Somaliland
Waa Dal Madaxbanaan Ee Maaha
Gobol Sugaya Somalia

Ummadda Somaliland waxay go`aansatay 1991 inay qaranimadeedii kala
soo noqoto Somalia kuna dhawaaqday inay tahay dal madaxbanaan oo
xuduudiisu ku salaysantahay tii ay dawladnimada ku qaadatay bishii
June 26dii, 1960 sida dalalka Afrika oo dhan. Somaliland waxay
buuxisay dhammaan astaamaha shuruud u ah dal xor ah oo xaq u leh
aqoonsi diblomaasiyeed oo buuxa kuwaas oo kala ah: Dal, dad, xuduud,
calan, dastuur, Garsoor, baarlamaan , madaxweyne, xukuumad, iyo
ciidan. Sid aas awgeed waxa dalku u taaganyahay waa aqoonsi buuxa uu
ka helo Beesha Caalamka oo soo ift iimaya.
Hawsha ugu weyn ee xukuumadda laga rabo waxa weeye ilaalinta iyo
difaaca madaxbanaanida dal ka. Waajibaadkeeda ugu muhiimsanna
waxaa ka mid ah adkaynta nabadgelyada, horumarinta, difa aca dalka,
iyo in dalka lagu soo galo lagagana baxo sifo sharci ah. Laba
arrimood oo runtii aad uga soo horjeedda madaxbanaanida Somaliland
ayaa ka dhacay welina ka socda dalka dhexdiisa. Labada as arrimood
oo kala ah: Saldhigga kooxda nabad-diidka (SSC) ku leedahay
magaalada Buuhoodle iy o wasiiro ka yimid Maamulka Puntland ee
Somalia ka tirsan oo sifo sharcidarro ah ku soo galay Buuh
oodle. Arrintaasu waxay Somaliland ka bixisay sawir aad u qaldan oo
loo fasirikaro in aan Somaliland loo arkin dal madaxbanaan balse loo
arko maamul gobol oo sugaya inta Somalia ka hagaagayso.
Beelaha ka kala tirsan Qorulugud iyo Buuhoodle ee dhawaan shaqaaqadu
ku dhexmartay degaanka Kalshaale waxay labaduba ka tirsanyihiin
dalka Somaliland, xallinta dhibaatadooduna ma khusayso umana taaallo
Puntland balse waxay u taalla ummadda iyo xukuumadda Somaliland.
Waxay noqotay arrin lala fajaco markii wasiirka arrimaha gudaha ee
Somaliland, Mudane Gaboose, uu taageeray far a gelinta qaawan
ee wasiirada Puntland ku sameeyeen dalka Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenka arrima ha gudaha ee Somaliland,
Mudane Cismaan Garaad Soofe, ayaa ku
sifoobay wasiirka difaacaya qara nimada iyo
madaxbanaanida Somaliland markii uu sida cad ugu amray
wasiirada Puntland in aanay sharci darro ku soo gelin Jamhuuriyadda
Somaliland waxaase mijaxaabiyay Mudane Gaboose.
Dhawaaqyada meelaha qaarkood ka baxaaya ee
midnimo raadiska ah laguna beer laxawsanayo um madda
Somaliland ee sheegaya in Hargeysa laga dhigo magaalo-madaxda
Somalia lana siiyo Reer W aqooyiga madaxweynaha
waa kuwo halis ah oo mar labaad ummadda
Somaliland u loogaya Somalia, khatarnna lagu gelinayo
jiritaankooda mustaqbalka. Midnimadu waa shey qiimo badan laakiin
su`aa shu waxay tahay dadka Somalia ma fahamsanyahay qiimaheeda?
Jawaabtu waa maya.
Dadka dega inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Beledweyn waa adag tahay in
dawladnimo lala qaybsado waayo waa dadkii ka mus`uulka ahaa duudsiga
qaybtii ay dadka Reer Waqooyigu ku lahaayeen daw ladii Is-raaca
mudadii u dhaxaysay 1960-1969, waa dadkii afgembiyay dawladii
rayidka ahayd ee ho rseeday Taliskii Maata-layska ahaa ee Siyaad
Barre (1969-1990), waana dadka ka mas`uulka ka ah halaagga iyo
dawlad la`aanta Somalia ka jirta mudada 20ka sano ah (1990-2010).
Waa dad islawey n oo aaminsan in iyagu xukun kasta iska-leeyihiin,
waa dad aan gorgortanka dawladnimo aqoon oo aan waxba lala
qaybsankarin. Waa dad shiddo ah oo colaaddda, dilka, iyo dawladnimo
la`aantu kala qiimo badantahay kala dambaynta, is-maqalka,
dawladnimada iyo horumarka.
Bal u fiirso khudbadii uu madaxweynaha Puntland, Mr. faroole,
jeediyay Ciiddii dhawayd ee Arrafo. Waxa uu khudbadaas ku yidhi,
“Wasiirada Daaroodka ah ee uu dhawaan magacaabay Ra`iisal wasa araha
Cusub ee Somaalia, Mr. Farmaajo, ee aan kasoo
jeedin Majeerteenka waxaa laga bililiqaystay Majeerteen isaga
oo ula jeeda wasiirka Dhulbahante iyo
wasiirka Laylkase.” Dadka sidaas u
fekeray a dawladnimo ma lala qaybsankaraa? MAYA. Nabadgelyada iyo
horumarka Somaliland iyo Somalia w axa ay ku jiraan in la kala
ahaado laba dawladood oo walaalo ah oo uu ka dhaxeeyo iskaashi iyo
wa x-wada-qabsi mustaqbalka sida dalka Jabuuti..
Madaxweyne Axmed Moxamed Moxamuud (Siilaanyo)
iyo xukuumadiisa cusub waxaa dhakhso
looga fadhiyaa inay muujiso wax ka qabashada
labada arrimood ee ka taagan Buuhoodle.
Dal xor ah ma d hex joogi karto jabhad ka soo horjeedda
qaranimadiisa iyo madaxbanaanidiisa isla markaana halis joogta ah ku
haysa nabadgelyadiisa, lamana filayo nabad gelyo ka dhalata beelaha
degaanka Buuh oodle inta ay jirto koooxdaas nabad-diidka ah. Dal xor
ah macquul maaha inay iska soo galaan wasii rro ka tirsan dal kale
oo qayb dalka ka tirsan u maamushaan sida ay rabaan. Somaliland
maaha gob ol sugaya Somalia ee waa dal madaxbanaan oo laga filayo
inuu difaaco madaxbanaanidiisa.
Ibrahim
Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: Nov. 26, 2010 |
|