SOMALILANDEEY MAANTA AYNU KU EEGNO GOLAHA WAKIILADU WAXAY CASHUURTA NIN KEYNSADAY AY KA YEELAAN.

 

 

Waxa ceeb ah in dadkeenu u sacab tumo mashaariic lagu dhisay adduun iyagu bixiyeen oo intoodii badnayd ay jeeb qof gashay. Haddaan kaa qaado 100 kun oo doolar oon kuu dhiso guri 50 kun ah ma sacbinaysa mise waad lala dagaalmi doonta, miyaad ii mahad niqi mise waad i dacweyn. Haddaba Xaaji Axmed oo aad u yaqaan sida uu bulshada u jeediyo isagoo inta badan aan la socon ayaa xana aqu soo kiciya deedna la soo baxa intuu Ina Barre ka bartay, waa khrash loo daadiyo afmiinshaar hooyooyin iyo guulwadayaal sacab iyo sawaxan la dabo socda, iyo koofiyad baclayaal loo qadiido oo lagu laaluusho hantidoodi.

Waxaqabadka ma diidanin oo waa waxa aynu u dooranay, laakiin yaa xukuuma jiib xisaab ayaanu  . Ma aha faanku inuu noqdo cashuur ayaan kordhiyey oo miisaaniyaddii waxaan gaadhsiiyey intaas. Sale cale taas waa idinkaan idin baadhay ee dalka maxaad kheyraad ku soo kordhisay, meeday xisaab celini, maxaa ku baxay mashaariicda maqaska lagu daaliyey, hantidhowrka hurda ma soo ansexiyey.

Waxa maanta Wakiiladu ka doodayaan waa cashuur si toos ay oo bilaa shuruud ah loo xalaaleenaa yo Wasiir Xirsi oo horeyba keli ku ahaa lacagta xad dhaafka ah een hantidhowr taaban karin ee Mad axtooyda, een Xaaji Axmed iyo Aw Saylici midna ka war qabin iyo cid kale toona.

Waxa baabuurta yaryar ee maxaysatadu ku qadhaabato iyo Landcruiserkii ayaa isku cashuur laga dhigay. Waxa la kordhiyey wax ka badan labanlaab cashuurta baabuurta yaryar oo laga dhigay sanadkii 60 ( Afar jeer oo min 15 ah)doolar halkay ka ahaayeen 20 dollar sanadkii (Laba jeer oo min toban ah) Waa korodhsiimo ah 200%.
WAxa la saaray cashuur la yaab ah oo xoolaha dhoofaya la dul dhigay, waxaynu ognahay qorshaha Itoobiya iyo Jabuuti ku wadaan inay tartan toos ah sanadka soo socda inala galaan ooy xoolaha la ga dhoofiyo Jabuuti iyo maxjarka kilinka laga wado.. Waaa ayaan darro in xoola dhaqatada la saaro culus iyadoon waxba loo qaban. Waxaad ogaata nin tajirku ka jaraayo xoolo dhaqatada oo sicirka neefka hoos loo dhigi doono. Caashuurtu sideedaba kuma dhacdo ganacstada haddayna ahayn tan maacaashka.

Golahu heys weydiiyo waxa hortaagan in cashuurta malaayiinta ah ee xawaaladaha iyo isgaadhsiin ta ku baaqata. Maxuu Xirsi uga fakirwaayey in maal qabeenka dalka laga soo xareeyo cashuurta, Dabcan waa isaga iyo Samaale oo ku xidhan maalqabeenada ayna dhibti tahay inay iyagu halkan ay joogaan keynsadeen. Haddaba Wakiilada waxa looga fadhiya haddayna iyana maalqabeenku keensan kolay qaar ayey ku leeyihiin inay ka gilgishaan dulmigan yuurura ee is dul koray ee lagu hayo danyarta.

Waar cashuur malaayiin ah ayaa inaga maqan maalqabeenka ee culayska ka daaya danyarta.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso lacagta danyarta laga soo uruuriyey ee sida bahaln imada ah loo cantoobsanaayo agtaada waliba sida araxan darrada ah ugu baxda safaradaada bal eeg inta ku dhinac socota ee hawshoodi soo dayacday ee gunada iyo dhiidhiida jeebka loogu ridaay o, eeg inta guulwade iyo afmiinshaar dhoolacaddeynaysa. Xaaji Axmadow xisaab ayaa kaa dambay sa ee is xisaabi intaadan hoyan. Wallee waa iga talo ee is dabo qabo. Waxba ha ku raaxeysan sacab been ah iyo munaafaqadda ammaanta beenta ah ee hortaada laga sheegayo. Alla maxa mid ku ama anaya kolka uu kola joogo cay iyo aflagaado kuu miisa kolka aad ka jeedsato. Ragganimadu waxay ku jirta inaad shib ku tidhaahdo Wasiirada sida doqonnimada ah kuu amaana..kuwa nabi iyo Cumar Binu Khadaab ku ag dhigaya waa qaar ku yaqaan nin ammaan jeceyl oo ka naxa runta, nin nacas ah ayaa ku raaxeysta ammaan aanu lahayn...Alleele iyaga ayey ahyd inaad UF UF UF ku tidhaahdo.

Reer Burcana waxaan leeyahay waar dhibtu dalkoo dhan ayey haysata, oo maalkeeni ayaa xisaab la'aan loo dhacaya ee beerlaxawsiga doqoniimo diida, reer waliba wuu leeyahay tuug dhacan qayb ka ah, laakiin bulsho weyntu meel ay joogtaba wey ka aradan tahay. Yaan xoolihiina leydunku laaluu shin.

Wadajir iyo dan wadaag ayaan inoo rajeynaya.
 

 


Cabdi Xaaji Axmed