Somaliland: Siyaasadda Sahayda!

Waxyaalaha beryahan dambe aadka loo hadal-hayaa waxay ugu  dambayn ta ku soo ururaan laba erey oo keliya. Labadaa erey midi waa ka ina  daash a day oo ah “siyaasad”, oo malaha ereyada afsoomaaliga ah ee ugu dhow, sida ay aqoonyahannada qaar ka mid ahi qabaan, uu ka mid yahay ereyga “tab” amma “xirrib” sida ay dadka qaar ka mid ahi sheegaan. Midka kalena waa ereyga “server” oo lagu macneeyay “hufe”, dadka qaar ka mid ahna laga yaabo in ay si maroor ah ugu dhawaaqaan, oo ay tusaale ahaan  yidh aahdaan “seeraf”, markaasna nooc gaadiidka ka mid ah ayaa la  xasuusana yaa.

Labadaa arrimood ee kala ah “tab” iyo “hufe” beryahan dambe wax weyn baa isu galay, waayo marka mid la soo hadal-qaadoba ka kalena meesha waa uu soo galaa. Waxaa laga warwarsan yahay in ay inaga saameeyaan waxyaalo badan oo ay ka mid tahay “sahay” oo ah kalmadda aynu magaca maqaalkana ku darray. Gabay uu abwaan ka mid ahaa abwaannadii hore ee soomaalidu tiriyey ayaa waxaa ku jiray beyd ahaa:

“Sow nabadi sahaydaada ood, sidato uun maaha”

Nin baan maalin ku idhi: “Adigu sidee ayaad doorashada u aragtaa? Markaas buu yidhi: ‘maxaynu doorasho ka hadli bahal ‘server’ la yidhaahdo ayaa ina haystee!” Waa run, bal aynu innaguba sheegno xaalad ay ku sugan tahay xogteennii diiwaangelinta ee bahalkaas ayaa lagu shubay la inagu yidhi!

Haddaba hadal haamo lagama buuxsho’e waxa fiican in mas’uuliyiinta  shar afta leh ee xukuumadda iyo mucaaradkuba ay danaheenna xoogga  saara an, wixii ismaandhaaf loo arki karona ay si fiican oo xal ah u dhammaystaan. Labada qoloba waxay hayaan mas’uuliyad weyn, waxana iyaga ka sii fara badan shacabka Somaliland oo arkaya sida arrimahooda loo maamulayo.

Maalmahan dambe waxa saxaafadda ku soo baxayey hadallo kala duwan oo ka soo kala yeedhaya dhinacyada xukuumadda iyo mucaaradka. Hadallada asi dadweynaha sharafta leh ee reer Somaliland waxay ku abuureen xoogaa warwar ah oo ku saabsan in ay doorashooyinku inoo hagaagi doonaan iyo in kale. Haddaba waxa fiican wax kasta oo carqalad noqon kara in laga dheeraado, haddii ay soo ifbaxaanna markaa isfaham laga gaadho.

Waxa shalay oo ay taariikhdu ahayd 18-kii Ogos, 2009 wargeyska  Jamhuu riya ku soo baxay qoraal sheegaya in ay madaxweynaha iyo madaxda kale ee xisbiyadu ka wada hadli doonaan danaha iyo masiiirka ummadda. Wada-hadal caynkaas ahi aad iyo aad ayuu u fiican yahay. Haddii si ay  daacadni mo ku dhan tahay loo galo wax badan ayaa inoo hagaagaya.

Sagaal iyo toban sano wixii aynu ku soo tabcaynay in hore loo sii wado, wax kasta oo hakad ku keeni karana laga dhawro ayaa aad u fiican. Anigu guud ahaan madaxda, mucaarad iyo muxaafidba, waan ku kalsoonahay in ay wax kasta oo ay ku kala aragti duwannaadaan marka dambe isfaham ka gaadhi doonaan.

In badan baa la arkay iyadoo arrin la leeyahay: “Tolow maantay u daran tahay ee sidee la yeeli doonaa?” Markii dambena si fudud oo wanaagsan la isula meel dhigay. Arrimahan maantuna waa sidaas oo kale, oo kolay sidii wanaagga inoo ahayd is-afgarasho buuxda ayaa laga gaadhi doonaa. Sidaasi waa si wanaagsan oo ay ummado badani inoo qirsan yihiin, soomaalida kalena aynu kaga horrayno.

 



Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com