Somaliland Societies in Europe
360 Great Western Street
Manchester
M14 4BY
Mob: 00447930655099
Website: sseuro.com
Email: info@sseuro.com

Taariikh:10/04/2012
Sumad: 23910042012



Kulan qaar ka mid ururada qurbo jooga UK oo London ka dhacay

Kulan muhiim ah oo ay soo abaabushay dallada SSE oo kulmisa jaaliyaddaha Somaliland ee Yurub ayaa lagu qabtay Galbeedka Magaalada London oo ah xarunta ururka jaaliyadda Somaliland ee West London Somaliland Community maalintii Sabtida ee ay taariikhdu aheyd 7da Aprill 2012. Kulanka waxa ka soo qayb galay xubno ka socdey ururada Somaliland ee UK iyo weliba xubno ka mid ah guddiga SSUK oo ah dallada kulmisa ururada reer Somaliland ee UK.
Kulankan oo muhimadiisa lahaa waxa si aad ah loogu lafo gurey qoddobada ay ka mid yihiin:Shirweynaha caalamiga ah ee dhowaan lagu qaban doono magaalada Istanbul ee waddanka Turgkiga, kaasoo lagu ambo qaadayo waxyaabihii lagaga xaajoodey magaalada London bisha Febraayo 23keedii.


Ajandaha kale ee kulanka lagaga Hadley waxa uu ahaa xidhiidhka qurbo joogu ay la leeyihiin xukuumadda Somaliland qaabka iyo sida uu u shaqeynayo.
Intii haddaba aan la gudo gelin dood wadaagga qoddobadan ayaa waxa kulanka lagu bilaabay qiimeyn kooban oo lagu sameeyay sida uu u dhacay isu-soo bixii 22kii Febraayo lagu qabtey London iyo weliba hab maamuuska loo diyaariyay madashii madaxweynaha iyo wefdigiisa lagula kulmay.
Injineer Balayax oo ahaa guddoomiyihii Somaliland Working Group oo u xil saarnaa isku duwida hawlaha isu soo baxa ayaa hordhac kooban ka soo jeediyay ka dibna ku soo dhoweeyay Salma Sheekh oo si faahfaahsan oo ay xirfadi ka muuqato warbixin uga soo diyaarisay qiimany lagu sameeyay sida ay hawluhu u qabsoomeen.


Waxa qiimayntaa ka soo baxday in isu-soo baxu uu ahaa mid aad loogu guuleystay oo ilaa gobbolada UK si ay mas’uuliyadi ku jirto looga soo qayb galey isla markaana uu ahaa isu soo bixii ugu ballaadhnaa ee UK ay dadka reer Somaliland ku sameeyaan. Waxa kale oo la isku raacay in iyada oo wakhtiga diyaar garowgu uu aad u koobnaa in haddana wakhti kooban gudihii la suuro galayay bannaan baxaa lagu guuleystay oo ay sabab u ahayd wada shaqeynta, xidhiidhka iyo kulannada la sameeyay isu soo baxa hortii oo ahaa kuwii qabanqaabada u ahaa hawsha isu soo baxa.


Inkastoo hawlahaa fiican la qabtey waxa la tilmaamay in badan oo mustaqbalka ay tahay in laga digtoonaado, kuwaasoo badankooda la dareemahay wakhtigii lagu gudo jirey isu soo baxa. Dhalliilaha oo lagu soo koobey warbixinta goobta laga akhriyay ayaa noqdey qaar loo xafidi doono si mustaqbalka ayna mar labaad u soo noqnoqon.


Qaybtan hore ii qiimeyntu markii ay dhammaatay ayaa Cabdiraxman Cabdullahi Jibriil Guddoomiyaha Dallada SSE iyo Maxamed Bashe oo guddiga Dallada ka mid ah ayaa waxay abaal marin guddoonsiiyeen Inj. Balayah oo ahaa guddoomiyihii hawlaha isu-soo baxa iyo Maxamed Cumar Maygag oo ahaa isu-duwihii hawlaha isu soo baxa. Waxa kale oo abaal marin la guddoonsiiyay ururka West London Somaliland Community oo laf dhabar u ahaa kulannadii qabanqaabada hawlaha, abaal marintaas oo ay u guddoomeen Salma Sheikh iyo Iid Xasan oo ah agaasimaha hawl fulinta xafiiska.


SSE waxay si gaar ah ugu mahad naqeen dhammaan ururrada Somaliland ee UK iyo dalladooda SSUK iyo Somaliland working group oo kulmiyay dhammaan xubnihii laf dhabarta u ahaan hawsha. Waxa kale oo madasha loogaga mahadnaqey jaaliyadaha Yurub oo tabarruc dhaqaale ka geystay hawlahan gaar ahaan Jaaliyadda Norway oo dhaqaalihii ugu badnaa bixisay iyo waddamada kale ee Sweden, Holland, France iyo Belgium.


Intaa ka dib waxa la gudo galey ajandaha ugu muhiimsan ee la isugu yimid, kaasoo ahaa kulanka Istanbul ee waddanka Turkiga lagu qabanayo bit uJun ee 2012 iyo aragtida qurbo jooga. Ugu horreyntii waxa warbixino kookooban oo hordhac ah ka soo jeeddiyay Axmed Weli Good iyo Mudane Maxamed Haaruun oo dhowaan loo magacaabay xooghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga Ucid oo intaa aan xilkaa loo magacaabin ka mid ahaa xubnaha ugu doorka roon ee SSE, kulankanna goob jooge ahaan kagaga soo qayb galey.


Waxa faahfaahin laga bixiyay shirweynaha caalamiga ah ee Istanbul ee Juun 2012 loo qabanayo Soomaaliya. Shirka Istanbul waxa uu daba socda kii London ka dhacay bishii Febraayo 2012. Ujeeddadadiisa ugu muhiimsanna waa in la ambo qaado waxyaabihii ka soo baxay kulankii London si fawdada iyo maamul la’aanta ka jirta Somaliya loo soo afjaro.
Waxa la isla gartay in dowladda Somaliland ay ka yeelato istaraatajiyad cilmiyaysan oo ay kaga midho dhalinayso talooyinkii ka soo baxay shirkii London; kani Istanbul ka dhici doonana lagu waajoho.


Waxa la soo jeediyay in dhammaan ururrada hoos yimaadda dalladda SSE loo gudbiyo su’aalo kookooban oo lagu ururiyo afkaarta qurbo jooga reer Somaliland, kuwaasoo warbixinta ka soo baxda lala wadaago xukuumadda Somaliland. Intii kulanka lagu gudo jirey talooyin ayaa goobta laga soo jeediyay ku wajahan shirweynahan Istanbul, laakiin waxa la isku waafaqay in soo bandhigadda talooyinkaasi lala sugo talooyinka laga soo ururin doono qurbo-joogga reer Somaliland ee ku baahsan Yurub.
Qodobka 2aad ee Ajandaha kulanka lagaga hadley waxa uu ahaa xidhiidhka qurbo jooga iyo xukuumadda Somaliland.


Qodobkan oo muhimaddiisa lahaa ayaa intii ka hadalkiisa la gudo gelin Iid Cali Salaan si kooban ugaga hadlay faa’iidada wada shaqaynta xukuumadda iyo ururrada qurba-joogga. Waxa uu tilmaamay in wada shaqayntu leedahay nidaam loo raaco. Wuxuu sheegay in ururrada qurbo-joogga ee ka shaqeeya danaha Somaliland ay yihiin dad iyagu iskood isku diray, hawsha ay hayaanna aan mansab ku raadsanayn. Waxa kale oo uu xusay in dowladdan kaalin laxaad leh ay kaga jiraan qurbo jooga reer Somaliland iyagoo qaarkood ay hayaan mas’uuliyado amma jagooyin mudan. Iid waxa uu xusay in haddii mar ay isu dhowaan lahaayeen xidhiidhka xukuumadda iyo qurbo jooga inay hadda tahay wakhtigii ay isugu dhowaan lahaayeen.
Waxa la isla gartay in qurba-joogga reer Somaliland ee Yurub deggan marka ay noqoto wada shaqayn ay maanta ugu fiican yihiin. Waxa tusaale fiican loo soo qaatay mudaharaadkii London oo muddo ka yar afar toddobaad gudihii bishii Febraayo 22dii kumannaan oo qof la isugu keenay guriga looga taliyo waddanka Ingiriiska hortiisa si shucuurta ku saabsan gooni isu taaga Somaliland loo muujiyo. Taakulaynta mashruucaasi muddaharaadka ururadda qurbo-joogga Yurub way ka wada qayb galeen amma ha noqoto talo wadaag, amma dhaqaale ururin amma adeegga war baahintaba e. Waxa la isla gartay in wada shaqanta intaas laga sii kordhiyo; laakiinse ay xukuumadda Somalilandna saaran tahay inay la timaaddo siyaadad hufan oo ay kula shaqayso qurbo-joogga. Siyaaddaas hufani waa inay noqotaa mid waafaqsan xeerarka Somaliland iyo kan diblomaasiyadda caalamiga ahba oo inkasoo aan Somaliland weli aqoonsan aaanay haddana baal mari karin.

Intaa ka dib waxa la gudo galey dood furan oo si wada jir ah loo qaybsadey isla markaana ay ka soo baxeen ama laga soo jeediyay talooyin dhowr ah oo wax ka taraya horumarinta xidhiidhka ururrada qurbo jooga iyo xukuumadda Somaliland. Qodobadan oo lala qaybsan doono dhinacyda ay tooska u khuseyso ayaa waxa lala sugayaa ururinta afkaarta iyo rayiga ururada kale ee reer Somaliland ee Yurub.
Kulankan oo mudo saddex saacadood ah qaatey ayaa gabogabadii waxa si gaar ah loo tilmaamay in dhammaan ururada qurbo jooga ee reer Somaliland laftooda ay u taalo hawlo badan oo la xidhiidha sidii ay u horumarin lahaayeen isku duubnidooda iyo sida ay uga gudbi lahaayeen culeysyada iyo dhaliilaha badan ee jira. Ugu dambeyntii mahadnaq iyo isu dardaaran ayaa lagu kala tagey.



Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta,