Soo
Dhaweyntii Jamaal Ali Hussein ee Magaaldda
Atlanta, Georgia

Atlanta (TNN):-Dhawaaan waxaa Booqasho gaaban ku yimid magaalada
Atlanta ee Gobolka Georg ia Musharaxa Madaxweynaha ee
Xisbiga UCID Mud. Jamaal Ali Hussein, kadib markii uu
casuumad k a helay Jaaliyadda reer Somaliland ee Gobolka
iyo taageerayasha xisbiga UCID. Jamaal waxa si diir an
loogu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee magaaladda
Atlanta Hartsfied-Jackson Inter national Airport.
Jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda Atlanta iyo
nawaaxigeeda ayaa si qalbi furan u soo dha weeyey
Mud.Jamaal Ali Hussein iyagoo aad ugu riyaaqsanaa inay
fool ka fool ula xaajoodaan una xog wareystaan Musharaxa
Madaxweynaha ee xisbiga UCID.
Jamaal ayaa ah ninkii ugu da’da yara a ee u carar jagada
madaxweynenimadda Somaliland.
Jaamaal Ali Hussein waxaa uu kulamo gaara iyo mid guudba
la qaatey Jaaliyadda reer Somaliland ee degan Gobolka
Georgia.Guddi loo xilsaarey qaban qaabada iyo soo
dhaweynta Musharaxa Mada xweyne ee xisbiga UCID ayaa si
heersare ah u soo agaasimay goob aad u qiimo badan oo ay
Jama al iyo reer Somaliland ku yeesheen kulan xiise badan
oo isugu jira- isbarasho, xogwareysi iyo falan qeynta
xaaladda guud ee Siyaasadda Somaliland.
Xafladaas soo dhaweynta ah waxa lagu qabtay Huteelka
weyn ee Double tree ee magaaladda Atlanta, wax aka soo
qayb galay dhamaan agabyadda Bulshada reer Somaliland ee
Gobolka Georgia oo intooda badan ku labisan Astaanta
calanka Somaliland.
Goobta ay xafladdu ka dhacday waxa gees kasta hadheeyey
casaan, Akhtar iyo cadaan oo bilicda goobta ka dhigay
mid indhuhu ay jeclaystaan.
Carruurta iyo Dumarka ayaa iyagu wejigooda wax aka
muuqday farxad iyo rayrayn inay la kulmaan Musharaxa
Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Mud. Jamaal Ali Hussein oo
can ku ah dadka qurbe jooga ah ee reer Somaliland.
Jamaal waxa uu ku leeyahay taageerayaal badan dalka
Mareykanka oo uu muddo badan deganaa, goobtaasna waxaad
arkaysay inaanu Jamaal ahayn nin marti ku ah kadib
markii uu la kulmay rag badan oo ay Asxaab yihiin iyo
qaar ay yaraantii ku soo wada barbaareen magaalda
Hargeysaba. Jamaal waxa uu ii sheegay inaanay ahayn
markii ugu horeysay ee uu booqasho ku yimaado magaaladan
Atlanta, laakiin ay tahay markii u horeysay inta uu ku
biiray Saaxadda siyaasadda Somaliland oo uu manta ka
yahay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID.
Qaybaha Bulshada ee kala duwan oo isugu jiray Muxaafid
iyo Mucaaridba ayaa u dhamaa soo dhaweynta Mud.Jamaal
Ali Hussein oo aad ugu faraxsanaa inuu kulan la qaato
Asxaabta iyo taageerayaasha guud ee magaaladda Atlanta.
Dadka soo dhaweeyey Jamaal ayaan u kala hadhin yar iyo
weynba, run ahaantiina dad badan oo xiise qabay
muuqaalka iyo furfurnaanta Jamaal Ali Hussein inay mar
arkaan ayaa si xiise leh u joo gay goob kasta oo Jamaal
lagu casuumay.
Qado sharafyo soo dhaweyn ah ka sokow, Kullankii ugu
weynaa waxa uu k dhacay Galabnimadii Hu teelka weyn ee
Double tree ee magaaladda Atlanta. Goobtaas oo si weyn
la isugu xog waraystay.
Goobta ay xafladaasi ka dhacday oo si wacan loo qurxiyey
ayaa waxa guud ahaanba ka hadaly oo Jamaal soo dhaweeyey
guddidii qaban qaabadda xafladda iyo xubno kale oo ka
tirsan Bulshada re er Somaliland qaybaheeda kala duwan
rag iyo Dumarba. Waxay dhamaantood carabaabeen sidau ugu
faraxsan yihiin inuu Jamaal Ali Hussein booqasho ugu
yimaado, isla markaana ay ka xog warey staan xaaladda
cakiran ee siyaasadda Somaliland wakhtigan hadda lagu
jiro.
Mudane Jamaal Ali Hussein oo ay wejigiisa ka muuqato
shucuur wadaninimo ayaa soo dhaweyntii diiraneyd si weji
furan uga mahadceliyey. Jamaal wuxuu si guud uga
sheekeeyey Siyaasadda iyo Haykalka dawladnimo ee
Somaliland, wuxuuna aad ugu dheeraadey in dhalinyarada
iyo jiilka cusubi ay u diyaar garoobaan sidii ay uga
qayb qaadan lahaayeen siyaadda dalka si Mustqbalka
Jiilka cus ub looga tago dhaxay ay wax ku qaybsan karaan
oo ka duwan kii ka Lumay dadk qurbe jooga ah e e soo
maray marxaladdaha kala duwan.
Jamaal wuxuu aad ugu dheeraaday wixii dalka ka qabsoomay
24kii sanno ee tagay iyo dhibaatoo yinka ka jira oo uu ku
tilmaamay qaar u baahan in degdeg loo saxo sida sharci
dejinta dalka, Saami qaybsiga maamulka dawladda iyo
Miisaanaiyadda dalka oo si aan dheeltirneyn loo qaybiyo.
Jamaal wuxuu carabaabay inuu dhawaan deraasad ku
sameeyey Missaniyaaddii dalka ee sannadk an oo runtii uu
ku tilmaaamay mid wax badan ka khaldan yihiin , dadka
shicibka ahina aanay u dhe ga nuglayn. Jamaal isagoo ka
faa’ideysanaya khibradda uu u leeyahay xisaabaadka iyo
maamulka ayaa waxa uu ku tilmaamay in Xukuumadda hadda
jirtaa ay si khaldan dadka ugu soo bandhigto X aqiiqadda
dhabta ah ee mala-awaalka Miisaaniyadda dalka lagu
hagayo.
Jamaal Ali Hussein, oo runtii lagu tilmaamo in farxaan
ah oo aan hadaladiisa laga waayin erayo qo sol leh, ayaa
dadka dhawr jeer ay qosol jaanta wadheen iyadoo uu u
dhacayey sacab, mashxarad iyo odoros aan kala go lahyni.
Iyada oo laga faa’ideysanayo munaasibadaas ayaa
taageerayashii Xisbiga UCID waxay goobtaas ku ururiyeen
Dhaqale wacan oo lagu taageraayo Xisbiga UCID.
Dad badan oo aan xog wareystay ayaa Jamaal ku tilmaamay
nin cod kar ah oo u bislaadey inuu Ho gaanka dalka tubta
toosan ku hagaajiyo. Run ahaantii Mud.Jamaal wuxuu si
qeexan u cabiray Ajen dayaasha xisbigiisa iyo sida uu
rabo inuu dalka wax ugu soo kordhiyo si looga talaabsado
nidaamk a wax wada qaybsiga ee saami dheelitiran oo ku
saleysan shrciga dalka. Waxa uu Jamaal ku dheer aadey
sida hadda aanay u jirin maxkamad sare oo ka madax
banaan Xukuumadda iyo mucaaridka ba oo shrciga dalka ku
hogaamisa sida uu Dastuurku qorayo.
Waxa kale oo Jamaal uu ka Jawaabay su’aalo badan oo ku
saabsan Aqoonsiga Somaliland iyo Adee gyadda bulshada oo
u baahan in wax weyn laga qabto. Jamaal waxa uu sheegay
in hanaanka soco dka ee dawladi aanu ka soo hadhin dadka
loo xusho inay Madaxweynaha la shaqeeyaan oo aan lo oga
maarmeyn dad tayo iyo aqoon leh oo wax qabadkooda lagu
qiimeeyo.
Musharaxa Madaxweyne mud. Jamaal Ali Hussein ayaa aad
ugu riyaaqay sida ay Bulshada reer So maliland ee
magaaladda Atlanta diyaarka ugu yihiin ka qayb
qaadashada Hanaanka geedi socodka ee Somaliland
Mudane Jamaal Ali Hussein, oo ad ugu riyaqay martiqaadka
loo sameeyay ayaa ku tilmaamay wak htigii uu la qaatey
Jaaliyadda reer Somaliland mid wax ku oola ah, isla
markaana wuxuu halkaas ku kasbadey taageerayaal badan oo
u balanqaadey inay ku taageeri donaan Olalaha Doorashada
So maliland ee cirka ku shareeran, wakhtiga la isku raaco
inay qabsoomi doonto.
Dadkii goobta isugu yimid ayaa aad uga walaacsanaa,
odoroska iyo ololaha sharci darada ah ee Xukuumadda
Siilaanyo ay indhah ka qarsatey inay diyaariso nidaam
dalka ay doorasho ka dhacdo 24 sanno kadib, dad badan oo
dareenkooda muujiyey ayaa ku tilmaamay Sumcad xumo iyo
waxaan shicibka reer Somaliland qabanin in doorasho ay
dalka ka qabsoomi weydo wakhtiga ay muddada Xukuumaddu
ku ektahay ee 26 bBisha June 2015.
Xafladas oo aad u qiimo badneyd ayaa ku soo dhamaatey
jawi aad u hufan, iyadoo isu keentay d ad badn oo kal
baadey. Mudane Jamaal oo degan magaaladda Boston (MA)
ayaa ku balan qadey inaanay noqon doonin markii ugu
danbaysey ee uu soo booqdo Atlanta iyo magaalooyinka u
dhow ba.
Isku soo wada duuboo Jawiga soo dhaweynta ee xafladaas
iyo isbarashada Musharxa madaxweyn aha Xisbiga UCID Mud,
Jamaal Ali Hussein ayaa ahaa mid midha dhal ah.
Qalinkii iyo isku dubaridkii Bahda SNN- Somaliland News
Network.
|