Soomaaliya Iyo Somaliland, Yusuf-Garaad Oo Waftiga SOMALILAND U Soo
Jeediyay Inay Shacabkooda U Sharaxaan Heshiiska Hawada Ee Ay La
Galeen SOMALIYA
Waxaa loo macneysan karaa in Somaliland ay heshay sidii ay dooneysay......
Bishan July 9 keedii ayaa magaalada Istanbul ay mas’uuliyiin sare oo
Soomaaliya iyo Somaliland ka socdaa waxay ku heshiiyeen in ay la soo
wareegaan maamulka hawada Soomaaliya, in la isla maamulo iyo in
Hargeysa laga maamulo. Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa wixii laga
soo maray in heerkan la soo gaaro, waxyaabo heshiiskan weli ka
dhimman, waxa la maamulayaa waxa ay yihiin, qiyaasta dakhliga ka
imaan kara iyo weliba haadaanta muuqata ee hor taalla meelmarinta
heshiiskan.
Waxay ahayd 2002 markii Dowladdii (TNG) ee uu Madaxweynaha ka ahaa
Cabdiqaasim Salaad ay weriyayaasha Muqdisho isugu yeertay ee
dowladdu ku dhawaaqday in wixii “maanta ka dambeeya” hawada
Soomaaliya laga maamuli doono Muqdisho. Waxaa weriyayaasha loo
sheegay in loo oggol yahay in ay duubaan wadahadalka dhex maraya
dayaarad ku jirta hawada Soomaaliya iyo sarkaal duulista hawada ah
oo Raadiye la fadhiyay Muqdisho.
Sarkaalkii wey u suurta gashay in uu dayaarad la hadlo, markii ay
isdhaafsadeen su’aalo iyo jawaabo tashwiish fara badani ku dhex jiro,
ayaa waxaa soo dhex galay cod ka faseexsan labadaba oo duuliyaha ku
yiri: Ha la hadlin qofkaas waa burcad. Annaga ayaa halkan kaa hagi
doonna.
Codkaas ayaa soo af jaray muddo gaaban oo ay si xoog ah Dowladdii
TNG ula wareegtay hawada Soomaaliya.
Sida uu berigaa qoray The Economist, taa waxaa ka horreyay isku day
ay Somaliland damacday in xafiiska hawada Soomaaliya maamula ee
Nairobi loo wareejiyo Hargeysa. Inkasta oo berigaas ay xirnayd
gegida dayaaradaha ee Muqdisho, haddana arrintaas waxaa diidday
Muqdisho oo ku hanjabtay in ay hawadeeda ka xireyso duullimaadyada
caalamiga ah ee dul mara. Ilaa aakhirkii ay Hargeysa oggolaatay in
xaalku sidiisa sii ahaado.
Dowladdii Shiikh Shariif ee TNG ayaa Ra’iisal Wasaare, Cumar
Cabdirashdiid billaabay in uu isku dayo in uu soo ceshado maamulka
hawada Soomaaliya. Wuxuu qoray codsi aan cidi dheg jalaq u siin.
Wuxuuna Gegida dayaaradaha ee Muqdisho uu qandaraas ku siiyay in ay
maamusho, sharikad laga leeyahay Dubai, oo la yiraahdo SKA.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa isaguna ka mid ahaa
Madaxdii Soomaaliya ee isku dayay in ay maamulka hawada dalka ay
kala soo wareegaan xafiiskii Nairobi laga unkay ee CACAS ee ay
wadajirka u sameeyeen UNDP iyo Ururka caalamiga ah ee Duullimaadka.
Codsigiisii lama meelmarin.
Soomaaliya hadda waxaa ka jirta Dowlad ka gudubtay ku meel gaar
wixii loo yiqiin. Bishii May ee sannadkan ayaa Wasiirka Isgaarsiinta
iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu ku dhawaaqay warkan oo
dad badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu ay Muqdisho
fariisteen oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada
Soomaaliya, si Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska
Ra’iisal Wasaare, Saacid Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi
uu wax weyn ka beddeleyo oo kacdoon hor leh uu gelinayo
madaxbannaanida hawada Soomaaliya.
Hawada la wareejinayo waa Soohdimaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo
dhan oo ay ku juraan Somaliland iyo hawada badda Soomaaliya. Waa
marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo Carabta ayuu isku xiraa.
Ma aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya Muqdisho, Hargeysa,
Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya ka tirsan.
Sida aan ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa
maalin kasta soo gala hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France
oo u kala goosheysa Paris iyo Réunion. Emirates oo isku xireysa
Dubai iyo Johannesburg. Dayaaradda Israel El AL oo Tel Aviv iyo
Thailand isku xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo rakaab siddaa
ay hawada Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275.
Markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay la wareegeyso
hagidda dayaaradaha, waxaa furka tuurtay Somaliland. Waxay ku
hanjabtay kana dhabaysay in ay joojiso dullimaadyadii Qaramada
Midoobay (QM) ee tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay in QM ay
hawada “Somaliland” ku wareejineyso “Soomaaliya”.
Wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee Istanbul, Turkiga (7-9
July) waxaa lagu heshiiyay in hawada la isla maamulo, lagana maamulo
Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Waxaa loo macneysan karaa in Somaliland ay heshay sidii ay dooneysay.
Faallooyinka laga bixinayo heshiisku waxay muujinayaan dhinacyo
Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.
Laakiin qaar kale ayaa weyneyso ku eegaya heshiiska si ay gal
daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in arrintani ay si uun ugu soo
dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay u arkaan in
shaqaale iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli
doonaan Hargeysa. Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in
hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.
Ergadii Somaliland ee Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka
dhaadhicin in ay u sameeyaan shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland
waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo
Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan. Sidaa
darteed dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka
loo fiiriyo dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.
Ergada Muqdisho ka timid iyaga waxaa u yaalla su’aalo ka adag kuwa
Hargeysa la is weydiinayo.
Maxaad hawada Soomaaliya ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo
dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u aqoonsayn? Ayaa ka mid ah
su'aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto saxaafadda
bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa
Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay
su’aalo waaweyn meesha keento. Puntland hadday weydiisato in
dakhliga qeybteeda laga siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa
wax macquul ah.
Heshiiska weli waxaa ka dhimman tafaasiil. Yaa Madax u noqonaya
Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac? Erayada (afgaradka) la
isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay noqonayaan? Si
kale haddii loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?
Hawlgalku marka uu billowdo waxaa dhici karta in laba ama saddex
jeer isla maalin gudaheed ay soo baxaan arrimo u baahan in cid iyaga
ka sarreysa ay ula laabtaan, go’aan deg deg ahna loo baahdo. Marka
ay xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee loo
qeybsanayaa?
Dabcan Xafiisku wuxuu ahaanayaa Hargeysa. Raadiyuhu wuxuu oollayaa
Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in la filayo in Madaxa Kooxdu uu ka
imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa. Laakiin tirada kooxda
lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa “code”-ka ama
afgaradka ay isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli
laguma heshiin.
Haddii intaas oo dhan la isku af garto, weli waxaa taagan su’aalo
kale. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya
1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay maamusho hawadeeda.
Biseylkeedii ma leennahay?
Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle,
halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo State oo
diiddan gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in
duullimaadyadaaasi ay si habsami leh u socdaan?
Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo.
Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo iyo
Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah
Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa
in ay faraha la gasho?
Mise waxaa la isticmaali doonaa xeerka caalamiga ah ee dayaaradaha
yaryar ku duulaya joogga gaaban ee dhul hawo wanaagsan oo duuliyuhu
ku hagi karo dayaaradda araggiisa dhulka (VFR – Visual Flight
Rules)?
Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u
socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali
hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa
guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.
Waxaanan rajeynayaa in ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo
aakhirka keena in midnimo ama deris wanaag mid uun la isku afgarto.
F.G. Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku
kala saxiixdeen in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee
Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.
|