Somaliland oo ka qayb gashay Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Ganacsi ee Ingiriiska iyo Afrika

 


London (TNN) :-Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Kenya, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ay aa ka qaygalay shir ay soo qaban qaabisay Waaxda ganacsiga ee dalkaasi oo Arbacadii toddobaadkii ho re ay iskugu yimaadeen Dawladda Ingiriiska iyo Ganacsatada Afrikaanka ah, si la isula falanqeeyo fursad aha maalgashi ee Qaaradda Afrika.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo xigatay Wargeyska East Afrika Business Week oo k a soo baxa dalka Uganda, kaasi oo daabacay qormo dheer oo uu ku sheegay in Jamhuuriyadda Somalilan d ay raadinayso habkii ay Maalqabeennada iyo Shirkadaha Ingiriiska ah ugu guubaabin lahayd inay xidhii dh ganacsi la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in casriyeyntii iyo ballaadhintii marsadda Berbera ee ay waday Shirk adda DP World ay gabogabo marayso, taasi oo xuddun u noqon doonta Ganacsiga Geeska Afrika.

Safiir Baashe Cawil wuxuu u soo jeediyey dawladda Ingiriiska inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi iyo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland iyo dekedda Berbera maadaama oo labada dal ay ka dhexayso cilaaqaad taariiheed oo soo jireen ahi.

Waxa kaloo danjire Baashe Cawil uu xusay fursad weyn u ahayd Somaliland inuu ku matalo shirkaas oo lo oga gol lahaa in la isku xidho ganacsiga Ingiriiska iyo Qaarada Afrika. Waxaanu ku dooday inay Somalilan d kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto isku xidhka ganacsi dhex mara Ingiriiska iyo Afrika.