SONYO Oo Dood Cilmiyeed Ku Aadan Wax Ka Badalka Xeer Nambar 20 Ku Qabatay Jaamacadda Admas.
 

 

 


Hargeysa (TNN)- Dood cilmiyeed lagu lafa gurayay xeer nambar 20, gaar ahaan qodobada sha rci ee dabarka ku ah dhallinyarada Somaliland ee ka qayb galka siyaasadda iyo talada dalka ay aa xalay lagu qabtay barxadda jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa.

Dood cilmiyeedkan oo ay isuguyimaadeen dhallinyarao aad u fara badan oo ka kala socday dh ammaanba jaamacadaha ku yaalla caasimadda Somaliland ee Hargaysa soo qaban qaabisay dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ay taageerayso hay’adda Terre Soli dali, iyada oo ay doodaasi udub dhexaad u ahaayeen xildhibaanada Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Cali Xasan (Cali Mareexaan), la taliyaha sharci ee golaha wakiilada Somaliland Xasan Faarax.

Ugu horrayn doodan oo si weyn loo soo agaasimay waxa hadalo kooban ka soo jeediyay gudd oomiyaha dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Axmed Cabdi Wacays oo shee gay in ay mahad naq ballaadhan u soo jeedinayaan xildhinaabada golaha wakiilada ee dadaa lka weyn u galay sidii dabarada sharci looga qaadi lahaa dhallinyarada Somaliland oo doonaya in ay dalkooda u adeegaan kana mid noqdaan golayaasha deegaanada ee dalka.

Guddoomiye Axmed waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay 19kii xildhibaan ee golaha wakiilada soo hor dhigay in ajandaha lagu soo daro qodobka xadaynaya da’da ee ku jira xeer Nambar 20 oo dhigaya in da’da golayaasha lagu soo galayaa noqto 35 jir, dhallinyaraduna doonayso in qo dobkaasi laga dhigo 25-jir. Axmed Cabdi Wacays Guddoomiyaha SONYO waxa uu xusay in dhall inyarada Somaliland maanta diyaar u tahay aqoonteedii iyo khibradeediina leedahay in ay ka qayb galaan golayaasha qaranka taasina lagama maarmaan u tahay kobcinta iyo diyaarinta jiil dhallinyaro ah oo berri ka maalin hogaanka u qabta dalkan curdinta ah oo u baahan dhiig cus ub iyo hogaan la jaan qaad waayaha nololeed ee qarniga.

Guddoomiyaha SONYO waxa uu sheegay in ay dadaalkooda sii wadi doonaa ilaa inta laga xaqii jinayo dhammaan dalabka dhallinyarada Somaliland maanta la taagan tahay, iyaga oo golayaa sha qaranka ee ay khusayso kula xisaabtamaya meel marinta damaca iyo doonista sharciga ku qotonta ee dhallinyarada oo bulshada reer Somaliland ka noqonaya 70%. “Dhammaan dhal linyarada halkan fadhidaa waa aqoonyahankii dalka waxaan idiinku baaqayaa in aad go’aan ka qaadataan dhammaanba sidii loo furi lahaa dabarada sharci ee inagu gedaaman inaga oo la kaashanayna xildhibaanada qaranka ee hawshan inala wada ee inala dareenka ah” ayuu yidhi Guddoomiyaha SONYO.

Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo isaguna intii aanay su’aalaha iyo dooddu furmin halkaa ka hadlay waxa uu isna xusay in uu ka mid ahaa xildhibaanadii hore u ansixiyay xeerkan maanta ay doonayaan in ay wax ka badalaan iyada oo uu maanta dareemayo baahida loo qabo in da’daasi hoos loo dhigaa. Xildhibaan Jirde waxa uu ku dheeraaday sida xeerarka dalka wax looga badali karo iyada oo hadba la raacayo ama laga shidaal qaadanayo baahiyaha dhabta ah ee bulshadu markaasi qabto, maadaama xeerarku la jaan qaadaan hadba wadciga iyo nolosha dadka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa uu ka sheekeeyey sida loogu baahan yahay in dhallinyarada loogu carbiyo hogaaminta dalka waxaanu xusay in aanay da’du macno samayn ee ay macno samaynayso qofku aqoonta uu leeyahay iyo khibradda uu ka kasbado waayihiisa nololeed da’ kasta oo uu joogo. hadii aan dhallinyarada loo carbin in ay hogaamiyayaal isu dhigaana aan la heli Karin raggii berri dalkan hogaamin lahaa. Xasan Faarax oo ah la taliyaha sharci ee golaha wakiilada Somaliland ahna nin dhallinyaro ah ayaa dhallinyarada dood cilmiyeedkan ka soo qay b gashay faahfaahin dheeraad ah ka siiyay sida xeerkani yahay iyo dadaalka loogu jiro sidii wax looga badali lahaa. Garyaqaanku waxa uu xusay tallaabooyinka la raaco marka xeer wax laga badalayo iyo marxaladihii uu soo maray dadaalkani. Intaa kadib waxa isna hadalo kooban madasha ka soo jeediyay Xildhibaan Cali Xasan (Cali Mareexaan) oo ka mid ahaa xildhibaanada doorka ka qaatay sidii golaha wakiiladu wax uga badali lahaayeen xeerkan da’da. Intaa kadib waxa la guda galay dood iyo su’aalo dhallinyaradii kulankan ka soo qayb galay xildhibaanada ku waydiiyeen sidii dabarrada sharci loo qaadi lahaa ee ay dhallinyaradu siyaasadda uga qayb gali lahayd. Waxa xusid mudan in maanta golaha wakiiladu guda gali doono doodad ku saabsna wax ka badalak xeerkan oo ay u ballansan yihiin.

Ahmed Mohamed Shaqalle