Somaliland Dhiib & Dheefba Waan La Wadaaga ,Waa Dhulkaanu Ku dhalaney Waa Dhaxalkayagii

 

ASC,marka ugu horeysa waxaanu salaan xushmad & qadriin mudan aanu salameynaa ,dhamaan akhristaha sharafta & qiimaha badan ee dalka & dunida dacaladeeda kala jooga,intaas ka diib ,waxaan raba inaan halkan kaga hadlo cabashooyin fara badan & talooyinba leeh,oo iiga yimid ,akhristayaal farabadan ,kuna kala nool somalia & dunida dacaladeda kaleba ,cabashooyiinkaas oo iskugu jirey ,cabasho & talaba ,leyguna soo gaarsiiyey ,qaar telefon igula hadley & qaar emailo fara badanba ii soo direy,

hadaba tan & intii ay hawada gashey shabakadan mareegta wararka madaxa banan ee (gabooyenews.com) ee ay hawlgalkeeda bilowdey warbaahiinta tabinta wararka ,gaarayana mudo laba week ah ,ayaa cabashooyiinka ii imanayaa ay yihiin kuwa isa soo taraya ,cabashadaas oo ku saabsan ,mareegtan (gabooyenews)(ASTAANTEDA,AMA SUMADEEDA AH,)dhowr astaan oo aan isku darney,kuna xardhanyahey ,calanka somaliland,ayaa cabashooyinkaasi guud ahanba ay si cad ugu muujiyeen,in laga saaro ,astanta ,ama sumada ,calanka ,somliland, iyagoo intooda badani u nasbeeyey,sababta looga saraya iney tahey ,

1:somaliland oomarnaba ,aan la ictirafiin aqoonsina aan caalamka ka heysan ,
2:& tan ugu weyn oo ah iney somaliland tahey,meesha kaliya ee laguxadgudbo,,xaquuqdoodana laga duusiyo, wax looga ogolyaheyna aney jiriin ,beelaha gabooye somalilnd,markaa sidaas darteed looga saaro astaanta ama ssumada ,mareegta (gabooyenews.com)
hadaba ,waxaan doonaya inaan waxyar maanta u iftiimiyo walalaheyga isoo gaarsiiyey cabashooyinkoodan ,marka ugu horeysa waxaan lehyahey ,walalalyal haddii aynaan indhaha iska tuureynin ,beelaha gabooye meelkastaba waa leynagu xadgudbaa ,leynaguna heyb-sooca ,xaquuqdenuna ay inagaga maqantahey ,waana mideynu ka wada siman nahey ,haba u sii kala darnaadeene ,sadexda maamulka ka jira ,dhulka soomaliyeed ee aynu kuwada noolnahey ,sida putland,somalia,& somaliland,
waxaana jiraba sadexda maamul meel aanba beesha gabooye waxey ka tahey & waxey ka dhekh muuqataaba jiriin ayaaba jirta oo ah ,mamulka .PUTLAND, oo waxeynu kaba naheyba jiriin,tan soamliyana waabeynu aragna halka aynu maanta kaga naalno oo ah ,(4.5)oo macnaheedu yahey ,beeshii hafka aheyd ama dhineyd ,ee aan laba sineyn beelaha kale ,
tan soamliland , wey jiraan xaqiiqdii iyaduna xadgudubyo & xaquuqdaro xaga maamulka ,balse ,haba yaradena ,wey ka dhex muuqdaan ,xaga wasiirada ,oo wasiir ku xigenba kujira ,xaga golaha guurtigana ,hal xildhiban ba kujira ,hadana waxaan anigu aaminsanhey shaqsi ahantey iney meelaha qaar dhaanto ,somaliland,,sida ,,maamulka PUTLAND,, oo haba lagu yaraadee ,mid & laba laga helayo maamulka somalind oo ka soo jeeda beelaha gabooye,

markaan sidaas lehyahey anigu ma ahii nin u eexanaya somaliland,ee wixii jira ayaa xaq ah in la sheego, anagi shaqsi ahantey ,oo ah ninka hirgaliyey ,fikirka & hindisaha lahaa ,sameeyeyna websetkan ,maregat (gabooyenews) ahna ninka ,astaanta & sumadab ku xardhey magaca somaliland & calankiisaba ,waxaan ahey ,haddii uu jiro mucaarad dhab oo ka soo horjeeda somaliland (walaahi baan ku dhaartee )inaney malaha jiriin cidi iiga horeyn mucaaradnimo halka ay iga tagantahey shaqsi ahaantey,
hadaba mucaaradnimadeydu maahan mid ku saleysan ,calanka & magaca soamaliland, mana dhicikarto marnaba inaan ku mucaaradayo ,calanka & magaca , laakiin anigu waxaan ku mucaarad ahey ,waa mamul xumanta & xaqdarada & sinaanla aanta & cadalad la. aanta ,ay caadeysatey ,maamulka hada jira sld ,markastana iyo maamulkastaba midey tahey maamulka hada jira & maamul cusuba ,marnaba kala gaban mayo mucaaradnimadeyda ,ilaa aan xaq & xaquuqda aanu ku leehnahey maamulka helnana sinaan & cadaladna aanu arkeyno ,mucaaradbaanu nahey,

hadaba waxaan walaladey u soo jeedinaya walalayal meelkastaba xaqeenu waa inagaga maqanyahey ee ayeynaan ku mashquuliin ,calanka somaliland, ee wixii inoo dana aynu ku tashhano si wada jirana aynu inteynu gacmaha is qabsano aynu ku wada duulno xaqeenana ka raadsano , hadey tahey ,mideynu ku raadsano ,kuna heleyno ,si ,nabada ,& si dagaalaba , aynu fadhiga ka kacno oo u hawlgalno danteena ,
guntii & gabagabeyntii waxaan leehyahey ,somaliland dhib & dheefba waan la wadaaga ,waa dhulkeygii waa kaan ku dhashey ,calanka & jamuuriyadana cid iga xigtaa walee inaney jiriin ,hadey tahey mid ,sheeganaya inuu kaadidiisa u soo cabey & hadey tahey midaan u sooo cabiinba ,waxaan leehyahey ,somaliland waa dhulkeygii waa dhaxalkeygii,,

wabilaahii toowfiiiiq,
 

 

 


qoraaga,,barkhad xaaji cabdi,,mr gaboye,,
tafatiraha & maamulka shabakada wararka,
(www.gabooyenews.com)
ontario canada,
email:mrg@gabooyenews.com

email:abokoriye1@hotmail.com