SONYO Iyo Masuuliyiinta Dhallinyarada Saddexda Xisbi Qaran Oo Kulan Ballaadhan Isugu Yimid .

 


Hargeysa October 20, 2011(TNN)- Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO dadaal ku sii bixinayso sidii loo xoojin lahaa, loo awoodayn lahaa dhallinyarada Somaliland dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo ka qayb galka doorka ay ku leeyihiin dhinacyada kala duwan ee nolosha ayay maanta shir ballaadhan xafiiskeeda kula yeelatay masuuliyiin ka tirsan garabada dhallinyarada ee saddexda xisbi qaran ee UCID, UDUB iyo KULMIYE.

Kulankan oo daba socday kulamo muddooyinkan dambe SONYO la yeelanaysay masuuliyiinta axsaabta qaranka si looga wada hadlo barnaamij SONYO ku awoodaynayso garabada dhalliny arada ee xisbiyada qaranka ayay masuuliyiinta SONYO iyo xubnaha ka socday garabada dhalli nyarada ee saddexda qaran si weyn u faaqideen duruufaha rasmiga ah ee dhallinyarada Som aliland ku gedaaman guud ahaan gaar ahaan dhinaca ka qayb galka siyaasadda iyo sidii dhalli nyaradu door muuqda ugu yeelan lahayd sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen talada dalkooda.

Shirkan oo ku qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta guud ee SONYO waxa ka soo qayb galay agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Mubaarak Cabdiraxmaan Maal, Mustafe…… iyo Cadnaan Cabdi Xasan oo dhammaantood ka tisran shaqaalaha SONYO iyo 7 xubnood oo ka kala socday saddexda xisbi qaran ee dalka.

Kulankan waxa lagu gorfeeyey sida ay SONYO uga go’an tahay in ay ula shaqayso dhallinyara da ka tirsan axsaabta qaranka iyo waliba dadaalka mudaba dalka ka socda ee hoos loogu yara ynayo da’da ay dhallinyaradu kaga qayb gali karto talada dalka. Iyada oo aynu ognahay in mo oshin arrintaasi ku saabsani wakhtigan hor yaallo golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn agaasimaha SONYO oo madasha ka hadlay waxa uu dhallinyarada u sharraxay ujeedada kulamadan ka dambaysa iyo sidii ay SONYO hawl qabad rasmi ah uga gaysan lahayd dhallinyarada xisbiyada qaranka ka tirsan. Waxa kale oo uu agaasimuhu guud mar ku sameey ey halka u marayo dadaaladii loogu jiray dabar ka jaridda xeerka caqabada ku ah in dhallin yar adu ka qayb galaan siyaasadda dalka. Waxaanu xubnaha xisbiyada qaranka ka socday ugu baaqay in la isku duubnaado oo dalkeena laga hir galiyo nidaam dhallinyarada loogu diyaarina yo in ay talada dalkooda ka qayb galaan si ay u noqdaan hogaamiyayaashii berri hanan lahaa goobaha ugu sareeya ee looga arrimiyo dalkooda.

Xubnaha xisbiyada qaranka ka socday ee dhallinyarada ahaa waxa ay si mid mid ah uga hadle en baahida loo qabo in kulamo noocan oo kale ah horeba la isugu yimaad waxaanay SONYO ku ammaaneen dadaalka ay arrintan ka wado iyaga oo ballan qaaday in ay la shaqaynayaan ma suuliyiinta xisbiyadoodana kula noqonayaan wixii fadhigan ka soo baxay,.

Gabagabadii shirkan waxa la iskula qaatay in kulan dambe oo degdeg ah la isugu yimaad iyada oo guddi loo saari doono sidii ay arrintan u sii amba qaadi lahaayeen waxa kale oo loo ballam ay in xisbiyada qaranku xildhibaanadooda golaha wakiilada ku jira kula xisaabtamaan meel ma rinta dalabka dhallinyarada Somaliland ee maanta taagan.

Agaasmimaha mashruuca kobcinta dhallinyarada iyo dimuquraadiyadda Mubaarak Maal ayaa isna gabagabadii xusay in barnaamijkani faa’iido ballaadhan u leeyahay sidii loo dhisi lahaa aw oodda dhallinyarada xisbiyada iyada oo xafiisyadooda loo qalabayn doono ,lana siin doono tababaro dhinaca awoodda iyo hogaaminta ah.
 

 


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@hotmail.com
4428729/9111826
Hargeysa Somaliland