Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Si Adag U Weeraray Eng Maxamed Xaashi Iyo Dhakhaatiir Ka Soo Jeeda Beeshiisa

 

"Anigu xisbi ma soo hadal qaadin shakhsiyaadna ma aan soo hadal qaadin, arrin guud uun baan ka hadlay oo wixii Somaliland ka hor yimaada waanu iska celinaynaa” Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir



Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ay isaga ku durayeen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Aqoonyahano ka soo jeeda beeshiisa oo qoonsaday hadal uu Suldaanku dhawaan ku faafiyay Saxaafada, oo la xidhiidhay in beeshoodu ka aar-goosanayso ciddii ka hortimaada xukuumada Madaxweyne Rayaale.


Suldaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu ku dooday in turjumaad khaldan laga bixiyay hadalkiisii, waxaanu yidhi "Horta dadku haddii wax aanad u jeedin ay iska fasirtaan oo ay dhakada isku saaraan, cidda ku dhib qabtaa waa ciddii arrintaas ka hadashay.rag badan oo TV-yada ka hadlay nin walba hadalkiisii waan ugu mahad naqayaa ama ha wanaagsanaado ama ha xumaado waayo aqoon baa siisay inuu kamaradaha TV-yada soo hor fadhiisto wuxuu doono iskaga hadlo dadkani waa ummad wada dhalatay wax walba waa la is odhanayaa. Anigu laakiin waxyaabo khatar ah ayaa ka soo muuqda jawaabihii iyo hadaladii hadalkaygii hore laga celiyay."


"Anigu xisbi ma soo hadal qaadin shakhsiyaadna ma aan soo hadal qaadin, arrin guud uun baan ka hadlay oo wixii Somaliland ka hor yimaada waanu iska celinaynaa. Xisbi yidhaahda anigaa la ii jeedayna ha ii caddeeyo dee waxaan ugu jeeday ha ii caddeeyo anigu garan maayo xisbi aan soo qaaday oo aan idhi xisbi hebel, ayaa rabshado iyo wadanka dagaal ka wada,"Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.


Suldaanka oo ka jawaabayay hadalo ka soo yeedhay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo suldaanka ku dhaliilay habdhaqankiisa, wuxuu yidhi "Eng Maxamed Xaashi Cilmi waa nin aqoon yahan ah oo dhawr marxaladood xil ka soo qabtay Somaliland, waana dadka ugu aqoonta badan dalka, isaga eray yar oo kaliya ayuun baan odhanayaa shakhsinimo inaan kuu abaaro ma aan jeclayn ee adigaa faraha nala soo galay, Salaadiintii hore ee aad ammaanta ka bixisay waad ku mahadsan tahay oo ummada salaadiin uun bay u ahaayeen. Anaguna itaalkayaga meel kasta ha nala gaadhee iyagii uun baanu metalaa wax shaadaliyana cid kama qaadano. Laakiin adigan xisaabta, qalinka iyo warqada la dabo taagan dhaqaalaha Somaliland ayaa shaadali uga baahan baan u malaynayaa. Waayo ninka aqoonyahanka ahi waxa looga baahan yahay inuu dalka wax ku soo kordhiyo waxaan leeyahay xisbiga aad ku jirto ma aan soo hadal qaadin saddexda xisbina aniga way ii siman yihiin, kii ummada khayr u hayana ee ummadiisa horumar gaadhsiinaya ee doorashada ku guulaysta uun baa noo xisbi xukuumi ah oo inaanu la shaqaynaa waajib tahay. Barrito haddii KULMIYE ku soo baxo waajibay nagu tahay inaan la shaqeyno, laakiin nala odhan maayo xisbigana way ridayeen kana way dhisayeen calaamad salaadiinta u taala taasi ma aha."


"Rag tol ah ayaynu nahaye haddii aad adigu waxba u soo aari wayday, malaa intayada kale inaanu u soo aarno aabahaa way nagu fiican tahay oo Beesha Gabooye ee Xaashi Cilmi aabahaa dilay in aanu magti ka soo qaadno oo gogol u dhigano way nagu fiican tahay iyo inaanu u soo aarno waxba noogama dhaxayso, ninka aabihii aar la’aan ku dhintay yaanu waxba aniga aabahay iyo awoowyaday soo qaadin waxay kasbadeen iyagaa samaystay,"Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.


Suldaan Maxamed waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadalo shalay ka soo yeedhay dhakhaatiir ka soo jeeda beeshiisa oo sheegay inay xaal ka siinayaan shacbiga Somaliland hadalo dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo lagu faafiyay Saxaafada Somaliland.


Waxaanu yidhi "Dhakhaatiirta reer Somaliland ee xisbiga ku jirta, waxa marka horeba ka mamnuuc ah inuu nin dhakhtar ahi uu siyaasada galo. Qaliinada iyo hawl galka caafimaad ee uu galayo iyo fikirka siyaasiga ah ee ka maskaxdiisa ka guuxaya uma fiicna. Waxaanan leeyahay dadka reer Somaliland dhakhtarkan xisbiga galay ha isku dhiibina."




 



Ramaasnews