Somaliland Science Academy: Xarun Cusub oo Sayniska lagu Takhasusayo oo Laga Dhisayo Somaliland

 

 


Markuu dhismihu dhamaado waxa loo qaadan doonaa xarunta ardaydaa qoonta sayniska hiboda u Leh. Wuxuu noqonayaa “a Centre of Excellence”.

Munaasabad lagu xusayey bilowga Xarunta cusub ee Somaliland Science Academy oo lagu baranayo laguna Takhasusayo Sayniska ayaa xalay lagu qabtay Hotelka Rayaan ee magaalada Hargeysa. Xafladaas oo uu qabtay Dr. Axmed Xuseen Ciise, guddoomiyaha machadka IPRT, waxa lagu soo bandhigay qorshaha dhismaha jaamacadaas cusub. Waxa kale oo xafladaas loogu mahadnaqayey muwaadiniin reer Somaliland ah oo dhulkoodii ugu deeqday dhismaha xaruntaa cusub oo ku yaala meel u dhow magaalada Abaarso ee galbeedka Hargeysa una dhaxaysa Abaarso iyo Caabuda.

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo hadalo kooban ka jeeday munaasabadaas ayaa soo bandhigay halka uu marayo qorshaha iyo dhismaha xaruntan cusub. Wuxuu Dr. Axmed halkaa ka sheegay in dhismaha iyo qalabaynta xarunta cusub ee tacliinta sare ay ku baxayso lacag dhan 1.5 ilaa 2 million oo dollar, malgelintaa hordhaceedii horena soo xarooday uu kuna kalsoon yahay in inta hadhayna u soo xaroon doontao si dhakhso ah. Dr. Axmed wuxuu halkaa ka sheegay “in machadkan uu noqon doono xarumaha syniska lagu barto kuwa ugu sareeya ama kuwa loo yaqaano centers of excellence, wuxuuna barbarian doonaa dhalinyarada ku wanaagsan tacliinta oo waxbarashadooda laga bilaabi doono dugsiga sare ilaa heerka ugu sareeya ee Jamacadeed”

Dhismayaasha xaruntan Somaliland Science Academy waxa la filayaa inay bilaabmaan bisha October, ardayda ugu horaysa oo ah kuwa heer sare kaga soo baxa dugsiyada dhexena waxa la qaadan doona marka dhismayaashu bilaabmaan, Inshallah sanadka 2009.

Waxa xafladaa ka hadlayey odyaasha magaalada abaarso iyo qoyskii iyagu bixiyey dhulka xarunta laga dhisayo oo halkaa ka cadeeyey inay deeqda dhulkooda u bixiyeen si ay Somaliland u hesho horumar xagga tacliinta oo ay taasi kala wayn tahay hantida ay iyagu gaar u lahaayeen. Qoyska bixiye dhulka intiisa badan oo ah Ilma Ahmed Ibrahim. Waxa isna dhul kale ku daryay guddoomiyaha magaalada Abaarso Oday Adan Egeh oo horena ugu deeqay dhulka dugsiga hoose/dhexe ee magaalada Abaarso. Waxa kale oo halkaa ka hadlay Dr. Xuseen Cabdillahi Bulxan oo ka faalooday faa’dida ay xaurntani Somaliland u lahaan doonto markay hirgasho.

Xaruntu waxay lahaan doontaa dhismayaal tiro badan oo ka mid yihiin fasalo, laboratoriyo, library balaadhan, guryaha ardayda, guryaha shaqaalaha iyo macalimiinta iyo garoon wayn oo casriyaha.

 

 


Waaheen