Somaliland Iyo Shirkadda Genel Energy Oo Mar kale Kulan ku Yeeshay
London
London (TNN):- Weftigii
Wasiirradda Somaliland ee dalka Ingiriiska socdaalka shaqo ku jooga y
ayaa la sheegay in ay magaalladda London kulan kula yeesheen
masuuliyiinta shirkaddii ha wlaha sahaminta dhinaca shiidaalka ka
waday goboladda bari ee GENEL ENERGY, isla markaan a ay si fiican
iskula af-garteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Sida uu noo xaqiijiyay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain
Ambassador Cali Aadam Ca waale oo xalay khadka telefoonka ugu waramay
wargeyska DAWAN, isaga oo joogay magaa lladda London, waxaanu sheegay
safiirku in kulankaasi dhex maray wasiiradda ka socday Somaliladn
iyo masuuliyiinta shirkadda Genel energy uu ahaa mid midho dhal ah.
Ambassador Cali Aadam Cawaale, waxa uu sheegay in weftiga wasiiradda
ahaa ee ka socda y Somaliland iyo madaxda Genel ay si buuxda iskula
qaateen in la sameeyo ciidamo ay Soma liland leedahaya oo ilaaliya
amaanka shaqaalaha shirkadda Genel Energy, si ay hawlaha sah aminta
ah ee ay gobolladda bari ee Somaliland ay ka waday dib ugu bilawdo.
Waxaanu safiirku intaasi raaciyay in kulankaasi oo muddo saacado ah
qaatay, waxyaabo aad u mihiim ahna ay labada dhinac kaga wada
hadleen arrimo muhiim oo la xidhiidha sidii ay mar kale shirkadda
Genel Energy dalka dib ugu soo laaban lahayd, isla markaana ay
shaqada u bilaabi lahayd. Taasi oo uu sheegay in si buuxda la iskula
qaatay.Kulankaasi dhex maray masuuliyiinta shirkadda Genel iyo
weftiga Somaliland ayaa Ambassador Cali waxa uu ku tilmaamay in uu
ahaa mid guul ah, isla markaana faa’iido aad u wayn u leh
Somaliland.
Kulankaasi ayaa waxaa dhinaca Somaliland ka socday oo u metelayay
wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibada iyo
xidhiidhka caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka arrimaha
guddaha Cali Maxamed Waran Cadde iyo wasiirka Macdanta iyo Tamarta
Xuseen Cali Ducaale, iyada oo uu kulankaasi wasiiraddu ay la
yeesheen masuuliyiinta shirkad da Genel Energy uu ku wehelinayay
safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain Ambassador Cali Aadam
Cawaale.
Weftiga wasiiradda ahaa ee ka socday Somaliland ayaa u jeedada ay
dalka Ingiriiska u tege en ay ahayd sidii ay wada hadal ula yeelan
lahaayeen masuuliyiinta sare ee shirkadda Genel Energy, oo muddo
hawlo dhinaca sahaminta shiidaalka ah ka waday gobolladda bari ee
dal ka, bal se dhawaan sheegtay in ay dalka ka baxday, iyada oo
arrinta ugu muhiimsanaydna ay ahayd sidii loo samayn lahaa ciidamo
ay Somaliland leedahay oo ilaaliya amaanka shaqaa laha shirkadaasi
taasi oo kulankaasina si wayn loogaga hadlay la iskulana af-gartay.
Waxa kale oo uu sheegay Ambassador Cali Aadam Cawaale in isaga iyo
wasiirka arrimaha guddaha Cali Waran cadde oo hada ku sugan London
ay maalmaha soo socda kulamo kale la yeelan doonaan masuuliyiinta
shirkadda Genel Energy, si loo sii dhamaytiro waxyaabaha ka dhinaa
ama aan si buuxda loogaga wada hadal kulankaasi.
Dhinaca kale safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain Ambassador
Cali Aadam Cawaale waxa uu sheegay in muddadii ay weftiga wasiiradda
ahaa joogeen magaalladda London in ay kulamo la yeesheen xubno ka
tirsan baarlamaanka dawladda Ingiriiska, ganacsato iyo dad kale oo
maal qabeeno ah, kuwaasi oo danaynaya in ay Somaliland maal
gashadaan.
XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN
|