SONYO
Oo 70 Arday U Furtay Tababar Soconaya Mudo Lix
Bilood Ah

Dalada Qaran ee Ururada
Dhalinyarada Soomaaliland ee SONYO,Ayaa tabobar Soco naya
muddo dhan oo lix bilood ah u furutay 70 arday oo ka mid ah ardayda
jaamacad aha kala duwan ee dalka.
Munaasibad Balaadhan oo lagu furayey barnaamijkan oo ay ka soo
qaybgaleen dadw eyne kala duwan ayaa lagu qabtay hotel
Summer-Time ee magaalada Har geys a,Waxaa
munaasibadan ka soo qaybglay masuuliyiin ka kala socoday SONYO,
EDC iyo Jaamacada Pioneer iyo waliba ardayda jaamacadaha ee
tabob arkan qaadanaya.
Ugu horayn waxa halkaasi Hadal ka jeediyey Maxamed Axmed Maxamuud
Aga asimaha fulinta ee SONYO oo faahfaahin qoto dheer ka bixiyey
Barnaamijkan xadhiga laga jarayey oo la yidhaa (Shaqadoon Program),
Waxaanu agaasi muhu sheegay in ujeedada ugu weyni ay tahay
sidii dhallinyarta loo siin lahaa tababaro ku saabsan qaababka
shaqada si ay khibrad badan halkaa uga helaan oo hadhow u sahli
karta in ay shaqo tagaan, iyada oo casharada la siinayaana ay u
badanyihiin waxyaabaha kala duwan ee lagu shaqeeyo. Ugu dambayntii
waxa uu agaasmihu u soo jeediyey ardayda in ay ka faa’iidaystaan
tababarkan qiimaha leh mudadaa lixda bilood ah si hadhow ay u
noqdaan dhallinayro iibsanta oo xirafado badan oo ay ku shaqo tagaan
halkan kala taga.
Waxa isaguna madashaa hadal dardaaran iyo wada shaqayn ah ka soo
jeediy ey Maxamed Xasan Nuur oo ka socday hay’ada caalamiga ah ee
EDC oo ah hay’adda iyadu maal galisay barnaamijkan waxaanu u soo
jeediyey ardayda in ay dadaalaan waqtigana ka faa’idaystaan inta uu
barnaamijkani socodana dadaalkooda laban laabaan si ay ugu anfacaan
dadkooga iyo dalkoodaba.
Waxa isna munaasibadaasi hadal ka soo jeediyey Mr. Dan Amadi oo ah
gudoo m iyaha jaamacada Pioneer oo u balan qaaday ardayda iyo
hay’adaha barnaa mikan fulinayeyba in ay bixin doonaan oo ay
ardayda siin doonan aqoon iyo ca sharo tayo leh islamarkaana
lix bilood ka dib la dareemi doono isbadalka iyo aqoonta wanaagsan
ee ay dhalinyaradaasi la guryo noqdaan.
Waxa kale oo munaasibadaasi hadalo dardaaran iyo soo dhaweyna ah ka
soo jeediyey Gudoomiyaha daladda SONYO, Yaxye Maxamed Axmed oo
sheegay in ay tani kamid tahay ujeedooyinka loo aasaasay dalladda
sidii ay dhallinyarada awoodada aqooneed iyo tan tababar ay kor ugu
qaadi lahayd si ay wax badan ugu qabtaan nafahooda iyo dalkoodba.
Barnaamijkan taariikhiga ah oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee
laga qa bto Jamhuuriyada Somaliland waxa soo dhaweeyey ardayda
kala duwan ee jaamacadaha iyo cid kasta oo dareemi karta baahida
ardayda qalin jabisay ama sanadihii ugu danbeeyey ee jaamacadda ku
jirta kuwaas oo aan wax bad an ka aqoon qaababka iyo xirfadaha
shaqo marka laga yimaado aqoontaa ay ka barteen.
Ugu danabayntii munaasibadu waxay ku dhamaatay jawi fiican oo soo
dhawe yn leh ardayduna ay aad ugu faraxsanaayeen fursadan dahabiga
ah ee ay nasiiibka u yeesheen.
Barnaamijkan waxa soo abaabushay iskuna soo dubariday SONYO, waxa
fulina ysa Jaamacada Pioneer, waxaana maalgalisay hay’adda caalmiga
ah ee EDC.
Sahra-Kiin Abirahman Ahmed
Madaxa mashruuca tababarka hablaha ee SONYO
|