Somaliland ha bedesho qaabka ay uga jawaa ba y so daandaansiga Maamulada magaca u yaalka ah ee Somali-italyaano


Hadii aanan seeganayn inta ay jirtay Somaliland oo ah 18 gu, waxa soo maray soomaalida uu Talyaanigu gumaysan jiray ( Somali-italyaano ) ee aynu kala baxnay, in ka badan 7 qof oo midba si uu ku yimidba sheegta inuu yahay  mada x weyne, kuwaaso dhamaantood ka sinaa laba shay oo kala ah,-

1- Inay intaanay anqaranba marka kursiga loo magacaabo ku hadaaqaan eray aad moodo inay Bisinka Ilaahayba ka horaysiiyaan oo ah in midnimada Soomaaliya Muqadas tahay !.

2- In Soomaali meel u fayoobi aanay jirin oo dhibtu ay wada gaadhay !.

Labada weedhood oo ah laba si badheedh ah loogu weeraryo dadka reer Somaliland. Hadaba waxa is waydiin leh talaabadee ayaa ay ka qaadaa ee ay kaga jawaabtaa Dawlada Somaliland oo ah ta masuulka ka ah ilaalinta karaamada dalka iyo dadka ay xilka u sido, daandaansigaa iyo gardarada had iyo jeer kaga soo burqanaysa dhanka Soomaali-italyaano?.

Dawlada Somaliland waxay deelqaafkaa loo gaysanayo qaranimadeeda kaga jawaabtaa si hufan oo mudo-karnimo iyo bisayl siyaasadeed ka muuqdo! Waxay iyada oo adeegsanaysa dhawaaqyo aan dhiifaysnayn ay isku daydaa inay u caqli celiso walaalaheeda hadalku bariiqdada iyo bayrada had iyo jeer ka leeyahay. Waxase aad moodaa in taasi ay hal bacaad lagu lisay tahay oonay waxba ka bedelayn dhaqanka iyo caadada ay laasimeen dadka magaca dawlada Somali-italyaano sheegtaa, kuwaasoo kolba ka u danbeeyaa la soo fidhiqleeyo labada eray een dusha ku sheegay.

Bal Shariifkii oo ugu danbeeyay ( waraysigii BBC-da dhawaan ) halkuu ka fad kudiyay daya! Kuye, Waxan doonayaa inaan hoosta ka XARIIQO in tabashada reer Somaliland sheeganayaan aanay iyaga gooni u ahayn ee Soomaalidu wada qabto, oonay jirin cid aan dhibaato soo gaadhini!

Hadaba mar hadaanay wanaaga iyo samaha loogu jawaabayaa qoladan Somali-italyaano waxba kaga duxayn oonay iimaansanaynba, malaha waxa la gaadhay xiligii erayo munaasib ku ah hab dhaqankooda fooshaxun leh la adeegsan lahaa, ee loogu jawaabi lahaa sida ay afgaranayaan oo ah inaan la xurmayn, tixgalina haba yaraatee la siin hadaladeeda ee la yidhaa, waar '' afka-laydha ka qarsada ''.

Waxay ila tahay hada waxa ka danbeeya waa inay xulato Somaliland oo ay la timaado qaab cusub oo ugub ah, oo qalafsan oo ay ugu jawaabayso dadka magaca madhan ee Somali-italyaano Samsonita ( shandadaha ) ku sita.

F.G. Nin aan isba adiga ku qadarinayn, diid adna inad isaga qiimayso.


Somaliland ha jirto oo ha Joogto.
 

 


Cali Cumar Xasan