Somaliland in la aqoonsanayo ha u fadhiyina inta arinkeeda iyo adinkeeduba hooseeyaan !

 

Horta in garaadka Allah inagu manaystay la gabaaneeyo, ama gudhis aan dhiiqayn laga yeelaa garashadiisa waa gaabisnimo, in dhabta iyo waxa dhaayahaagu ku dhacayaan la is dhaafiyaana waa dhalaanimo, in dhegta daloolkeeda laga furaystaa runta duryankeeda waa doqoniimo-e, bal is waydiiyoo maxaa lagaa helayaa reer Somalilandoow ee lagugu aqoonsadaa, eed ku soo kordhinaysaa bahda ( aduunwaynaha) xeerasha, xooga iyo xoolahaba is dhaafsanaysa, ee xaalkeedu yahay '' adhi-jir ma kala abaalwaydo '' ?.

Bal is waydii su' aashaa dusha oo macanheedu yahay, aduunku waa shuraakee, adigu maxaad ku galaysaa shirkadaa??. Intaanan wax kale sii galin aan heerkaad Somalilandeey taagan tahay ku xasuusiyee, imika maxay doorashada oon ahayn wax iska daa dawladiye Beeli ku mashquulo, u xaniban tahay? waa talo iyo tamar daro.

Kuye, Hay' adihii ayaa lacagtii aan soo gudbin ! iyo Serferka ( kumbiyuutarkii) ayaan weli kala shaandhayn ! waa sida uu yidhi, gudoomiyaha gudida doora shooyinka. Hadaba markaa bal maskaxdaada la kaashoo, may is gali karaan, Qaran baan ahay ugu garnaqsanaya caalamka inay ii ogolaadaan inaan ka mid noqdo iyo Hay' ad yaroo oo qalaad oo waxoogaa loo soo qarafeeyo, oo dad shaqaala ahi u soo baaheeyaan ayaan wax kasta ka sugayaa !! Xaasha !.

Ninbaa makhaayad aad loogu qayilayo oo xiimaysa soo galay isaga oo cagaha dhoobo ku leh oo meel roob ku da' ayna soo maray, goobtu waa Boodhlay  (gobolka Gabiiley, Somaliland ), markuu kan badhuudhsaday uun ayaa nin ay aad isku yaqaanaan ku yidhi, waar hebel waadigan dhiiqada lehe, ma xagii beerahaad ka timid ?, ninkii dhoobada lahaa ayaa haa, ugu jawaabay, kii qayilayay ayaa su' aal kale hadana la tiigsaday oo yidhi beertaydii daadkii ma galay? ninkii dhoobada lahaa ayaa yidhi, adoo daad ahi ma gali lahayd !!!

Dadkiibaa qosal is wadhay, sababta uu sidaa loogu qoslay waxay ahayd, waxa aad loo yaqaan ninkan beertiisa daadka la raba oo ma tabcade ahaa, oo beerta uu warsanayaan ah,mid aan lahayn moosas-ba, la dalgin-ba, xoolaha laga celin-ba, si fiican xataa u shinaysnayn-ba, oo hadii beri uun uu daad galay qudheeda ay wax kuma taal tahay-ba.

Xaalka Somaliland maanu sidaa ahayn hadaba, hadaad Caalamka aqoonsiga bixiya tahay-se, adba Soomaaliland oo sidan iyo jaadkan hada ay tahay aan wax laga badalin ma siin lahayd aqoonsi?.

Gabogabo- Adinka iyo arinka hooseeya midna malaha milgo, dal qaran isku sheegaya oo Hay ' ad shisheeye taladiisa qayb ku leedahayna madaxbanaani ma sheegan karo !.



F.G- Anigu nin xamaysan oo xunbada xisbi-na labada dhan uga daadiya ma ihi, waxan ahay muwaadin daneeya keliya, Somaliland leh dal iyo dad jira.

 


Somaliland ha jirto oo ha joogto !

 

 

 

Qoraagii Weynaa: Cali Cumar xasan

 

 

.