SOMALILAND/SOMALIYA AWR KALA GUURTAY
AMA UUR KALA GUURAY

 



Way fiican tahay in wada-hadal lala furo Somaliya (oo ma i tidhi baa taalla)laakiin waxa ila hab boon in TIME TABLE cad loo sameeyo wada-hadalkaa si aanay wakhti dheer oo macno la'aan ihi ugu lumin.

Wada-hadalka Somaliland iyo Somaliya waxa ka muuqda in uu mid walba gaws-dambeedka ku haysto mabda'iisa oo uu u aaminsan yahay inuu yahay MUQADDAS.


Runta biyo kama dhibcaanka ahina waxay tahay in sideedaba waxa HESHIISKA la yidhaa uu jiri karo oo keliya inta ay DARAFYADA (DHINACYADA) wax wada dhigtay ay ku heshiisyihiin ee ay ixtiraamayaan AXDIGAA  balse haddii DARAF ka mid ah heshiisku uu diido ama ka baxo aanu
meeshaa wax heshiis ihi sii jiri karin. Arrintan somaliland/Somaliyana kama duwana QAACIDAD AA aan soo sheegay mar haddii Somaliland  ay gaws-dambeedka ku haysato mabda'a ah GOONI ISU TAAG taas oo aan marnaba GORGORTAN geli karin.

Suurta gal ma aha in Somliland ay mawqifkeed ka tanaasushay dhanka  kalena iimana muuqato in Somaliya garawshiiyo laga helayo, aakhirkana waxay tegaysaa uun in BEESHA caalamka ee ku dhexjiraa ay  GARTA u gooyaan.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO  taas oo xigmad ku jir taa ay tahay dad gar loo qaaday waa dad colloobay (illeen meesha kama soo baxayaan wax HESHIIS lagu yahaye) . Waxa garta ka fiican oo gobonimadu ku jirtaa in la isku garaabo.

Sheeko xariireed somaliyeed baa waxay ahayd:

Waraabe ayaa lagu yidhi "Waraabow waa Caddo", markaasuu ku jawaabay ALXAMDU LILLAAH
Waraabihii baa haddana lagu yidhi "Waraabow Waa Gudcur", wuxu haddana ku jawaabay WAA RABBIL CAALAMIIN

Waxaan uga jeedaa horta Wadahadaladaasi haddii ay BURBURAAN iyo haddii  kaleba Somaliland iyada HIMILADEEDII ahayd gooni isu taagga waxba kaga  lumi maayaan oo BEESHA caalamka ay aa markaa garta u qaadaysa oo HA DHEERAATO ama HA DHAWAATEE way helaysaa aqoonsi.

Waxase su'aasha meesha ku jirtaa tahay maxaa ka dhalan kara hadduu GUULAYSTO AMA GUULDARAYSTO wada hadalkani ???

AWR KALA GUURTAY ama UUR KALA GUURAY

1- haddii uu MIDHA-DHAL noqdo wada-hadalku waxa ka dhalan kara walaalnimo iyo derisnimo wacan waxayna Somaliland iyo Somaliya noqon doonaa  AWR KALA GUURTA (Walaalo isu maqan)

2- haddiise uu DHICISOOBO wada-hadalku oo Aqoonsigu ka yimaaddo BEESHA \ caalamka wuxu keeni karaa foolxumo, waji gabax iyo kalsooni la'aan taas oo aan u fiicnayn labada SHACBI ee walaalaha ah taas oo uu xaalku u ekaan doonaa UUR KALA GUURAY (Alla inaguma keenee)

Waxaan Siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka Somaliya kula talin  lahaa in aad looga fiirsa do NATIIJADA ay dhalin karto haddii ay wada-hadaladdaasi ay DHICISOOBAAN oo aqoonsigu ka yimaadda Dawlado shisheeye.


Wa billaahi Tawfiiq
 

 


Cali M. Adam
(Cali Xaruuri)