Somaliland kursigeeda sida loo koraa waa sibiq, sida looga degaase waa Silan !

 Yaase ka masul ah arintaasi ?

 

Waa la kordhinayaa iyo maya ee la kordhin maayo mudada xilka ay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisu hayaan, ayaa hadana gunaad iyo dhulux cusub oo kaar badan inagu haya ah, waa xumada iyo laxawga garaaciisu hada ina saaqsan yahay, ee aan carcartooda ka seexan la' nahay, hadaadse si kale wax u eegto waxad arkaysaa,inay sidani caado u noqotay qarankan yaree curdinka ah, oo wacad, axdi iyo balan la galaa aanay intaba ka shaqayn Somaliland, bal dib u raac sooyaalka iyo taariikhda dalkan Hooyo ee Somaliland, een aduunyada ku garamayno way jirtaa iyo ma jirto, waar bal meeshan eega cagtaba loo dhigi la' yahay ee la diidan yahay inay yara xasisho iyo, in sharciga iyo xeerasha la samaystay tamariyaan oo shaqeeyaan, yaab!, Si aad iila garato sheekadayda bal dib u eeg intii ay jirtay Somaliland oo ah 18 gu', iyo sida kolba tururntuo iyo suuldaaro loogu qonafayo, ay ku tukhaantukhooto oo dee malaha Allah ha sahlo e laba doonayo inay dhulka jag ku tidhaa ooy kala firidhoba.

- Ugu horayn, 18-kii bishii shanaad ee 1991-kii ( Burco) ayaa ay ahayd markii beelaha ku nool Somaliland oo dhami isla qaateen inay dib ula soo noqdaan jiritaankii qaranimadoodii Somaliland ee ay lixdankii ( 1960 kii ) ka qaateen Ingiriiska, gudoon iyo qabuul iyo beerkeena burcad la isku mari ayaa lagu bilaysimay, waa hagaag e, yaa hadaba loo dhiibaa maamulka ayaa la is waydiiyay? waxa la isla gartay in SNM lagu baxnaaniyo doorkan oo ay dalka hogaamiso laba gu' yood oo soo naqan doona, waa 1991-1993-kii, markaana ku wareejiso talada dalka Shacabka, waa qaadanay ayaa la isla gartay iyo gudoon, dhexdaanay u xidhatay SNM, inay oofiso balantii, habase yeeshee hada ku noqon mayno waxii dhacaye sidii shanqadhyarida ahayd ee ay ku koreen kursiga oo kale ugama degin SNM nimankii magaceeda ku qabtay talada!.

- Markii labaad hadana, 1993-kii ( Boorama) waa kuwii waxgaradka iyo duqaytida dadka reer Somaliland oo dhami isla qaateen in isbedel dalku u baahan yahay, ee xilkii madaxweynenimo Allah ha u naxariisto labadaba-e, C/raxmaan Maxamad Cali iyo Maxamad X. Ibraahim Cigaal, loo kala wareejiyay, taasi ka dibna tiiyoo dhawr jeer la kordhiyay xiligii maamulkii Cigaal uu garta iyo dawga u lahaa, oo dadka qaar saluugsan yahay sida ay wax u socdaan, oo ay ku eedaynayaan golayaasha, cadaalad daro iyo xil-gudasho la i, iyo weliba inay u dabran yahiin madaxtooyada oo qas badan iyo qaylo door ahi taagan tahay ayuu Hoyday oo uu geeriyooday Marxuum Maxamad X. Ibraahim Cigaal-na Allah ha u naxariisto-e .

- Markii sedexaad, 2002-dii ( Hargaysa) geeridii madaxweyne Cigaal ( Ahun) ka dib, ayaa si ku meel gaadh ah loogu sii dhiibay talada dalka madaxweyne ku xigeenkii xiligaa oo ahaa Daahir Riyaale, isla hal gu' ka dibna waxa la qabtay doorashooyin, uu hadana siday doontoba ha noqotee uu ku soo baxay mudane Daahir Riyaale Kaahin, xiligii u suntanaa isna xilka hayntiisa ee loo xariiqay oo ahayd shana sano, waa la soo dhaafay oo waxay ahayd 2008-dii, waxa loogu daray hadana, hal gu' oo kale sababtii kasta ee doontaaba ha keentee, kiina waa la isla soo dhaafay oo hadana waxan maqlaynaa 6-bilood oo hor leh ayaa loogu qaraf siiyay shalay, oo ay taariikhdu ahayd 28-kii bishii sedexaad ee 2009-ka ! waxa ka danbeeya 6-daa biloodna Allah ayaa og sida ay noqonayso.

- Markaad hadaba sidaa u yara hoomaydo eed u eegto, sida ay 3-da madaxweyne ee reer Somaliland soo maray/ yeesheen ku koreen kursiga, maanay cadayn inay marka hore si sibiq ah madasha ku yimaadaan siyaasiyiintaasi, marka danbese tagistoodu adkaato ! yaase ugu wacan baad u malaynaysaa taasi? waa dadka shacabka ah oon weli si dhab ah u garan ama u dareemin qaran-nimadu waxay tahay, ee nin jeclaysiga Qabiilka iyo Beelaysigu ku salaysani kala wayn tahay taas, waana bartaa halka ay ka wareeman tahay Maandeeq ee hedeeda iyo wadkeedaba noqonaysaa hadaan laga waantoobin.

- Gabagaboda, waxan odhan lahaa, malaha hadal lama daayee, yaa damaanad qaadaya in lix bilood ka dib doorasho aan qabyo lahayni dhacayso? jawaabtu waa cidna, Nin baa laga hayaa '' walee beerta aan biqilkeeda arkayaanan bohol ka buuxin ", ma doorashada gudideeda iyo dawladeedu ay kuwaan ogahay yahiin baa habsami ku dhamaan? ha u fadhiyin !, Allah ha sahlo, dadka reer Somaliland-na iyagaa ku wax la',waa ( Karis xun iyana ku wax la'), kuwaasaaban lahayn iska wax u qabso iyo tabaruc maxay dalka ugu dhisan waayeen?.



Somaliland ha Jirto oo ha Joogto.
 

 

 

 

Cali Cumar Xasan