Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirahmaan Oo Shacabka Iyo Xu kuumada DDSI Ugu Soo Hanbalyeeyay Sidii Qiimaha Badnayd Xasiloonida Lahayd Ee Ay U Dhacday Doorashadii 5aad Ee Deegaanka Iyo Dalka

 



Jig jiga (TNN):- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirahmaan oo ka mid ah salaadiinta waawayn ee Soo maliland iyo Itoobiya kana mid ah salaadiinta soo jireenka ah ee laga yaqaano guud ahaanba gayi ga soomalida isla markaana Suldaan si wayn u daneeya arimaha horumarka iyo nahad galyada gu ud ahaanba soomaliya gaar ahaana itoobiya iyo soomaliland.

Wuxuuna, Suldaanku hadalkiisa ku bilaabay sidan,” Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magacyad a beelaha aan Suldaanka u ahay ee kala daga itoobiya iyo soomaliland iyo dhamaanba inta danays a arimaha horumarka iyo nabad galyada ee dalka itoobiya gaar ahaana dawlad deegaanka soom alida itoobiya, waxaan hanbalyo mug leh u dirayaa guud ahaanba JDFI iyo gaar ahaana hogaamin ta sar e ee xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI sidii qiimaha iyo kudayashada mud nayd ee ay u dhacday doorashadii heer qaran ee dhawaan ka qabsoontay dalka iyo deegaankaba, taasi oo u qabsoont ay is nabadgalyo oo cilmiyaysan waxayna, muujinaysa in shacabka iyo xukuumada ay u bislaadeen arimaha horumarka iyo xasiloonida dalka iyo deegaanbaka.

Suldaanku isaga oo sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu yidhi, "waxaan  kale oo hanbalyo qoto dheer aan u dirayaa, xukuumada DDSI hogaaminaya Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, guulo horum arineed ee ku dayashada mudan ee ay sanadihii ugu danbeeyay u soo hooyeen shacabka DDSI, ee dhinac kasta leh sida isbadalka iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka, kor u qaadida ka abayaasha dhaqaalaha aas aasiga ah, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga, taasi oo deegaanka soomalida itoobiya wakhtiyadii hore lagu tilmaami jiray deegaanada dib uga dhacay dhinaca horum arka.

Balse hada la jaan qaadaya, ama kaba dheerayna markaa eegto cabirka xawaaraha horumarineed ee uu ku socdo deegaanada horumaray ee dalka itoobiya.Taasina waxaa, keenay nidaamka hogaa minta dhalinyarada ah ee dajistay qorshyaal iyo istaraatajiyo cilimaysan oo si buuxa loo fuliyo laa na hir galiyo.

Waxaa, kale oo aan si gaar ah ugu hanbalyaynayaa kuna amaanayaa Madaxwaynaha DDSI muda ne Cabdi Maxamuud Cumar qorshaha cusub ee horumarineed ee xigmada hogaamineed ee uu ku soo daray qorshayaasha taasi oo aan hore loogu arag guud ahaanba hogaaminta siyaasadeed ee gayiga soomaaliyeed. taa oo ahayd in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, iskugu yeedhay dham aan madaxwayne yaashii iyo masuuliyiintii ka horeeyay ee soo martay deegaanka isaga oo madax waynuhu u muujiyay tix galin iyo xurmaynta ay ku leeyihiin deegaankooda una qabtay xaflad uu ku maamuusayay qadarinta xurmaynta ay leeyihiin madaxwaynayaashii hore kuna booriyay in ay ka qayb qaataan arimaha horumarka ee ka hananqaaday deegaanka, iyagana wixii waayo aragnimo ah,laga qaato, waxayna noqotay mid taariikhda deegaanka baal habad ah ka gashay, noqotayna mid ay ku dayan doonaan hogaaminta afrika gaar ahaan kuwa gayiga soomalida.

Ugu hanbayntii waxa uu Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabirahmaan ku soo dabaalay hadalkiisa” waxa an taageero iyo hanbaylo durugsan u hayaa xukuumada iyo shacabka uu horumuudka u yahay m adaxwayne Cabdi Maxamuud cumar ee mudada yar ku gaadhay horumarka buuxa iyo xaslinooni w aarta, waxaan leeyahay hallaasi ka sii wada hore u socodka horumarineed ee aad gaadheen dawl daha aad dariska tihiina waxay hiigsanayaan tusaalena idiinka qaadanayaal halbeegyada aad ku cabirteen kuna gaadheen horumarka buuxa iyo xasiloonimada taam yeeshay.



Source: Cakaara News