Somaliland Oo Wayday Saaxiib Run Ah: ''Geerida Meles Zenawi''!
- 1991-kii oo ah markii ay dhamaan beelaha dega Somaliland isku
af-garteen inay la soo noqdaan xoriyadoodii iyo qaran-nimadoodii ay
sida aan ka fiirsashadu ku jirin ugu dareen Somalia-italia, waxa
Itoobiyana ka curtay is-bedel siyaaadeed oo cusub oo maamulkii dalka
waxa gacanta ku qabtay jabhado iskaashaday oo laba ahaa (TPLF iyo
EPRDF), kuwaas oo dagaal kaga guulaystay xukuumadii Mengistu Haile
Mariam.
Isla judhadiiba labada xukumadood ee da'da yari waa Somaliland iyo
Itoobiay-e oo ku cusubaa saaxada siyaasada aduunku waxa ay unkeen
xidhiidh is-af-garad balaadhan wata oo u dhaxeeyay labada umadood.
Ugu horaynba waxa si aayar-aayar ah looga bogsaday cadaawadii guunka
ahayd ee la dhex dhigay labada dad ee walaalaha ah, taas oo runtii
dhaawac wayn u gaysatay jiritaankooda, noloshooda iyo
olog-nimadoodaba.
Waxa maamuladii kala dambeeyay ee soo-mara dalka jamhuuriyada
Somaliland iyo maamulkii Meles Zenawi oo isagu intaaba talada dalka
Itoobiya gacanta ku hayay ay ku dadaaleen kuna guulaysteen, in
labada dal ay iska kaashadaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin
ganacsiga, horumarinta bulshada iyo waliba ilaalinta xasiloonida iyo
amniga gobolka Geeska-Afrika ee ay labda wadan ku yaalaan oo xaalado
qalafsani intaaba ka aloosnaayeen.
21-kaa sano ee ay soo jirtay Somaliland oo ay runtii la-soo
halgamaysay jiritaankeeda siyaasadeed aadna ugu baahnayd saaxiib
dhab ah oo uga hadla madalaha lagu gorfeeyo siyaasada qaarada Afrika
guud ahaan, gaar ahaan-na ta Geeska-Afrika, wadanka kali ah ee u
darbanaa mar-kasta waxa uu noqday dalka Itoobiya oo uu hogaamiye u
ahaa Meles Zenawi, waxana maamulkii Meles ZENAWI ka mid ahaa arimaha
ay wax wayn uga tareen Somaliland kuwan soo socda;
- Maamulkii Meles Zenawi waxa uu kala qayb-qaatay dawladahii kala
dambeeyay ee Somaliland soo-mara mid kastaba xiligeedii, ku
dadaalaista in ay suurto-gal noqoto in aduunyada u arakto Somaliland
wadan ka duwan Soomaliyada walaaqan ee ay ka go'day.
- Maamulkii Meles-Zenawi waxa uu uga ololeeyay jiritaanka Somaliland
gudaha qaarada Afrika isaga oo gacan wayn ku lahaa imaatinkii
gudidii xaqiiqa raadiska ahayd ee ay AU-du dhawr sano ka hor u soo
dirtay, indho-indhaynta qaran-nimada Somaliland, taasoo ay gudidu
war-bixinta caaqiibo leh ka qortay.
- Xukuumadii Meles Zenawi waxa ay noqotay tii ugu horaysay ee dalka
Somaliland xafiis ka shaqeeya danaha labada dal ka furatay caasimada
Hargaysa.
- Xukuumadii Meles Zenawi waxa ay si hagar la'aan ah u tayaysay
ciidamada qaranka Somaliland iyada oo saraakil badan siisay
Tabo-baro kala duwan, waxa kale oo ay deeqo wax-barasho oo kala
gedisan ku gargaartay arday badan oo reer Somaliland ah.
- Xukuumada Meles Zenawi waxa ay u ogolaatay in dadka reer
Somaliland si xor ah oo aan danqaqar lahayn ugu noolaan karaan dalka
Itoobiya, dhaqaale iyo baayac-mushtar ku yeelan kraan, dhaqdhaqaaq
nabdoona ku samayn karaan iwm.
Isku soo duuboo, geerida ku timid Meles Zenawi waa mid runtii qof
kasta oo reer Somaliland ah oo dalkiisa lexe-jeclo ka qaba ku
abuurtay wer-wer iyo walaac dhinacyo badan taabanaya. Waxase aan
rajaynaynaa oo aan ku calool diiran-nahay in maamulka qaban doona
talada dalka Itoobiya aanu waxba ka bedeli doonin xidhiidhka
wanaagsan ee ka dhex-biqlay labda dal/dad ee Somaliland iyo Itoobiya
oo ay labaduba ku badhaadheen.
''Ha Jirto Somaliland
Oo Ha Joogto
Weligeed''
W/q: Cali Cumar Xasan
|