Soo Dhaweyntii Daahir Rayaale: Mowqifyadii Masuuliyiinta Madaa rka iyo UDUB ee Sababay inuu Safar ku Dhaafo VIP-da iyo is Eedaynta labada Dhinac

 


Wararka Qodobadda salka u ahaa khilaafka dhashay iyo qaabka sheekadu u dhacday


Hargeysa 20th Jun,2011 (TNN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga  mucaarad ka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si aad u ballaadhan shalay loogu soo dhaweeyey magaala da Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay muddo 11 bilood ah uu dalka dibadiisa ku maqnaa tan iyo mark ii uu xilka wareejiyey sannadkii hore.

Soo dhaweynta Madaxweynaha hore oo ahayd mid maalmihii u dambeeyey loo diyaargaroobayey, waxa ka qaybgalay boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Hargeysa oo qaybo ka mid ahi subaxdii hore ee shalay u kolanyeysteen dhinaca madaarka diyaaradaha ee Igal Airport oo diyaaradda uu la socday ka soo degaysay, halka kuwa kale oo fara badanina ku diyaaragoobeen jidadka waaweyn ee magaalada iyo xaru nta dhexe ee xisbigaba.

Ka sakow dadweynaha waxaan u kala hadhin qaabilaada Madaxweynaha hore masuuliyiinta iyo siyaasiyii nta ku abtirsada xisbiga UDUB ee tallooyinka ka soo qabtay dawladdii talada wareejiysa, xildhibaanno ka tirsan golayaasha Wakiillada iyo Guurtida iyo weliba hoggaanka sare ee xisbiga kale ee mucaaradka ee UCID oo uu horkacayey Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Haseyeeshee, soo dhaweyntaasi sidii la rabay in loogu qaabilo Md. Daahir Rayaale Kaahin umay dhicin, ka dib isfaham waa muran dhaliyey oo ka dhex dhacay masuuliyiinta madaarka iyo kuwa xisbiga UDUB oo go ’aan qaadasho dhinac waliba gaarkiisa u qaatay sababtay in Madaxweynihii hore tiro dad yar ku qaabila an gudaha madaarka, isla markaana uu safar lug ah ku dhaafo qolka VIP-da ee madaxdu ku nasato.

Arrinta muranka dhalisay oo bilaabantay muddo ka badan saacad iyo badh, waxay salka ku haysay dalab iyo doonis ka yimi dhinaca masuuliyiinta UDUB iyo go’aan iyo jawaab ay qaateen saraakiisha madaarku, iy adoo labada dhinacba ku guuldarraysteen inay si miyirqabta oo degan u xalliyaan murankooda.

Masuuliyiinta xisbiga UDUB oo uu horkacayo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, ahna Guddoomiye-ku-xigeen ka xisbiga oo ay weheliyaan inta badan wasiirrada xukuumadiisii iyo weliba siyaasiyiin kale, ayaa loo oggol aaday inay galaan madaarka, iyagoo loo furay mid ka mid ah qolalka VIP-da ee madaarka, hase ahaatee muddo kooban kadib wakhtigaas oo saacaddu ahayd ka hor abbaaro 9:00 subaxnimo, waxa masuuliyiinta UDUB dalbadeen laba qodob oo kala ahaa in loo sii daayo dhinaca gudaha madaarka ee dhabaha diyaar adaha, lagana furo xayndaabka dayrka ah iyo in taageerayaashooda dibada jooga loo soo daayo mada arka.

Waxase dalabkaas horjoogsaday saraakiisha madaarka oo sheegay in aan la oggolayn in gudaha loo galo dhabaha diyaaradaha, maadaama aan la gaadhin wakhtigii diyaaraddu soo cago-dhigan lahayd, isla markaana amar lagu siiyey in dadweynuhu dibada ku sugnaadaan.

Tallaabadaasi waxay ka cadhaysiisay masuuliyiinta UDUB oo markiiba go’aan ku gaadhay inay dibada uga baxaan madaarka oo ay guddoomiyahooda ku sugaan barxadda hore ee dadweynuhu joogay, marka laga reebo xubno kooban oo gudaha ku hadhay.

Arrintaas ayaa waxa ergo ka galay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu weheliyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo isku dayey inay qaboojiyaan muranka taagan iyagoo ergo ugu tagay masuuliyiinta UDUB ee cadhada dibada ula bax ay inay gudaha galaan oo si wadajir ah loo soo dhaweeyo Madaxweynaha hore, laakiin ergadooda oo ay tiraba saddex jeer kula noqdeen kumay guulaysteen, waxayse la kulmeen in qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta UDUB ugu jawaabaan hadallo aflagaado iyo cay ah.

Abbaaro 10:15 ayey soo cago-dhigatay madaarka diyaaradda uu la socday Madaxweynihii hore ee Soma liland Md. Daahir Rayaale oo ay weheliso marwadiisa Huda Barkhad, iyadoo weli uu taagan yahay ismariw aaga labada dhinac, waxaanna gudaha madaakra ku qaabilay masuuliyiinta xisbiga UCID oo uu horkacayey Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, masuuliyiin kooban oo dawladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Duulista iyo shakhsiyaad aad u yar oo ka mid ah UDUB.

Soo dhaweyntaas kooban kadib, waxa sidii qorshuhu ahaa loo gelbiyey dhinaca qolka VIP si uu warbaah inta ugula hadlo. Haseyeeshee, waxa taas diiday masuuliyiinta UDUB, waxaanna halkaasi ka dhashay is riix-riix iyo isqabqabsi dhexmaray madaxda dawladda oo doonaysay inuu fadhiisto Md. Rayaale iyo kuwa UDUB ee qorshahoodu ahaa inuu lug kaga baxo madaarka, taas oo u hirgashay, isla markaana waxa uu socod ku tagay kaantaroolka laga galo madaarka oo hortiisa ay dhoobnaayeen boqolaal qof oo diyaar u ahaa soo dhaweyntiisa iyo masuuliyiinta xisbigiisa.

Intaa kadibna waxa loo soo qaaday dhinaca magaalada oo dadweyne fara badani jidadka ku sugayeen, isagoo markii dambena dadweynaha kula hadlay barxadda hore ee xarunta dhexe ee xisbiga UDUB, waxa annu aad uga mahadnaqay soo dhaweynta loo sameeyey.

“Waxaan u hambalyaynayaa shacbiga Somaliland ee I soo dhaweeyay, waxaan u mahad naqayaa qof kas ta oo ka qeyb qaatay aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan dalkaygii ku soo noqdo. Soo dhawayn ta aadka u ballaadhan ee shacabka, gaar ahaan reer Hargeysa ii sameeyeen aad baan ugu mahadnaqay aa, taasina waxay ka turjumaysaa baan u malaynayaa dimuqraadiyaddii aan xilka ku wareejiyey jawaabt edii inay tahay, waxaan leeyahay masuul kasta oo xil qaadaa sidii sharafta lahayd ee aan u wareejiyay ha u wareejiyo,” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka kula dardaarmay inay adkaystaan wadajirkooda, walaaltinimadooda iyo dhismaha qarankooda, waxaannu xusay in wixii siyaasad ah uu ka hadli doono maalmaha soo socda, waxaannu yidhi, “Arrimaha siyaasadda maanta ka hadlimaayo ee raggaygii (xisbiga) markaan waraysto shir jaraa’id baan qaban doonaa haddii Alle yidhaahdo, xogogaal in aan noqdo ayaan u baahanahay. Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay wadajirka iyo midnimadooda ilaashadaan,” ayuu hadal kooban oo jeediyey ku soo gunnaanaday Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Dhinaca kale, masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo Wasiirka Duulista Hawada ayaa isku eedeeyey in masuuliyad da khilaafka dhashay ee hoos u dhigay soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Afhayeenka UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi, “Shaksiyan Daa hir Rayaale wuxuu ahaa nin qaran oo wuu nagu lahaa in annaga iyo qarankuba si fiican u soo dhaweeyo, waxaan aad uga xumahay in aanay soo dhaweyntii aanu filaynay dhicin, sababta ugu waynina waxay aha yd dad qayrul- masuul ah oo aan danaynayn milgaha qaranimada ayaa go’aansaday inay madaxdii xisbiga UDUB iyo wasiirradii Daahir Rayaale la shaqaynayey ay ka horjoogsadaan madaarka.

Wuxuu u oggolaaday Madaxweyne-ku-xigeenkii hore iyo afar wasiir, annaguna waxaannu doonaynay in aannu wada galno.”

Geesta kale, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa iska fogeeyey eeda loo jeediyey, waxaannu tilmaamay in wixii dhacay UDUB masuul ka tahay.

“Eeda UDUB waa mid aanay waxba ka jirin, wixii aannu masuuliyiinta xisbiga isku qabanay caddaan bay aha yd, Daahir Rayaale Kaahi waa madaxweynihii hore ee Somaliland, waana guddoomiyaha xisbiga UDUB, maa muus qaran ayuu nagu leeyahay, nagamana khaldana ee milgihiisa waanu garanaynaa. Runtii waxaannu u oggolaanay in dhammaan masuuliyiinta UDUB loo sii daayo VIP-da, gaadiidkooda gudaha loo geliyo, dadka faraha badan ee taageerayaasha ahna dibada lagu hayo, taas macnaheedu maaha maamuus xumayn wa a in la ilaaliyo ammaanka iyo nidaamka madaarka, dhabaha diyaaraha looma sii dayn karo VIP-duna wada qaadimaayo boqolaal qof, intaanu isku qabanay intaas ayey ahayd idinku masuuliyiintiinu (UDUB) soo gala, dadka kalena dibada ha joogaan ayaa nidhi, iyaguna waxay yidhaahdeen haddii aan naloo sii wada dayn gelimayno ee waanu baxaynaa.

Waxaan ka xumahay oo aan ka raaligelinayaa Md. Daahir Rayaale Kaahin wixii halkaa ka dhacay, aniga oo canaanta saaraya masuuliyiinta xisbiga UDUB,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi.
 

Source:Jamhuuriya