Somaliland oo lagu
Martiqaaday Shirka Maal-gelinta ee Djibouti

Waxa beryahan dambe
ifaafaalaheeda la arkayaa xidhiidhka Somaliland iyo France oo sii
xoogaysanaya. Lixdii bilood ee u dambeeyey waxa Somaliland booqasho
ku yimid ilaa 3 wefti oo ka socda safraaradaha Faransiiska ee Geeska
Afrika.
Waxa sidoo kale bilaabmay dhaqdhaqaaq ay dawladda Fransisku ku
taageerayso dadka Afka Fransiska ku hadla ee reer Somaliland ama
kuwii hore ciidamada Fransiska ka tirsanaan jiray.
Waxa sanadkii hore ka dhacay magaaladda Paris shirweyne Fransisku
kaga hadlayey maalgelinta Djibouti iyo Geeska Afrika kaas oo
Somaliland laga casuumay. Qaybtii labaad ee Shirkaas ayaa bishan
March 13da ka dhacaysa magaalada Djibouti. Sidaanu ilo xogogaal ah
oo ka tirsan safaaradaha France ka helnay, waxa si rasmi ah loogu
casuumay shirkaa ka dhacaya Djibouti xukuumadda Somaliland khaas
ahaan rugta Ganacsiga. Waxana la filayaa in Somaliland halkaa u
dirto wefti balaadhan oo dhawr wasaaradood ka qaybqaadan doonaan
khaas ahaan macdanta iyo biyaha oo la filayo inay soo bandhigaan
macluumaadkii laga sameeyey sahanka shidaalka Somaliland.
Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in ka dib shirkaas wefti ka socda
aqalka sare (Senet-ka) Fransisku uu booqasho ku iman doono
Somaliland. Intaa ka hor waxa Somaliland soo gaadhi doona wefti kale
oo hordhac ah oo la xidhiidha deeq bixinta khaas ahaan qaybta
waxbarashada luqada fransiska.
Waaheen
|