Somaliland Bi’iska: Waxaad Tahay ku Inagu Dheeraad ah oo Buka oo aan Sinaba u Dawoobayn

Doraato tii ka horeysay, adigaa, qabyaalada sumeysan, munaafaqada, xinka, xasadka, iyo fidnada dhigay oo ka soo horjeestay halgamayaasheeni, geesiyadeeni, iyo halyeyadeenii dhaliyey xormadii aanu sida maangaabnimada ah isaga luminay sannadkii 1960 soona celiyey madaxbanaanidii ummadeena iyo dalkeena hooyo ee Somaliland ee aanu maanta haysano faan weyna inoo ah iyo calankan barakeysan ee aan abidkii tegeyn ee hoodada iyo quruxda badan leh ee Towxiidka Eebe ku xardhan yahay ee inaga dul babanaya kaasoo babashadiisa joogtada ahi, ay leedahay neecaw qaboow oo naxariis leh oo guul iyo gobanimo ku dheehan tahay.

Doraatona, adigaa, dib u socodnimadaada awgeed inagu keenay, in aan SNM iyo Mujaahidiinteeni sidaa looga hadhin ee gebi ahaanba iyaga iyo qoysaskooda iyo agoomahoodaba la cunaqabateeya lana silciyaa afxumo iyo kibirna loogu daraa gebi ahaana saaxada siyaasadana laga saaro oo weliba taariikhdooda qalbiga iyo baalka dahabka inoogu qorana la dhooqeeyo laguna bedelo kuwo aan u soo halgamin ummadan iyo dalkan oo inoo soo shaqo tegay wax lexejeclona ka qabin ummadan iyo dalkan oo qaarkood weligood qiiq isku qarinayey qaarna, ay ahaayeen nacab cadeystay oo dhagarqabeyaal ah oo la wada garanayo dhagaraha iyo godobta, ay ummada iyo dalka ka galeen kuwaasoo shisheeye iyo cadow kasta oo aanu caalamka ku leenahay inoo soo raacay kana haysta kalsooni balaadhan hoostaasna uga hawlgala soo celintii guumeysigii madoobaa ee ayka midka ahaayeen ilaa iyo burburkii qaran jabkoodii ee aanu sida xaragada leh uuga adkaanay iyo hirgelinta riyadii iyo mabaadiidii Somaliweyn ee cadaaweed ee waa hore uu gabalkeedii dhacay adigoo weliba si cad ugu dabadhilif ah kuna garab taagan dib u socodnimo iyo xume kasta oo ay inoo maleegaan ee ay ku talax tageen sida maamul xumada, kelitalisnimada, garmaqaatenimada, macangegnimada, qayral mas’uulnimada, baadilka, cadaalad darada, xadhiga sharci darada ah, xasuuqa dhaliyaradeena dulmiga ka gadooda, musuqa baahay ee dhinac walba saameeyey, boobka hantida ummada iyo qaranka, boobka khayraad dabiiciga ee bad iyo beriba lehi, soo oodida dhamaan ilaheeni dhaqaalaha, minjo xaabinta Danta Guud, khiyaamo Qaran, iyo Qaran Dumisnimo.

Waxa kale oo aad si cad ugu garab taagneyd uuguna adeegaysay fulinta shirqolada ee ay geed gaaban iyo geed dheerba u fuuleen ee hadh iyo habeen loo maleegayo minjoxaabinta nabadgelyada iyo xasiloonida guud, kala dhantaalida midnimada ummada iyo degaanadooda, maleegida been abuurka, xaalad abuurka, hurinta qabyaalada sumeysan ee goboleysiga ku saleysan, colaad hurinta qayaxan, bahdilaada hab dowliga, ragaadinta dimoqraadiyada, carqaladeynta doorashooyinka, ku tumashada Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, curyaaminta horumarka guud, rajo xumeynta aayaha iyo mustaqbalka, waxyeeleynta yuhuunta muwadiniinta, iyo raad gurida hawlaha loogu jiro helintaanka ictiraaf caalami ah, iyo isku dayga burburinta qadyada iyo jiritaanka Somaliland.

Shalayna, adigaa, hab qabyaaladeed iyo hab dib u socodnimo ahba isa soo baraxay kana soo horjeeday, in shaagu inoo rogmado oo aanu hore u socono oo aanu dhameystirno geedi socodkeeni dimoqraadiyeed oo dhameystirno doorashooyinkii ummada dhami iyo caalamkuba, ay indhaha ku wada hayeen ee aanu wax ku noqon lahayn ee la inaguna aqoonsan lahaa, haddii xiligii loogu talo galay oo dalka oo dhami ah ay si nabadgelyo iyo xarago leh inoogu qabsoomi lahaayeen adigoo weliba ku marmarsoonaya, inaadan geli doonin doorasho ama aad qaadaci doontid doorashada, haddii ay dhici weydo Diwaagelinta Codbiyeyaasha sababayna in doorashadii dhamayd dhowr jeer dib loo dhigo oo maamul xiligii loo igmaday uu ka dhacay mudo kordhin qayral dastuuri, sharci daro, iyo xaaraan ahba loogu daro kuna garab istaagto kaasoo si walba oo cadaawad lehi inoogu sii dul rafanaya oo xitaa neefkii adhiga ahaana inagu haysta oo maantan, kibir inta uu ka gaadhay indhaheena oo shan ah uu dalal iyo shariikado ajinebi ah, heshiisyo qarsoodi ah la soo galay si ay inoogu xad gudbaan kuna daadiyaan badaheena sunta iyo hadhaaga “nuclear-ka” oo ay xitaa sumeeyaan”:

Xabaashi iyo Degaankii MAYDH ee Awoowayaasheen Sheikh Isxaaq (Allaha ha u naxariistee) iyo Sheikh Ciisa (Allah ha u naxariistee) ee sida nabada, sharafta, iyo karaamada lehiba halkaa uugu aasnaa qarniyo dhan. Subxaanallaah!

Kumaakunka Kaluun ah iyo guud ahaan xayawaaka kale ee ku nool badaheena ee la sumeeyey ee sidaas lagu wada xasuuqay lana dhabar goyn rabo ee wiigan iyagoo wada mayd ah ku soo caariyey degaanada Maydh ilaa Laas Qorey, waa dembi kabaa’ir ah, dhagar baaxad weyn, godob ma hadho ah oo laga galay xayawaankii Illaahay, khayraadkii ummada iyo dalka, Beelaha ku abtirsata Sheikh Isxaaq iyo Sheikh Ciisa, muwaadiniinta iyo degaanada Maydh iyo Laas Qorey, iyo guud ahaan shacbiga iyo dalka Somaliland taasoo wax ka qabasho deg deg ah u baahan cidii ka mas’uulka ahaydna la soo taago maxkamad qaran iyo mid caalami ahba—waana taa halka ay isugu soo biyo shubatay falalka cadaaweed ee nacabka iyo cadowga kugu qaraabanaya ee aad sida lunsan dabadhilifka u tahay ee aad u nacamleynayso ee aad ku sii garab taagan tahay dhagaraha iyo godobaha, ay bad, beri, cir, iyo guud ahaan ummada iyo dalkeena hooyo ka gelayaan ee khatarteeda lehi.

Maantana, iyadoo la wada arko heerka cadaaweed ee la isla gaadhay maadaama xitaa labadeeni Shiikh ee Karaameysnaa la qadarin waayey dembina laga galay si kibir ku jirtona loo sumeeyey xabaashoodii iyo degaanada ku xeeraan oo kuwa ku abtirsadana aan wax la isaga tirineyn maadama gudinta geedka lagu goynayo, aad badhkeed tahay, ayaa misna isla adigii, ayaa hadana si bilaa xishood iyo bilaa akhlaakh ahba oo laga yaxyaxo u horsed ah xume kale oo hor leh afkana gacanta saaray oo hayaay iyo qaylo dhaan beeleed iyo tu degaaneed iyo gobaleysi ahba afarta jaaho u kala diraya kana cabanaya isla Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee aad ku adkeysatay, in qabasho la’aanteeda, inaadan sinaba uga qayb geli doonin doorashooyin xor ah oo xalaala ah oo dalka ka wada dhaca adigoo is moodsiiyey inaad cid ama beel ama degaan gaar ah baad ku jiqsiinaysa oo guulahooda iyo soo bixitaankooda siyaasadeed iyo ku guuleysigooda xukunka dalka, ayaad iska hortaagi kartaa iyadoo sidii macangegnimada ahayd ee kuu caadaada ahayd ee maangaabnimadu, dib u socodnimadu, dulinimadu, iyo gunnimadu ku jirtay ee aad horey u dooratay laguu yeelay maadama aadan cidna ka adkeyne ee xiligaas la xeerinayey nabadgelyada iyo xasiloonida guud, danta guud, lexejeclada ummada iyo dalka laga qabo, iyo qadyada iyo jiritaanka Somaliland.

Dhinaca kele, waxa kaa cabaadinaya kaana oohinaya ee qaylo dhaanta kugu kelifay, waa la wada garanaya oo wey iska cadahay, inay baroortu orgiga ka weyn tahay ka dib markii, ay kuu cadaatay, inaad xumahaagii waxba ku qaadi weyday oo aad weligaaba cidla jafeysay kuna asqowday ummad iyo dal uu Eebe ilaashanayo oo aad si cad u fashilantay oo aad if iyo aakhiroba ka joogto tacab qasaar maadama shirqooladii mugdiga ahaa iyo hagardaamooyinkii cadaaweed ee aad hab qabiil, hab degaan, iyo hab goboleysi ahba aad uugu gabanaysey ee aad sida foosha xun ee gunnimadu ku jirto aad inoogu fulinaysay xumahaasoo aad si aan gabasho lahayn aad uga wakiilka ahayd nacabka sokeeye iyo midka shisheeyeba ee gabalkoodu dhacay ee maanka iyo maskaxda kaa haysta.

Waxa kale oo aad la ooyeysa ka dib, markii, ay kuu muuqatay, in dhamaan falalkii nacabeed oo dhami ee aad ummada iyo dalka ku haysay loo wada dhabar adeegay samirkana lagu dilay oo si degan loo wada xidido siibay taasoo kugu keentay murugo weyn, cabsi baaxad weyn, iyo qaylo dhaan nasaqan oo hayaay iyo tolla’ayeey ah oo uu Ibleys dabada ka hagayo oo aan loo fadhiyin adigoo si iimaanlaaweni ah ku doodaya dhadhamo yar oo lagaa qadiyey ama sami yar oo lagaa qadiyey gobol ahaan, degmo ahaan, iyo beel ahaanba ama kharashaad iyo gaadiid yar oo laguu hawlgelin waayey oo la xidhiidha hawlaha diwaangelinta ee socda maadama aadan qiil kale haysan ka dib, markii, ay kuu cadaatay, inay hawlaha qaran ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha, ay fashilin doonto beentii aad weligaa ku andacoon jirtay ee la midka ahayd “Intii madax madow iyo Majeerteen baa is le’eg” oo hada la kala ogaan doono tirakoobka inta qaan gaadhka ee Gobol walba, Degmo walba, iyo Tuulo walba ka diiwangashan lana rajeynayo inay ka footeeyaan mustaqbalka dhow la tixraaci doono marka la qondeenayo miisaaniyada, mashaariicda, iyo guud ahaan qorsheynta dalka. Hadaba, adigaa doorashooyinka carqaladeeyey oo diiday, in shacbigu uu sidii hore ee jacburka ahayd ay u footeeyaan ee ma Gudiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dulmaya kuna fashilinaya kuguna khatarta ah?—fuloow, guuli kuu dhoweyda!

Intaa waxa ii dheer, inaad ogaatay inaadan haysan awood sokeeye iyo mid shisheeyeba oo aad ku joojin karto webigan wadaniga ah ee xawliga ku socda ee qulqulaya ee isbedel doonka ah ee dimoqraadiyadeed ee qaar ismoodsiiyey, inay ISBAARO u dhigan karaan burburna ku keeni karaan iyagoo adeegsanaya hab qabiil iyo hab goboleysi ahba haatana haatana isku qarin raba ku biiritaanka Xisbiga UCID si ay Riyaale, UDUB, iyo nacabkii ay sida qarsoodiga ahayd uugaga sii ololeeyaan kuwaasoo hungo weyn ka taagan riyadoodii mugdiga ahayd oo guul daro baaxad weyni, fashilaad, khaaatumo xumo, iyo burburka ku yimid mustaqbalkoodii siyaasadeed, ay ka raacday ee kaaga darane, ay iyagu iskood lugta isaga toogteen ee Eebena calaamad gaar ah ka muujiyey taasoo ku keeni doonta, inaaney cid dambe aamini doonin lana iska wada ilaalin doono aakhirkiina la takoori doono, hadii aaney, intay goori goor tahay, ka soo noqon waayaan xumaha, ay sii dhex dabaalanayaan ee ay ku talax tageen una hogaansami waayaan duufaankaas wadaniyeed ee xoogan ee aaney cidina hor istaagi karin ee uu Xisbiga KULMIYE, Mas’uuliintiisa, iyo Taageerayaashisu gude iyo debedba, ay horseedka ka yihiin ee mustaqbalka dhow barwaaqada, baraaraha, iyo horumarka inagu maasheyn doona ama inoo horseedi doona ee lagu wada caano maali doono—waana waxa maanta kugu kelifay qaylo dhaantan raqiiska ah ee aadan waxba ku qaadi doonin.

Run ahaantii, waxaanad taahay ku nagu dheeraad ah oo buka oo aan sinnaba u dawoobayn oo aaney u muuqan wadaninimo, aayo ka tashi, halka aanu hiigsaneyno, wanaag kasta, is qadarin, wada dhalasho, xidid iyo xigaalnimo, ood wadaagnimo, wadanoolaansho, wada tashi, isu tanaasul, wax wada qabsi, wax wada cun, ku noolaasho nolol wanaagsan oo sharaf leh oo wanaaga iyo gobanimadana ku diiqadooda waxna aan ku fiicnayn ee ay danta guud uun isu kaaya keentay ama iskaaya baday lana mid ah saxaaro walwaalkii qadhmuunaa ee ku bakhtiyi jiray marka cadar lagu shubo ee la is yidhaahdo udgooneeya kaaga darane, maanta, waa lagu wada fahmay oo ma haysatid qiil dambe iyo meel aad ciirsato iyo cid aad miciinsato toona, waana lagula xisaabtami doona lagaana goyn doonaa hagardaamooyinkii aad hore iyo hadaba aad ummada iyo dalka u geysatay.

Hadaba, adigoo xaalkaagu kaa yahay, ayaad weliba qabyaalad madhan iyo goboleysi aan waxba kuu tareyn aad wadaa oo aad shalay idaacada qaranka ee Radio Hargeisa iyo TV-ga Qaranka ee lagu bixiyo cashuurta ummada laga soo guro aad habeen walba ka caytamaysay kana hanjabaysey oo aad si ku celcelis ah ka dhex lahayd, Habar Jeclo ha ka baxdo magaalada Hargeisa ee ah casimadii dalka JSL ee loo wada siman yahay; markii dambena aad lahayd, Habar Jeclo iyo Reer Bari ha ka baxeen Hargeisa oo aaney cidina kuu juuqin ismana aydun qaban haba yaraate ileyn, ceebtiina ma’ahe ee waa caadadiina’e.

Bal, adigoo kulaalaya nimcadaa Eebe suurtageliyey ee uu isugu keenay muwaadiniintii Somaliland oo dhan iyo kuwo ajinebi ahba tan iyo xukunkii Ingiriiska ee la wada degay lana wada maal gashaday lana wada horumariyey casimadaas, ayaad haahilnimo awgeed aad istidhi, dadka waad ka xariifsan tahay uuguna ilbaxsan tahay kana maalqabeysan tahay oo nimcadaas oo dhami, adigaa, uun baa kasbaday iskana wada leh oo sidii uu Abgaalka uu Habar Gidir ee walaalahooda ahi uga sheegtay magaalada Muqdisho ee uu ku yidhi, “Maahan goorofkaygii waaye, Habar Gidirna, waa inay ka baxdaa”, ayaad adiguna walaalahaagii ku tidhi, Hargeisa, anagaa iska leh ee waa, inay Habar Jeclo iyo Reer Bari ka baxaan!!

Mida kale, bal, adigoo sabool ah oo boodh xagaafaya oo kiish yar oo hadhuudh ah oo qarax ah la soo jiqilo buuran, ayaad caqli xumadaada u qabiil iyo degaan sheeganaysa, mujtamac balaadhan oo ku fadhiya 65% oo dhulka Somaliland ah kuna qani ah khayraad farabadan sida Shidaal, Gaas, Macdan kala duwan, iyo Xoolaha Nool—miyaadan ogeyn in shidaalkii dalka uu ku jiro degaanka Habar Jeclo ee Bariga magaalada Berbera iyo degaanka Dhulbahante ee Hool Hool ee Koonfurta magaalada Laas Caanood?

Miyaad se, ilowday macdanta farabadan ee ku jirta degaanka Majayahan ee Warsengeli ee laga xaarantimeeyey biliiliqeysiga xaaran quutayaasha qabiileystayaasha ahi ee Majeerteeniya?

Maxaa, markaas anigana ii diidaya inaan sidaada u daneysto sidaana kuu gaalo maadama aad xume iyo kibir la soo taagan tahay xukun madhan oo aad majaraha u hayso oo xitaa agoomahii Mujaahidiintii ummadan iyo dalkan xoreysay ka bakhtiday kuna amaan haysan iyo magaalo yar oo ka guur iyo gabaahiir noqon karta sidii magaalooyin badan oo ka horeeyey sida Seilac ama Berbera, Karin, Maydh, Xiis, Qoom, iwm ah kuwaasoo waa camirnaan jiray una baahan dib u soo nooleyn?

Haddii sida aad rabto kuu yeelo oo aan dhulkaas balaadhan ee hodanka ah aan kaa goosto kaana joojiyo bariiska, baastada, daqiiqda, saliida, sonkorta, iyo bagaashka kala duwan ee aan kaaga soo dejiyo Dekada Bosaso iyo goobo kaleba, sow foqorkii xinka iyo xasadka uun la yuuruuray ee aad weligaa ahayd ee aan intaas asturayey ee aan hiil iyo hooba la garab taagnaa, hase yeeshee, isagu intaas ii boqono jarayey uun sii noqon maysid—bal, maxaan kugu qabaa ee aad maanta ii sheegan kartaa?

Hadal iyo dhamaantii, qiiqa aad doonto isku qari; qabyaalada iyo goboleysiga aad doontana adeegso xumaha aad doontana samee ileyn, wax aad hadaba noola hadhay, ma jirto’e, kaba qaadka aad doontana iska sii ahoow, hase yeeshee, xamaasadan balaadhaan ee wadaniyeed ee Somalilandnimo iyo webigan xawliga ku socda ee qulqulaya ee dimoqraadiyadeed joojin kari meysid ee aan kula taliyo ee ha ku dhiman meesha.

Dalkan Somaliland ah, waanu wada deganaaneyna ilaa iyo Yaqmal Qiyaamaha, sidaas daraadeed, adiga ayey ku jirtaa, sidii aad qabyaaladan sumeysan iyo falalkan foosha xun ee aad dadka la baratay faraha ugala bixi lahayd saaxigana u keeni lahayd kuna xisaabtami lahay xiliga adag ee lagu jiro iyo marxalada khatarteeda lehi ee ka aloosan dalka iyo guud ahaan geyiga Geeska Afkrika.

Hadalka aan kuu yara qalo’e, haddii aadan ogoleyn inaanu aayaheena si wadajir ah uga wada tashano qadyadeenana wada meel marino kana midho dhalino cadowgana meel uuga soo wada jeesano oo aadan sinaba u tixgelinayn in dalka aanu wada leenahay oo dhibkiisa iyo dheeftiisuba inaga dhexeyso oo aad dabada uun sii hayso xume kasta iyo daneystenimo iyo keligii cunka aad caadeysatay oo aadan marnaba xeerinayn, in xilka iyo xukunkuna uu meerto yahay oo aadan inaba rabin inay cidi ku xukunto xitaa haddii ay sinaan iyo cadaalad kugu xukumi rabto, hase yeeshee, aad adiguun wax xukunto oo sida dameer dhergayna aad caruurta, maatada, waayeelka jilicsan, iyo dadka dan yarta ah ee tabaaleysan aad ku biqleyso dee, anigana I xukumi meysid oo hubaal ah ee midaas ku talagal ileyn, igama adkide.

Waxaan filayaa, in hadaladaydan cad cadi, ay ku deeqi doonaan oo aad odhan doonta, hadaan hooyaa! Boowe, hada ma hoydaa?

Guul iyo Gobanimo
 

 


Farah Ali Jama, Ottawa, Canada.

Farah.jama@alumni.uottawa.ca