soo gebogebaynta diiwaangelinta g/sanaag iyo komishanka oo u guuraya burco
 

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Md. Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in Komishanku u guurayo Magaalada Burco Xarunta Gobolka Togdheer, halkaasi oo ay ka maamuli doonaan hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha Gobolka Sool.

Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in Komishanku u guurayo magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer maalmaha soo socda, halkaasi oo ay ka maamuli doonaan hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Sool oo la filayo in la bilaabo 02/01/2009.


Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur oo maanta u waramayay Radio Horyaal, waxa uu sheegay in hawsha diwaangelinta gobolka Sanaag la soo gabagabayn doono caawa saqda dhexe, isla markaana hawl wadeenada Komishanku ay isugu iman doonaan magaalada Burco, halkaasna ay uga ambabixi doonaan Gobolka Sool. Waxana uu sheegay in Komishanku xarumo ku-meel-gaadh ah ay ka samaysteen magaalada Burco, halkaas oo ay ku soo hoyanayaan agabkii iyo shaqaalihii diiwaangelinta ee ka hawlgalay gobolka Sanaag, halkii ay ka iman lahaayeen Hargeysa.


Goobaha Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolada Sool iyo Sanaag ayaa la kordhiyey, iyada oo xukuumadda iyo Komishanku isla qaateen in diiwaangelinta laga sameeyo meelo ka mid ah goboladaas oo aanay doorashooyinku hore uga dhicin, isla markaana aan ku jirin qorshaha lagu saleeyey diiwaangelinta ee ay maalgelinayaan deeqbixiyayaashu, balse, xukuumaddu sheegtay inay bixinayso kharashka ku baxaya. Goobaha cusub ee la kordhiyey ayaa gobolka Sanaag, waxa ka dhashay xasaasiyad iyo xiisad, waxaana ka suuragalay dhawr goobood oo deegaamada Dhahar iyo Badhan ah oo ay shalay iyo dorraad ka bilaabantay diiwaangelintu.


Hase yeeshee, gobolka Sool oo loo kordhiyey 68 goobood oo cusub ayaa Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelintu waxa uu sheegay inuu rajeynayo in Gobolka Sool aanay wax caqabado ahi ka iman doonin goobaha la kordhiyey, si nabadgelyo ahna ay uga wada qabsoomi doonto.


Goobahaas la kordhiyey ee gobolka Sool waxa ku jira qaybo ka mid ah degmada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka Togdheer. Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta oo la weydiiyey maadaama degmadaasi ka tirsan tahay Gobolka Togdheer oo diiwaangelintu hore uga qabsoontay, sida loo raaciyey gobolka Sool, waxa uu sheegay in goobaha Buuhoodle ay yihiin meelihii aanay hore doorashooyinku uga dhici jirin, isla markaana tirada ka soo baxda goobahaas lagu dari doono tirada gobolka Togdheer.


Dhinaca kale Xasan Maxamed Cumar Looshade oo ka mid ah xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in 30 goobood oo ka mid ah goobaha diwaangelinta ee degmooyinka Badhan iyo Dhahar ee bariga Sanaag loo kordhiyay muddo hal maalin ah in diwaangelintu ka sii socoto, maadaama oo dib u dhac ku yimi wakhtigii ay diwaangelintu ka bilaabmi lahayd. Labadaa degmo ayaa diiwaangelintu ka bilaabantay Sabtidii iyo Axaddii shalay.


Xasan Looshade waxa kale oo uu sheegay in goobaha kale ee diwaangelinta Gobolka Sanaag la soo gabagabayn doono caawa saqda dhexe oo ku eeg wakhtigii loo qoondeeyay hawsha diwaangelinta gobolka Sanaag. Waxaana laga filayaa caawa inay ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee tirada dadka iska diiwaangeliyey gobolkaas.

 

 

 



Source: Somaliland.Org