Somaliland Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Sidii Jid Isku Xidha Labada
Dal Loo Hirgelin Lahaa Iyo Nuxurka Kulanadii Dhex Maray Waftigii Uu
Hogaaminayay W/Maaliyadu

Hargeysa, July 20, 2011 (TNN)-Waftigii uu hogaaminayay wasiirka
maaliyada Somaliland Maxamed Xa ashi Cilmi ee maalintii doraad
socdaalka ugu kicitimay Dalka Jabuuti ayaa masuuliyiinta rugta
ganacsi ga iyo Wasiirka Maaliyada Jabuuti Idiris Muuse Dawaale kulan
ay shalay kula yeesheen magaalada Ja buuti kaga wada hadlay sidii
loo samayn lahaa Jid cusub oo isku xidha labada wadan Somaliland iyo
D jibouti iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha ganacsiga ee labada
dal.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed,
oo ka mid ah waftiga Xukuum ada ee Jabuuti socdaalka ku jooga, oo
kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta rugta ganacsiga Jabuuti
Idaacada laanta af Somaliaga ee VOA uga waramay waxyaalihii ay ka
wada hadleenay, ayaa isaga oo ka hadlaya arrinmahaasi, waxa uu yidhi
“Marti qaad baanu ka helay wasiirka maaliyada ee Jabuuti, ta as oo
aanu kaga hadlaynay danaha labada dal, dhaqaalaha, ganacsiga iyo
isgaadhsiinta, waxaanu ka wada hadlaynay sidii loo xoojin lahaa
ganacsiga labada wadan, wixii caqabado ah ee hortaagan ganac siga
labada dal sidii loo qaadi lahaa, meeshana looga saari lahaa loona
dhiirigalin lahaa iyo sidii ay isku dhaafi lahaayeen, loona abuuri
lahaa xidhiidh qoto dheer oo ganacsi oo labada dal ka dhexeeya,
labad a rugood ee ganacsina ay si toosa u wada shaqayn lahaayeen”
Wasiirka ganacsigu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku
daray “Waxa kale oo aanu isla soo qaadnay dariiqii isku xidhi lahaa
Somaliland iyo Jabuuti sidii loo dardar galin lahaa, barnaamijkaas
oo mar ay xilligii dawladii Somalia ee burburtay ay jirtay EU-du
inay maal galiso ay ahayd, ka dibna dagaa ladii sokeeye ay hakiyeen
sidii loo dardar galin lahaa jidkaasi ayaa ka mid ah” .
Source:Haatuf
|