Somaliland Oo Lagu Marti-qaaday Shirka Sannadlaha Ah Ee Shidaalka iyo Macdanta Qaaradda Afrika
 


Perth (TNN):- Somaliland ayaa ku taagan tallaabadii ay ku hanan lahayd maalgashi dibadeed, inkastoo aanay helin abaal-marinta labaatan sano ka badan oo aqoonsi caalami ah ay eegay say.adu-banner

Wasiirka Tamarta iyo Madcanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa u hoggaamin doona Wefti ka socda dalkiisa Shirka Shidaalka iyo Macdanta ee Afrika Down oo 28-30 bisha August ka dhici doona magaalada Perth ee dalka Australia.

Marti-qaadkan kulanka caalamiga ah ayaa muujinaya ogaanshaha iyo aqoonsiga guulaha Som a liland ka gaadhay abuuritaanka saaxad siyaasadeed oo sahlaysa maalgashi caalami ah.

Kulankaa ayaa la filayaa in Wasiir, Xuseen Cabdi Ducaale ku baraarujiyo maal-gashedayaasha baaxada keydadka Shidaal, Gaasta dabiiciga ah, Macdanaha iyo qaniimadaha kale ee Somalilan d leedahay. Sidoo kale waxa la filayaa inuu iib-geeyo xasilloonida iyo jewiga ku habboon maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland taagan tahay.

Marti-qaadkan ayaa ku soo beegmaya raacadada sahamin shidaal ee shirkadaha caalamku ugu jiraan deegaannada gobolka Togdheer, sida shirkadda laga leeyahay Australia ee Jacka Resources Ltd.

Shirkadda Jacka oo saamiyo wadaagaan Genel Energy iyo Petrosoma ayaa ku hawlan sahamin ay ku baxayso dhaqaale gaadhaya $50 Milyan oo Doollar, lana filayo inay soo gebagebowdo sannadka 2015. Xilligan, baadhitaanno hordhac ah oo la sameeyey ayaa muujinaya in shidaal lagu qiyaasayo 1 Milyan oo Foosto ku jirto labada Block ee la baadhay.

“Rejada, isbedelka fikirkii qaaradda Afrika ayaa ku sii socota inay qeyb libaax ka helaan dhaqa alaha sahaminta shidaalka caalamka. Waddamno xilliyadii hore loo arki jiray lama-galaan ayaa soo jidanaya maalgashi caalami ah, sida tusaalayaasha Angola, the Democratic Republic of Co ngo iyo Mozambique.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey Mareegta Shirka qaaradda Afrika ee Shidaalka iyo Macdanta.

Qoraalka ayaa la raaciyey, “Inkastoo badi qaaraddu, hore u soo jiidatay shirkado waaweyn, Waaa cusub oo iskaashi ayaa u bilaabmay shirkado waaweyn iyo kuwo kale waddammo ay ka mid yihiin Ghana, Kenya iyo Somaliland illaa Koonfur Afrika, Botswana iyo Namibia.”

Marka laga yimaaddo shirkadaha shidaalka kulankaa soo xaadiraya, waxa sidoo kale la filayaa inay ka qeybgalaan Wasiirrada Macdanta ee dalal badan oo qaaradda Afrika ka tirsan. Sannadkii hore shirkaa ayey ka qeybgaleen Ergo gaadhaysay 2000, saddex maalmood oo uu socday.

Sannadkan ayaa la filayaa in shirkani ka sii ballaadho, si uu dhidibbada ugu aaso tilmaanta kul anka ugu muhiimsan ee ganacsi dhex-mara labada qaaradood.
 


Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday