Somaliland oo Waxgaradka Puntland Ugu Baaqday Inay ka Sha qeeyaan soo Daynta Markab Berbera ku soo Jeediy oo la Afduubay


 

 


Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka warramay xaaladda markabkii u rarnaa ganacsatada Somalil and ee la afduubay

“Halka uu joogo markabka dhallinyarada reer Puntland afduubeen jilibka amma reerka degeni hantida iyo ganacsiga ugu badan Somaliland iyaga ku leh”

“Sidaannu iskaga xil-saarno baylahda reer Puntland ee Somaliland taal idinkuna iskaga xil saara oo arrinkaa qaabka aad uga hawlgashaan isha lagu hayaa” Waraysi; Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Maxamed Shugri, ayaa ka warrama y xaaladda u dambaysay ee markabkii u rarnaa ganacsatada Somaliland ee dhawaan isaga oo ku s oo jeeda Dekeda Berbera budhcad-badeedu afduubtay, waxaannu hadallo garnaqsi ah u jeediyey waxgaradka iyo madaxdhaqameedka maamul-goboleedka Puntland, isaga oo budhcad-badeeda qaf aalatay markabkana ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah ku soo dayaan, maadaama hantida saar an ay leeyihiin ganacsato Somaliland oo dan yar ah.

Md. Maxamed Shugri oo warraysi khaas ah Jamhuuriya shalay xafiiskiisa ku siiyey, ayaa sheegay in aanay wax xidhiidh ah oo toos ah la samayn budhcadda afduubtay markabkaas.

“Markabkaas MC Layla 14 bishan ayaa laga afduubay agagaarka xeebaha Cumaan, sida ilaa iminka wararku nagu soo gadhayaan niman dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed oo u dhashay degaanka Punt land ayaa afduubay markabkaas, waxaannu ahaa maraakiibta dhawr iyo tobankii sannadood u dam beeyey joogto ku ahaa dekeda Berbera, waxaannu ahaa markab yar, caadi ahaana waxa maraakii bta noocaas ah rarta dadka danyarta ah ee ganacsatada meheradaha yaryar leh sida bacadlayaas ha iyo kuwa gaadiidka yar yar leh, sidaa darteed markabkani wuxuu u raran yahay aag ballaadhan oo ganacsatada yaryar ee reer Somaliland ah, dadkeenuna gaadhi gaadhi bay dirtaano way sii dilaa laan, markaa waxaan odhan kara isaga oo mug yar oo aan tankiisu badnayn, haddana dadka soo ra rtay waxay ka badan yihiin dadka dekeda Berbera wax kala soo dega, boqolaal qof baanan ku qiyaa si karaa dadka markabkan leh, midba meel buu joogaa ilaa haddana si fiican looma hayo xidhiidhkood a, madaama oo aannu ognahay qaabka iyo dabeecada u raran yahay, waxa saarana waa kartoon kartoon iyo gaadhi, xagga guud marka loo eegana waa alaab badan, waxaannu saamayn ku yeelan ayaa ganacsatada Somaliland inta ugu badan, gaar ahaan dadka meheradaha yaryar leh.

Ilaa iminka waxa nagu maqaalo ah in dhallinyarada afduubtay ay markabkaas la tageen koonfur/b ari Puntland, waxaanan u jeedinayaa dadka samataliska, waxgaradka iyo dhallinyarada reer Puntlan d, labadaba mid baan leeyahay, dhallinyarada markabka haysta waxaan leeyahay markabkaa waad ku khaldanteen, dad idinka oo kale ah oo walaaladiin baa leh, waxa laga yaabaa dadka uu u raran yahay intooda badan waxaas u saaran in aanay waxba uga dambayn, meel khaldan baanay gacantu idinkaga dhacday, waana dad aan badankoodu ka soo kaban karin dhibta halkaa ka soo gaadhay, si daa darteed, anigoo ah guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, waxaan codsi idiinku soo jeedina yaa dadkaasi waa walaaladiin intaad eegtaan walaalnimada, Soomaaliduna waa qoys oo waa la is w ada garanayaa arrintaan aragti Soomaalinimo iyo Muslmino ku eegtaan oo aad shuruud la’aan ku so o fasaxdaan ayaan idinka codsanayaa,” ayuu yidhi Mr. Shukri.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo Jamhuuriya waydiiyey inay jiraan wax xidhiidho toos ah oo dhex maray iyaga iyo budhcad-badeeda afduubtay markabkaas, waxa uu ku jawaabay; “Runtii sidaan ho re kuugu sheegay dadkaa faraha badan ee markabka u saarnaayeen bagaashka iyo alaabaha isma oga oo way kala baahsan yihiin, waxaana laga yaabaa inuu ninba halkiisa dedaal ku jiro oo uu cidii uu garanayo la xidhiidho oo Soomaalidu meel kasta oo ay joogaanba si uun bay xidhiidh u leeyihiin, ma rkaa waxa laga yaabaa inay jiraan xidhiidho aan caadi ahayn, laakiin ilaa iminka xidhiidh toos ah oo aannu la yeelanay ma jiro.”

Waxa kale oo Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu waxgaradka reer Puntland ugu baaqay inay ka hawlg alaan sidii loo soo dayn lahaa markabka u rarnaa ganacsatada reer Somaliland ee kooxaha budhcad-badeedu qafaasheen.

“Anigoo fursadan ka faa’iidaysanaya waxaan ugu baaqi lahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee Puntlan d, waxay ahaayeen beeshii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee madax-dhaqameed, kala dambayn iy o boqornimo samaysata, ee dhaqan ilaalin iyo ixtiraamka samaysa, sidaa awaadeed waxaan leeyah ay arrintaa waa imtixaan idinla yaal, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa awr xumi geel buu ka dhash ay, waxaanan idiin soo jeedinayaa innamadiinaasi meel walba nin dhallinyaro ah wuu joogaa, meel walba nin qaldani wuu jiraa, dadka Soomaaliyeedna baylahdoodu way isku qasan tahay, sida baylah da reer Somaliland ay Puntland u taalo ayey baylahda reer Puntlandna Somaliland u taal, marka rag ga waxgaradka ah baaqaan u jeedinayaa waxa weeyaan daw noqon mayso markaynu dhaqankeenii Soomaaliyeed ku noqono innanka yar ee idiinla soo galay hanta reer Somaliland ah oo arrintaa wax ka qaban kari mayno dhaqanka iyo beelaha Soomaaliyeed siday u dhaqmaan meelna kagama taal, sidaa awgeed sidaannu iskaga xil-saarno baylahda reer Puntland ee Somaliland taala idina iskaga xil saara oo arrinkaa qaabka aad uga hawlgashaan isha lagu hayaa, haddaan carrabka ku dhufto wali ba halka uu joogo markabka dhallinyarada reer Puntland afduubeen jilibka amma reerka degen hant ida iyo ganacsiga ugu badan Somaliland iyaga ku leh, anagana xil baa naga saaran ilaaladooda, walin a may dhicin hanta ay leeyihiin iyo gaadiid ay leeyihiin iska da’a xumaan loo gaystee inan yar oo xun kalmad ku yidhaa may dhicin, waxaan leeyahay arrinkaasi idinku idinla yaala haddaad reer Puntland tihiin, waana la is xujaynayaa, markaa idinka la idinka sugayaa sidii aad ugu caqli celin lahaydeen carruurtiina, annagana waxbay na yeelaysaa, idina waxbay idin yeelaysaa, sidaa awgeed arrintaasi yey fidno inoo horseedin, in la isu bixin waayo baylahda yey inoo horseedin ee ha laga hawlgalo.”
 

source:Jam