyna maaha in loo aaneeyo beel, way ka dhasheen beel laakiin maaha arin beeshu kula jirto oo qabiil salka ku haysa.

S: Afduubkaas ka dhacay Magaalada Laasqoray, waxa la sheegayaa in uu salka ku hayo rag budhcad badeed ah oo ku xidhan xabsiyada Somaliland in lagu furto, arintaas maxaad kala socotaa?

J: Deegaankaas bulsho ayaa dagta bulshadaasina ma ogala in sidaas la isku qafaasho, waxaan u jeedinayaa bulshada reer Laasqoray iyo waxgaradkoodaba in ay arintaas ka hawl galaan oo si dagdag ah loo dhameeyo, dadka leh Warsangali ayaa afduubatey ragaasna waa dad aad u khaldan.

S: Arintii ka dhacday xeebta Galbeedka ee u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya ee ciidamada OLNF-ta ahi kaga soo dageen waxa xilkiisii ku waayey taliyihii aagaas Xudhuun, taasi waxay sababtey in ay aad uga Gadoodaan Madaxdhaqameedada Awdal, arintaasi siday kuula muuqataa?

J: Waxa marka hore haboon in aynu ogaano in maamulku jiraa aanu cidna reernimo ku badaleyn, hadii uu  madax waynuhu badalay Taliye xaq looguma laha in la yidhaa maxaad u badashay. Dhacdadan ka dhacday Galbeedka iyo Amniga hada xumaaday anigu hore ayaan uga hadlay markii Cilmi Kabaal la magacaabay sababta oo ah  Max amed Saqadhi Dubad waxa uu ahaa nin shaqadiisa aad uga adag, waxa ii muuqatey Saqadhi in uu kaga  haboo naa hawshan taliyaha hada Cilmi Kabaal. Waxaan aad uga xumahay in nin suldaan ahi uu qabiil ka hadlo,  macna ha suldanadu waa qof walba suldaan ayuu u yahay wixii ummada laga kharibana wuu ka hadli karaa oo reer Somaliland oo dhan waa in uu u hadlaa laakiin maaha in uu raas u hadlo. Hadalkan ka soo yeedhay Salaadiintii Awdal ee ay leeyihiin laba qaybood ayeynu nahaye waa in aynu saamiga laba is leeg u qaybsanaa, shacbiga kale ayey arintaasi ka dhigaysaa kuwo laga tiro badan yahay. waxaan leeyahay aniga shalay maxaa xabada la iila dhacayey oo aan u odhan waayey waar Saamigaygii maan heline ha la i siiyo, waxa ka quruxbadan qofkasta oo reer Somaliland ahi Madaxwayne ha noqdo, Ninka Habar Awal waxa uu qabto ha la arko, ka Samaroon waxa uu qabto ha la arko, ka Garxajisna waxa uu qabto ha la arko, markaas waa in aan cidna reer loo nisbeyn.

S: Xaga siyaasada marka aynu eegno adigu shaqsi ahaan yaad taageersanayd sadexda xisbi ee u tartamayey talada dalka doorashadii dalka ka dhacday 26-kii June 2010?

J: Anigu doorashadan iyo tii ka horaysay midna maan codaynin, waxa tartamayeyna waxay ahaayeen  Siyaasiy iin aan dhamaantood Suldaan u wada ahaa, markaa way foolxumaan lahayd hadii la i odhan lahaa Suldaan Maxamed kana wuu diiday kana wuu u codeeyey.

S: Waxa jira qorshay xukuumadan talada dalka haysaa dhawaan ay ku xayirtey in ay socdaalo galaan  masuuliy iin ka tirsan xukuumadii hore ee Rayaale, arintaas sideed u aragtaa?

J: Duruufta taagan ee keentey in loo diido in ay dalka ka baxaan waxay noqonaysaa oo haboon in ay  ogalaada an in baadhitaan lagu sameeyo oo ay qanciyaan ilayn waxay ahaayeen niman masuuliyadi saarneyd oo xilal hayeye.
 


Source:Haatuf