Somaliland Digtoonow

 


Shicib iyo Dawladba waxaynu ku jeednaa hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo socoda ee ka dhici doona dalka.
Arrinmahaasi, waxay cadowga Somaliland u arki karaan inay fursad u noqoto, si ay fushadaan falalkii waxash-nimada ahaa
ee ay ka fulin jireen.


Waxaynu nahay dad si fudud u ilowba dhibaatooyinka soo gadha. marka laga soo bilaabo 1960kii ilaa iyo maanta, weli sidii
ayaa dhibaato cadowgu inoola daba socodaa, si ay u dumiyaan Nabadgelyada iyoQarrankba.


Wadan sidiisaba waxaa ilaaliya nabadgelyadiisa shiciba oo gacan siinaya dawlada,sidaas darteed,waa inaynaan ku haleyn
ciidamada nabadgelyada oo keliya, weliba waain fiiro gaar ah loo yeesho cadawga gudaha iyo dibedaba.


Sadexdii xisbi qaran waxay si weyn ugu mashquulsanyihiin sidii mid weliba taageerayaal u soo jiidin lahaa, xilgana wax kale
indhahood qaban maayaan, dadweynuhu war- warkaasi ma qabo maanta oo qofweliba halkii uu cod siin lahaa wuu og-yahay.
waxaa haboon in shicibku aaney ku milmin siyaasada, balse fiiro gaar ah u yeeshan ka hortaga cadawga iyo ilaalinta nabada.

 



waxaan ku soo gabagabeynaa alla ha ina ilaaliyo.
 

 

 

Maxamed  Yuusuf  Buux