Somaliland iyo Ingiriiska oo Addis Ababa ku leh kulan ku sahabsan digniintii Dawladda Britain


 

 


Kulankaas oo la filayo inuu maanta u bilaabmo labada dhinac, waxa dhinaca Somaliland uga qayb.........

Hargeysa (TNN) - Dawladda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska ayaa magaalada Addis Ababa ku leh kulan hawleed ay kaga xaajoonayaan digniintii ay dawladda Ingiriisku ka soo saartay dhawa an ammaanka Somaliland.

Kulankaas oo la filayo inuu  u bilaabmo labada dhinac, waxa dhinaca Somaliland uga qayb gala ya Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Taliyaha Sirdoonka Md. Jaa mac Maxamed Bootaan, oo shalay ka ambo-baxay magaalada Hargeysa, halka ay dawladda Ing iriiskana uga qayb geli doonaan safiirkooda u fadhiya magaalada Addis Ababa iyo saraakiil kale oo ka iman doonta magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Waxa la filayaa inay kulankaas dawladda Somaliland ku weydiisato dawladda Ingiriiska faahfaah in la xidhiidha digniinta amni ee ay bixisay oo ay xukuumadda Somaliland sheegtay inaanay wax ba ka jirin. Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Kenya oo qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Da njire Matt Baugh, ayaa hore u sheegay inuu ka mid yahay masuuliyiinta bixiyay digniinta, wax ase uu sheegay inay wada hadal la leeyihiin Somaliland.


Si kastaba ha ahaate, waxa la filayaa inay labada dhinac kulankooda xal kaga gaadhaan aragti yahooda kala duwan ee la xidhiidha digniinta Ingiriiska.
 

 



Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland