Somaliland ma
baarlmaan bay leedahay? bal aynu eegno
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Waxa aan moodayey in aanuu jirin
Baarlamaan wax go'aamin kara. Baarlam aan magaciisu waa uu jiraa ee
waa mid magac u yaal ah sidaan qabo. Sida ana waxa ka dhigay
dadkiisa. Dawladda iyo Baarlamaanku waa ay kala awo o d
badanyihiin oo dawladda ayaa fulisa waxa ay soo go'aamiyaan
Baarla maanku. Waa marka la eegayo sida qumman. Haddiise aad aragto
xukuumad sida ay doonto yeelaysa, waxa ay ka aragtay waa dadka.
Marka danbena waxa ay jeexataa habka KELITALISNIMADA, waana ta ay ku
socoto maanta xukuumaddeenu. Ninkastaaba ha iska hadlo, waxa ay
xukuumaddeenu qaad day wadadii kelitalisnimida. Waxa taa kuu
caddaynaya , marnaba waxba ka ma dhegaysato Baarlamaanka. Waxa
ay u aragtaa "Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma".
Ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa. Xukuumadu waa tii u nixi
lahayd dadk eeda iyo dalkeeda. Xataa waa tii go'aansanlahayd
in ay is casisho. Ma kula tahay maanta Madaxweyne Daahir waxa uu ku
dhowaaqi karaa "Waan is casilay" Maya, laakiin waxa ay noqon lahayd
tallaabo geesinimo, oo taari ikhda gasha. Geesinimadu ma aha
wax is daba marin iyo hanjabaad, taasi waa fulaynimada
calaamaadkeeda.
Maalintii la sugayey in komishanku soo saaro tirada Serverku uu
oggolyahay ayaa dib loo dhigay. Tallaabadii danbena waxa ay noqotay
dalkaba waa laga saaray mas'uulkii hawshaa qaabilsanaa. Haddiiba
hay'addaasi wax isdaba marisay miyaanay habboonayn oo aanay ahayn
sida ugu saxan in dhamm aan mucaarad iyo muxaafadba ay
arrinkaa ka wada doodaan isla eegaan, oo xataa golayaasha la
ogaysiiyo. Haa, sidaasaa qummanayd. Maxaa sidan kale loo yeelay, waa
qasid iyo jahawareerin dadka lagu ridayo.
Uma baahna maanta hadalbadan ee bal dadka iyo garaadkooda ha la
tijaa biyo. Naxariista hoggaamiyayaasheena aan eegno. Waxa kale oo
aynu kala ogaan doonnaa in dalku leeyahay Baarlamaan xor ah iyo in
uu jiro Baarlamaan magac u yaal ah.
Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden |
|