Jaahilnimo Waa Jab Adduunyo

 

 

ASCWW, ku soo dhawaada walaalayaal su'aashii maanta. Su'aasheenna maantu waxay tahay:
Adiga oo aan weyso qabin,
moobaylkaaga (your mobile) ma akhrisan kartaa Qur'aanka? Dhinaca shareecadda Islaamkase ma bannaan tahay arrintaasi?


 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Haa, waad ka akhrisan kartaa. Sharci ahaanna wax dhib ah ma leh.


 


Jaahilnimo Waa Jab Adduunyo

 

 

ASCWW, Walaalayaal ku soo dhawaada su'aasheenna maanta oo ah teennii labaad. Su'aasha maantuna waxay leedahay:

Imisa haween ah, ayaa magacyadooda lagu sheegay
Qur'aankeenna Kariimka ah?

 


 

Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Inkasta oo sheekooyin (qisas) badan oo haweenka la xidhiidha Qur'aanka lagu sheegay, haddana mag aca Maryam bintu Cimraan (salaani dusheeda ha ahaatee) oo keli ah; ayuu Alle (SWT) ku xusay Kitaa bkeenna Muqadaska ah.
Xasuusnow,
Maryami waa nabi Ciise (CS) hooyadiiye.
 

 

Jaahilnimo Waa Jab Adduunyo

 

 

ASCWW, walaalayaal salaantaasi Islaamka kaddib; ku soo dhawaada su'aasheennii saddexaad oo ka mid ah taxanihii aynnu beryahanba soo wadney.

Su'aasheennu waxay maanta leedahay:

Imisa sujuudu-tilaawe (meelaha la sujuudo, marka Qu'aanka la akhriyayo) ayaa Qur'aanka oo dhan ku jira?

 


 

Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Shan iyo toban sujuudu-tilaawe ayaa Qu'raanka oo dhan ku jira. Inkasta oo ay meelaha qaarkood  mad-habuhu isku khilaafsan yihiin.

 

 


Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, Salaantaasi kaddib, waa su'aasheennii diiniga ahayd ee maanta oo tii ka horreysey xidhiidh la leh. Waxayna leedahay:
 
Suuraddee ayaa ugu sujuudo-tilaawe badan Qur'aanka? Imise sujuudood ayaase ku jira suuraddaasi?

 


 

Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Suuradda Qur'aanka ugu sujuudu-tilaawe badani, waa suurtulxaj. Waxana ku jira laba sujuudood.

 


Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, Salaantaasi Islaamka marka guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aalahee nnii diiniga ahayd ee maanta. Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
 
Halkee (goobtee) ayuu rasuulkeennii suubbanaa (NINKHA) ku sugnaa; markii ugu horraysey ee wax yigu ku soo degey?

 

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Rasuulkeennu (NINKHA) wuxu ku sugnaa ama joogey, godka loo yaqaanno Qaaru Xiraa oo xilligaasi ku yaalley; Waqooyiga magaalada Maka.

 

 


Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aasheennii maanta. Waxayna su'aashe enna maantu leedahay:

Kumuu ahaa macallinkii rasuulkeenna (NINKA), Qur'aanka u dhigi jirey?

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Macallinkii Qur'aanka u dhigi jirey rasuulkeennii Muxamed (NINKA) wuxu ahaa, Malakul- Jibriil (caleyhi salaam).

 

 


Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, salaantaasi Islaamka marka aad guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa ee aynnu beryahan soo wadney.
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Suuraddee ayay ku jiraan, aayadihii ugu soo hordegey Qur'aankeenna Kariimka ahi ama waxyigaba?
 

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Aayadahaasi waxay ku jiraan, Suuratul-Calaq ama sida ay dad badani u yaqaanaan; Iqra.

 


 

Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

Aayaddii Qur'aanka ugu dambeysey ee soo degtaa waa tee? Suuraddee ayaanay ku jirtaa?

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Walaalayaal, jawaabta su'aashii aynnu shalay isweydiinney; sidaasi uma hawl yara. Waayo, muran ba a ka dhextaagan culimada oo mid waliba isagoo daliil cuskanaya ayuu meel ku dhuftay!

Waxase loo badan yahay, in aayaddii Qur'aanka ugu dambeysey ahayd, aayadda 281 naad ee Suurat u-Baqarah - oo la sheegay, in ay soo degtey sagaal maalmood ka hor geeridii rasuulkeennii Muxamed (Nabadgelyo iyo naxariista Eebbe dushiisa ha ahaatee).

 

Waxa kale oo ay qolyo kale qabaan, in aayaddii ugu dambeysey ahayd, qayb ka mid ah aayadda 3 xaa d ee Suuradda Almaa'ida. Culimo kale ayaa iyaguna ku doodaya, in aayado kale ay jiraan oo aan la ya raysan kari daliilkooda.
 

 Sidaa awgeed, ma sahlana ee sidaasi ula soco akhriste.

 

 

 


 

Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, Salaantaasi qaaliga ah kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aasheennii maanta oo ka mid ah su'aalaheennii diiniga ahaa; waxayna leedahay:
 

Sheeg suuradda Qur'aanka kala badha magaceeda?

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Suuradda Qur'aanka kala badha ee shan iyo toban jisba dhinac u dhigtaa, waa suutul-Kahfi.

 


Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

 Sheeg aayadda Qur'aanka ugu dheer iyo suuradda ay ku jirtaba?

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Aayadda Qu'aanka ugu dheeri, waa aayadda 282 naad ee suuratul-Baqarah oo sida badan loo yaqaa nno; aayatu-Addayn.

 

 


Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, salaantaasi Islaamka marka aad guddoontaan kaddib; ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ka mid ah, su'aalaheennii diiniga ahaa ee aynnu beryahanba soo wadney.
 
Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:

Aayaddee ayaa Qur'aanka ugu yar, marka laga eego inta
xaraf ee ay ka kooban tahay?


 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Ku soo dhawaada akhristayaal, jawaabta su'aashii diiniga ahayd ee aynnu shalay is weydiinney.
  • Marka laga eego dhinaca xuruufta ay ka kooban tahay, aayadda Qu'aanka ugu yar ama gaa bani; waa aayadda 21 naad ee suuratul-Mudasir (Mudathir). Aayaddaasi waxay ka kooban tahay, laba erey oo tiro ahaan shan xaraf ah!

 

 


 

Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal ka mid ah, su'aalaheennii diiniga ah aa ee aynnu beryahanba soo wadney.

Su'aasheenna maantuna waxay leedahay:
  • Suuraddee ayuu ku jiraa ereyga (the word) ugu dheer Qur'aanku?

 

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

Ku soo dhawaada walaalayaal jawaabta su'aashii aynnu shalay isweydiiney.

Ereyga Qur'aanka ugu dheeri wuxu ku jiraa, suurtul-Xijri - gaar ahaanna aayadda 22 naad.

 


Jaahilnimada waa lagu Jabaa!

 

 

ASCWW, salaantaasi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal su'aal kale oo ka mid ah, su'aalaheennii diiniga ahaa. Su'aasheenna maantuna waxay odhanaysaa:

Imisa saxaabi oo ka mid ah, asaxaabtii nabigeenna Muxamed (NINKHA) ayaa magacyadooda Qur'aa nka lagu sheegay?

 

 


Jawaabta su'aashii shalay

 

 

Ku soo dhawaada walaalayaal jawaabta su'aasheennii diiniga ahayd ee shalay.

Ilaahay (SWT) wuxu Qur'aanka innoogu sheegay, magaca hal saxaabi oo keliya! Saxaabigaasina waa, Seyd oo magaciisa Alle ku sheegay; aayadda 37 naad ee suuratul-Axsaab (Al-Ahzab).