Somaliland oo
mashaariic Nabad gelyada khuseeya ka heshay safaaradda Ingiriiska
Addis ababa
Adis Ababa (TNN):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed
Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka
Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa galabta si rasmi ah ugu kala saxeexday
Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa, heshiis ka kooban laba
qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.
Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska
Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta
Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro) oo
maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya.
Waxa kale Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur
Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada
Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo
Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta
Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur)
oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir
Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay
yihiin waxa uu yidhi “Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo
kala, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka
Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan
goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo
qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay
qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur shaqaalahana la tababari doono,
una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo
galo oo dhan iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid
lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta
baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista
lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU
(Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu
qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay
qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo
waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho”
addisa1Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo
dhisi doono ciidanka baadhaya danbiyada calculus ciidaan gaarana loo
tababari doono, “Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona
ciidaan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono,
waxaana ciidaanka SPU-da loo keenay oo la soon doona lix Baabuur”.
Ayuu yidhi.
Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa
uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir
kuxigeenka waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka
Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey.
Mar aan weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani
ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu
ku jawaabay, “Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa
loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa,waxaanay labada heshiisba wax
weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis
oo qaranka qiimo-weyn u leh”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur)
waxa uu qirey inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somalilan,
waxa uu yidhi“Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey
dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo
socdaalo Somaliland, oo FCO oo dib loo eegayey inay Somaliland
nabadgelyo tahay, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo
isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee
Somaliland”
Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo
weyn.
Source:Waaheen
==
|