SULDAAN MAXAMED SULDAAN CABDI ISMAA CIIL"HA MBALYO U DIRAYA SHACBI
WEYNAHA REER SOMALI LAND SOO DHAWEYNTII ,MARYAN
MURSAL

ASCWW.bacda salan anigoo ah .SULDAANKA
GUUD EE BEESHA REER SHEEKH MUSE DHARIYE EE GABOOYE JSLD"SULDAAN
MAXAMED SULDAAN CABDI ISMAACIIL"kuna hadlaya magaceyga suldaanimo
iyo dhaman madax dhaqa medka beesha muuse dheriyo ee gabooye
odayasha culima,udiinka iyo dhalinyarada beeshu waxa aay hambalyo
iyo bogadin aay u dirayaan guud ahaanba shabiga reer somaliland gaar
ahaan kuwa ku nool casimada somaliland ee hargeysa,hambalyadan oo
kubegan soo dhaweyntii loo sameeyay fananada caanka ah ee maryan
mursal ciise aay kutagtay magalada hargeysa soo dhaweyntan oo
noqotay tii ugu qiimahabadnayd ee abid loo sameyo fanan somaliyed
waxa aad aay dadbadani ula dhacen qaabka loo soo agasimay soo
dhaweyntan iyadoo aan shacbi iyo xukumad aan loo kala hadhin,
tasi waxay muujinaysa inay dadkani aay ka koren dhaqamadi iyo
cunsuriyadi awal aay somalidu aay kula dhaqmijiren beelaha gaboye
waxanan huba in xadarada iyo ilbaxnimada facaweyn ee aay shacbiga
reer somaliland aay waligoodba hidaha iyo dhaqanka aay u lahayen in
aay keentay in loo soo dhaweyo maryan mursal si aan loo soo dhaweyn
fananinta kale ee dalka yimada, wana hubaal in hargeysa aay
noqondonto hoygii ladagalanka cunsuriyada iyo takorki foosha xuma ee
lagula kici jiray belaha gaboye.
waxanan qiraya anigoo ah .SULDAANKA GUUD EE BEESHA REER SHEEKH MUSE
DHARIYE EE GABOOYE"SULDAAN MAXAMED SULDAAN CABDI ISMAACIIL". inay
somaliland tahay meesha kaliya ee beelaha gaboye aay kahelen
xuquqdooda kana midyihin golayasha qaranka sida golaha wasirada iyo
golaha guurtida oo aan anigu saxexay war´qadi xubinimada ee
xildhibanka hada kujira golaha guurtida ee ugu jira beesha gabooye
ee rer soamliland,XILDHIBAAN JIRDE SICIID MAXAMUUD,ee uu aabihi uu
kunoqday xildhibanka kadib markii uu geriyodayna anigoo dibada
kumaqan aay wakilka suldanka iyo cuqashu ay ku geyen sidas xildhiban
jirde,
waxan xususta hadal uu anaga oo jogna guriga shaqalaha ee magalada
har geysa oo lagu qabanayay shirkii beelaha sanadkii
1997 ee ala ha u naxarist e
madaxweynaha loogu dortay marxun.m-x-i-cigaal
uu ku yidhi suldanki beesha
SUBEER AWAL ee geriyodaay alah ha u naxariste ,SULDAAN
SAXAR DIID SULDAAN DIIRIYE,oo uu kula hadlay odayaal uu ka
mid aha isna alah u naxariste gudomiyihi golaha guurtida ee hore .SHEEKH
IBRAAHIM SHEEKHYUSUF MADAR, hadalkaasi oo
aanan wali iloobin sidii geesinimada
lahayd ee uu suldanku u yidhi
hadalkiisa oo aha .walaahi hadii aan
beesha muuse dheriyo xaqooda
aaynan siin inanay waxaba inoo suuro galayn ee waa in suldankodi
wakane sheekh ibrahinow aad siisa ergoyinka aay xaq u leyihin
intaynaan halkan kakicin .alah ha u naxariste .sheekh ibrahin
inta uu ladhacay hadalki suldanka oo uu madaxa ruxay ayuu yidhi waa
runta wana inay helan xaqoda.waxay ahayd xili aanay dalka dawladi
kajirin aan waxba lahayn malintas ayan qiyasay in dalkani uu
noqonayo meesha kaliya ee beesha gaboye
aay xuquqdoda ka helayan laguna xushmayndono mustaqbalka wanay
dhacday oo wata maanta aad arkaysan sida diiran ee loosodhaweyay
maryan mursal ciise waana albab fiican
oo furmay waxanan leyahay somalida kale iyo maamulka puntland iyo
kan sheekh sharifba waa iney ku daydaan somaliland oo dadkan xaqooda
iyo xurmadodaba ay siiyan hadii kale walihi in aaydan idinkuna aydan
waxba noqonayn waayo waxa jira beelo kale oo aan ahayn beesha muuse
dheriyo oo punland dega iyo kuwo koonfurta dega kuwas weye kuwa aan
leyahay hala siiyo xaqoda iyo cidkaste oo dulmanba.
.ALLAH MAHAD LEH mahad.
LONG LIVE
SOMALILAND.
waa qalinkii -SULDAANKA GUUD EE BEESHA REER SHEEKH MUSE DHARIYE EE
GABOOYE JSLD"SULDAAN MAXAMED SULDAAN CABDI ISMAACIIL"
Copenhagen.Denmark
|