Suldaan Maxamed
Suldaan Cabdiqaadir oo Shacabka ugu baaqay inaanay Axsaabta
Siyaasadda ku kala raacin hab qabiil
Suldaan
Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ka mid ah
Salaadiinta ugu faca-weyn Saldannaddaha Somaliland, ayaa ka hadlay
Qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, isaga oo sheegay in
mabda’iisu uu yahay mid ka duwan ka Shacabka. Waxaanu ka warbixiyay
Shirar nabadaynta Soomaaliya ah oo uu ka-qayb galay, isla markaana
wuxuu Salaadiinta dalka ugu baaqay inay isugu yimaadaan Shir.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu naqdiyay Salaadiin uu
sheegay inay Xisbiyada dalka kala taageeraan, kuwaas oo uu ku
tilmaamay kuwo aan go’aan ku yeelan karin arrimaha Somaliland.
Waxaanu ugu baaqay Salaadiinta
dalka inay Shir isugu yimaadaan. “Salaadiinta reer Somaliland waxaan
leeyahay, waxa yeeshaan sida aad maanta tihiin si maahee,
Salaadiintu ha isu timaaddo oo hala wada tashado, iyaga ayuun baana
leh xalka kama-dambaysta ah ee Umadda. laakiin, Nin Suldaan ah oo
Xisbi la safan, go’aan kuma yeelan karo arrimaha Somaliland ee
Xisbigiisaas ayuun buu ku ekaanayaa. Anagu Xisbi ma nihin, Xisbina
ma raacsanin ee kii soo baxa ee guusha badan leh, ayuun baanu
leenahay noolow.” Ayuu yidhi Sul. Maxamed oo dorraad ka hadlayay
Munaasibad lagu caleemo-saaray Suldaan cusub oo ay yeelanayaan
Beesha Deegaanka Cadaadley, taas oo Degmadaas lagu qabtay.
Suldaanku wuxuu Shacabka ugu baaqay inaanay Axsaabta Siyaasadda ku
kala raacin hab qabiil, isla markaana aanu ugu ololayn. Balse, mabda’
ay ku kala raacaan. “Laakiin, taasi waxay ku xidhan tahay dadka,
waar Ninkii dalka wax u qabanaya uun la socda, Ninkii aan wax u
qabanayn iska dhaafa. Xisbigu waa mabda’a oo qofku wuxuu aaminsan
yahay uun weeye, ee maaha kan ayaa reer hebel ah iyo kan ayaa reer
hebel ah. Hadduu Qabiil idinka gelo, waynu ku dhimanaynaa ee yaanu
qabiil idinka gelin, waxani waa mabda’a ee qof walowba halka aad
raacsan tahay, reernimo ha ugu ololayne, qoladii kula fikrad ah uun
u ururi oo u kaxee Xisbigaaga. Laakiin, haddaad reernimo ku ololayso,
wixii inaga soo maray reernimo waynu ognahay. Markaa waxaan leeyahay,
mabda’a Dimuqraadiyaddu wuu ka soo horjeedaa waxa Qabiilka la
yidhaahdo, Qabiilna uma baannin inaynu ku dhaqano.” Ayuu yidhi
Suldaan Maxamed.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu ka hadlay
qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, waxaanu sheegay in inkasta
oo aanu ka hor imanayn goonni-isu-taagga Somaliland, hadaana ay
jirto mabda’ uu ka naamisan yahay. Isla markaana wuxuu ka warbixiyay
socdaallo uu kaga qaybgalay qaar ka mid ah Shirarkii nabadaynta
Soomaaliya. “Koonfur markaynu ka goosanaynay Qabiil kagamaynu
goosanayn ee waxaynu xaq u lahayn ayaynu kaga goosanaynay, haddii
Qabaa’il loo kala goosanayo, dee Isaaq rag badan baa ku hadhi lahaa
Dawladda Xamar oo imikaba aad arkaysaan in ay ku sii socdaan. Anigu
Ishaan farta ka soo geliyay, meel ay nabadi ka dhawdahay maaha (Koonfurta
Soomaaliya), Carta ayaan tagay, Imbigaati Anigoo ku sii socda ayuu
Nin Wasiir ahi igu dhaartay oo aan ka soo noqday. Horta ka hor iman
maayo waxa dadkaygu ay doonayaan, laakiin, Mabda’ baan aaminsanahay
ee maalinta ay dadku Gidaarka soo taabtaan, ayaan odhanayaa Aniguna
kan ayaan aaminsanaa ee ila raaca. Waayo, Qofku wixiisa inuu sheegto
dheg-xumaan ma leh, qofba wuxuu aamisanahay weeye. Haddaynu
Somaliland ku gaadhi waynay 18 sannadood, waynu daba soconaynaa uun
ilaa aynu soo taabano Gidaarka. Laakiin, yaan laga hadhin baan idin
leeyahay oo inyar baa idiinka hadhay.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed
Suldaan Cabdiqaadir.
Suldaan Maxamed waxa uu sheegay in dal waxa lagu hoggaamiyo ee
aayihiisa lagu xukumaa ay tahay go’aanka Madax-dhaqameedka, sidaas
darteed dalal ka mid ah kuwa dunida hadda la doonayo in wada-tashiga
ku dhisan Odayaasha laga hirgeliyo. “Nabadgelyadaa Umaddu ay ku
nooshahay ayay Caalamka oo dhanna soo eegayaan, waxay leeyihiin,
dadkani (Somaliland) Afrika, Ameerika, Eeshiya iyo Yurub waxaan weli
lagu dhaqmin ayuu ku dhaqmay oo dal aan Aqoonsi haysan oo
nidaamkoodii samaystay oon Ilaahay mooyaane cid kale u baahnayn,
halagaga daydo siday wax u qabsadeen. Imika waxa lagu dhaqayaa
Pakistan, Afgaanistaan baa lagu dhaqay, Taymil-Taygariska (Sirilanka)
ayaa beri lagu soo qabanayaa. Dariiqii Somaliland ay martay waa
Odayaashu waxay isku af-gartaan oo ay noqonaysaa natiijada u
dambaysaa. Meel Odayaashii ay ka tageen-na, meel maaha.” Ayuu yidhi
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi.
Source Ogaal
|