Somaliland: 1+1=3 , isku gaynta tirinta Is-diiwaangalinta Somaliland !
 

Hadaad akhristoow adigu ku nooshahay dal dadku marka ay waraaq iyo qalin qaataan ama ay makinadaha casriga ah ee wax lagu xisaabiyo adeegsadaan, ee ay isku geeyaan ay noqoto sidanoo kale tusale ahaan, 1+1=2, waxa jira dal la yidhaa Somaliland oo xisaabtaasi aanay marnaba soo bixin wax kasta oo dhacaba, hadii maskax la adeegsado iyo hadii mashiin lagu shaqeeyoba, waxa qajeel ay noqotaa oo ay jawaabtu soo baxdaa, sidan, 1+1=3 ama 1+1= 2, 05.iwm!

Qof kasta oo ku nool aduunkan oo xiskiisu dhan yahay, meeshuu doonaba ha joogo-e,waxa uu yaqaanaa xisaabaha lagama maarmaanka u ah nolol maalmeedka, ee aasaaska xisaabaha ah ee kala ah, u-gee, ka-jar, u-qaybi iyo ku-dhufo, sidaa darteed, waa arin aan surmo seegto lahayn ee saluug ku jiro in gudi idil oo laga filaayo inay keenaan, isku gayn sugan oo tirooyin aad uga badan kuwan hada ay ku wareereen ah, oo weliba sidaa la rajaynayay in dhawaan dadka iyo xisbiyada u tartamaya hogaanka sare ee dalkan Somaliland ay si hufan oon madmadoobi ku jirin u kala saaraan, ay isdiiwaan galintii dadka shacabka ah oon dano badanoo la kala hororsanayaa ku jrin ay sidan sameeyaan, Allaylehe waa ayaan daro ! bal maxaad ka fili kartaa gudidan inay samaynayso doorashada madaxweynaha ee xisbiyadu tab iyo xeelad kasta samaaynayaan inay ku badiyaan ?.

Ma qurux badan saadaashu ! Allah ha sahlo, inkasta oo sida markii danbe soo baxday aanay doorashoyinkii madaxweynaha ee 2005-tii qudhoodu, xalaal wada ahayn oo ay rag ka mid ah gudida doorashooyinka laftaroodu sheegeen, inay xisbiyada qaarkood u sad buriyeen, lagase raacay danta guud oo la iska dhaafay, hadana waa canbaar iyo cawo-daro keenaysa inaan lagu kalsoon dadka loo xilsaaray inay tirin sugan dadka ku kala saaraan, waana u qaadan waa iyo ayaan daro dalkeena ( Somaliland ) oo markiisa horeba aynu ogayn inaanu ku wanaagsanay Cadaalada, habsami u socodka hawlaha iyo xaqa qofka iwm, oo aynu ogayn in ninba meesha uu haysto inuu isagu u sareeyo oo uu ka soo saaro yoommyaha, in ay gudidii doorashooyinkuna ku biireen hayadihii kale ee uu musuqmaasuqa, eexda iyo arxan daradu mulacyaysay, waana aaayotiin xun oo horyaala dalkeena.

Markaa aynu hadaba is bedbedal badan oo aad u kala fog ka maqalnay gudida tirokoobka is-diiwaangalinta gobolada Somaliland, ee weliba gobolada qaarkood qaladaadka ay sameeyeen iskugayntii tiroada guud ay tahay tiro ku dhaw kala-badh, tirada dadka isdiiwaangaliyay, maan seeganahay hadaan idhaa, Xisaabtan is-ugaynteedu marka ay Somaliland joogto, waa, 1+ 1= 3, Halka ay caalaamka kale ka tahay, 1+1=2 !.Walee wadnahaan farta ku haynaa, bal aan eegno siday noqoto doorashada madaxweynaha ee soo socotaa, iyo jawaabaha isku gaynta xisaabahu soo saaraan.

 


Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

 



Cali Cumar Xasan