Somaliland Oo Heshiis Laga Gashay Shirkad Cusub Oo shiidaalka baadha
 


Hargeysa (TNN):- Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa maanta si rasmi ah heshiis shidaal baadhis ah ula saxeexatay shirkad lagu magacaabo ANSAN WIKFS oo laga leeyahay dalka Yeman taas oo ka hawl gasha wadamo badan oo caalamka ah.

Xafladan heshiikaas lagu saxeexayay oo lagu qabtay xarunta wasaarada tamarta iyo ma cdanta Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka tisan xukuumadda, Gudoomi yaha guddiga hoosaadka khayraadka ee Golaha Wakiilada, saraakiil ka tirsan wasaarada iyo maamulka sare ee shirkadaasi.

Heshiiskaas dhinaca Xukuumadda Somaliland uu u saxeexay Wasiiirka Tamarta iyo Macda nta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, halka dhinaca shirka ANSAN WIKFS ay u saxeexeen Gudo omiyha Shirkadaasi Mr Shahad Cabdu Haak iyo ku xigeenkiisa Mr Hashiim Al Malaki.

Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay a ad u soo dhawayanayaan fursadan maal-gashi ee lagu baadhayo shiidaalka dalka, taas oo uu tilmaamay in ay aad ugu faraxasan yihiin isla markaana Golaha Wasiirrada Somalila nd ay ansixiyeen heshiiskan maanta la soo gunaanday dhamaystirkiisa bishii August ee sanadkan.

Wasiirku waxa uu intaas ku in shirkada ANSAN ay tahay shirkad caalami ah oo meelo bad an oo adduunka ay ka shaqayso isalamarkaana ay ka hawl-gali doonto sedexda bog-cad ood ee lamabaradoodu kala yihiin 19, 14 iyo qeyb ka mid bogcada lagu magacaabo Tod oabaad kuwaas oo dhammaantoodu ku yaala gobalada barri ee Somaliland.

Wasiirku waxa uu xafladaasi ka sheegay in shirkada ANSON WIKFS ay bixisay lacag dhan milyan iyo sideed boqol oo kun oo dolar oo ah lacagta loo yaqaan xaqalka qalinka, taas oo si toos ugu dhacaysa qasnada dawladda islamarkaana xukuumaddu u qoondaysay in lagu horumariyo deegaamada laga baadhayo shidaalka ee shirkadu ay ka hawl gali doonto.

Gudoomiye ku xigeenka shirkada ANSAN WIKFS Mr Hashim Al Malaki oo ku hadlayay mag aca shirkadda ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan heshiiska ay la saxeedeen Somal iland islamarkaana ay ku dedaalayaan sidii ay uga midho dhalinayaan mashruucaasi baa dhista shidaalka ah isagoo tilmamay in ay addeegsan doonaan qalab casri ah.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryayanta Md Cabdirisaaq Khaliif Axm ed iyo Gudoomiyha Guddi hoosaadka kheyraadka Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Maxa med Cilmi oo si wada jir ah uga hadlay heshiiskaasi ayaa tilmaamay in ay soo dhawaynay aan heshiiskaasi kaas oo ah fursad maal gashi oo dalka u soo hoyatay waxaanay intaa ku dareen in ay shacbiga Somaliland gaar kuwa dega gobolada bariga ee laga baadhi doono shidaalku in ay la shaqeeyaan hawl wadeenada shirkadda.
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland