Somaliland oo Ashkato
Culus u Gudbisay Dawladda Dhexe ee Federaalka Itoobiya

Weftiga Wasiirrada Somaliland ee Addis Ababa ku sugan oo dalbaday in
ciidammada Federaalka Itoobiya la keeno xadka labada dal u dhexeeya
iyo nuxurka qodobo lagaga hadlay kulan ka dhac ay xafiiska Melez
Zenawi
Addis Ababa (TNN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay
ashkato ka dhan ah maa mulka Killilka Shanaad u gudbisay dawladda
dhexe ee Federaalka Itoobiya, sidoo kalena u bandhi gtay cabasho la
xidhiidha dareenno Somaliland ka qabto in kooxaha hubaysan ee
dagaalka ka wa da degaanka Buuhoodle ay taageero ka helaan
Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar oo Jamhu uriya khadka telefoonka ugu warramay
shalay isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa, waxa uu caddeeyey inay
dawladda Itoobiya ka dalbadeen in ciidammada Liyuu Booliska
Ismaamulka Soom aalida ee dalkeeda laga ilaaliyo xadka u dhexeeya
labada waddan, isla markaana xuduudaha la ke eno ciidammo ka socda
dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya si wax looga qabto cabashooyin
ka dadka reer Somaliland ka tirsanayaan bilayska Killilka Shanaad.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay in isaga iyo Wasiirka
Arrimaha Gudaha Somalil and Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ay
xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya kulan kula yees heen shalay
masuuliyiinta ugu sarreeya amniga qaranka ee dalka Itoobiya, una
gudbiyeen cabas hooyin kala duwan oo la xidhiidha colaadda Buuhoodle
iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka boo liska Kililka 5aad ee
Itoobiya ku hayaan bulshada Somaliland.
Wasiirka Khaarajiga oo faahfaahinayey arrimaha ugu muhiimsan ee ay
kala hadleen masuuliyiinta sare ee dawladda Itoobiya waxa uu yidhi;
“Kulan ballaadhan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal-wasaa raha Itoobiya
ayaannu la yeelanay masuuliyiinta amniga qaranka ee ugu sarreeya
Itoobiya.
Waxaannu u gudbinay oo kala
hadalnay dareenno aannu ka qabno in maamulka Killilka Shanaad
xidhiidh la leeyahay colaadaha kooxaha naba-ddiidka ah ka wadaan
degaannada bariga Gobolka Sool iyo Buuhoodle ee dalka Somaliland,
markaa annaga oo tixraacaynay heshiishkii nabadgelyo ee labada dal
ka dhexeeyey ee bishii shanaad ee sannadkii 2011 lagu saxeexay
magaalada Dirid haba ayaannu dawladda Itoobiya kala hadalnay
colaadaha ka socda degaanka Buuhoodle, iyadoo shirkaasna uu ka
qaybgalay wasiirka dhinaca amniga u qaabilsan dawladda Federaalka
Itoobiya oo heshiishkii Diridhabana dhinaca Itoobiya u saxeexay,
waxaanuna ka wadahalnay sidii Somalila nd iyo Itoobiya gacan
midaysan uga yeelan lahaayeen kooxaha hubaysan ee nabadgelyo-darrad
a ka wada Buuhoodle, annagoo aaminsan in kooxahaas hubaysani
taageero iyo gacan-saarba ka helayaan masuuliyiin iyo madax ka
tirsan gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, wax aa nuna
dawladda Itoobiya ka dalbanay inay arrintaas baadho oo wax ka qabato,
sidoo kalena gacan naga siiso sidii bcolaaddaas loo soo afjari lahaa.
Waxa kaloo aannu dawladda Itoobiya ka codsanay in ciidammada
Federaalka la keeno deegaann ada xadka u dhexeeya labada dal oo
meesha laga qaado ciidammada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida
Itoobiya, annaga oo sheegay in dadka shacabka ee reer Somaliland
cabasho badan ka muujiyeen ciidanka Killilka Shanaad ee Itoobiya,
markaa waxaannu dalbanay in xadka la keen no ciidanka Federaalka
Itoobiya oo lanaga ilaaliyo ciidanka Liyuu Booliska Killilka Shanaad
oo caba sho badan dadku ka muujiyeen,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha
Dibedda Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la weydiiyey nuxurka jawaabta
dawladda Itoobiya ka siiyey qodobadda ay kala hadleen, waxa uu yidhi;
“Dawladda Federaalka Itoobiya waxay noo sheegtay in aanay
habayaraatee waxba ka ogayn wax xidhiidho ah oo maamulka Killilka
Shanaad la leeyah ay kooxaha nabad-diidka ee colaadaha ka wada
degaannada Buuhoodle, waxayna noo caddeey een inay baadhitaanno
rasmi ah ku samayn doonaan waxyaabaha aannu u gudbinay, isla marka
ana tallaabo cad ka qaadi doonaan hadday caddaato in cid Itoobiya ka
tirsani ku hawlan tahay falal waxyeeli kara xasilloonida Somaliland,
iyada oo la dhawrayo heshiishkii dhinaca iskaashiga nabadda ee
labada dal ku dhexmaray magaalada Diridhaba sannadkii 2011.
Waxa kaloo dawladda Itoobiya noo sheegtay in aanay marnaba
oggolaanayn wixii wax u dhimaya nabadgelyada Somaliland iyo
xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal, qodobaddii
aannu kala hadlaynayna si fiican baannu isula fahamnay.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda ka jawaabayey su’aal ku saabsan inay
jiraan masuuliyiin shisheeye oo ay Addis Ababa kula kulmeen, waxa uu
yidhi; “Muddadii aanu Addis Ababa joognay waxaannu kulamo la
yeelanay madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen
Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Britain Henry
Bellingham, Wasiirka Horumarinka Caalamiga ah ee Ingiriiska Andrew
Mitchell, madaxweynihii hore ee dalka Laybeeriya oo ka mid ah
masuuliyiinta ururka Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee dalka
Ghana oo ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Moses Wetangula, masuuliyiin ka
tirsan dawladda Masar iyo madax kala duwan oo ka qaybgelaya shirkii
Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaanan
madaxdaas kala hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, annagoo
u sharraxnay guulaha dimuqraadiyadeed iyo nabadgelyo ee Somaliland
ku tallaabsatay.”
Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Dibadda la weydiiyey xaaladda Taliyaha
Ciidanka Booliska Somalila nd Jeneral Maxamed Saqadhi Dubbad oo
xaalad caafimaad-darro loo geeyey magaalada Addis Ababa, waxa uu ku
jawaabay; “Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxaannu Ilaahay
uga bar yeynaa inuu caafimaad-qab buuxa siiyo. Taliyaha xaalad
caafimaad ayaa loo keenay Addis Aba ba, welina arrimihii caafimaadka
ayaa u socda, markaa Ilaahay baannu caafimaad buuxa u weyd iinaynaa,
haddana xaaladdiisu way fiican tahay.”
Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdillaahi
Cumar iyo Md. Maxamed Nu ur Carraale (Duur) oo maalmihii u dambeeyey
booqasho ku joogay dalka Itoobiya, ayaa la filayaa inay Salaasada
maanta ama Arbacada berri dalka ku soo laabtaan.
source: Wargeyska Jamhuuriya
|