Somaliland: Dal Maqluubka loo Rogay Is-batoore
ilaa Xeer-ilaaliye...!





Hal-ku-dhig ayaa odhaahdiisu ahayd "Ninka maqashaa lagala quusto ayey Soomaalidu Geella u  dir ata", kaasoo tilmaamaya in marka wiilka yari hanan waayo ilaalinta maqasha yaryar halkii meel ka hoosaysa loo diri lahaa loo bedelo meel ka meeqaam saraysa una baahan ilaalo iyo karti ka badan midii uu ku saaqiday oo ah maqasha, waxay arrintani tahay farriin bulshada uga digaysa in caqligu maqluub u shaqeeyo oo la kala sixi waayo meeqaamka uu qof weliba mudanyahay, si aanay u kala badan karti iyo baaxada mansabka la geeyey.

Iyadoo cid weliba maanta qirayso horumarka bulshada Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada  siya asada iyo dhaqaalaha labadaba, isla markaana aynu hadda dhawr bilood oo keliya ka joogno markii ay xilka si salmi ah ula kala wareegeen laba Madaxweyne oo mid weliba doorasho ku yimi, ayaa hadana waxaaad moodaa in hoggaanka cusub ay ka muuqato hab-dhaqan la mid ah hal ku dhiga aynu kor ku soo sheegnay, kuwaasoo muujinaya in mansabyo waa weyn oo ay ahayd in loo xulo masuuliyiin aqoon ahaan ku habboon iyadoo aan loo miidaan deyin lagu fadhiisiyey shaqsiyaad aan u qalmin jaggooyinkaas.

Sidaa darteed jaggooyinka aanay is lahayn baaxadooda iyo masuuliyiinta loo magacaabay, waxa k a mid ah xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaas oo sida Dastuurku dhigayo u xil saaran  ila alinta Distuurka iyo shuruucda kale ee ka farcama, isla markaana looga baahan yahay inuu eedaha loo soo gudbiyo u eego inay nuxur ahaan waafaqsan yihiin shuruucda dalka. Sidaa awgeedna ay ahayd in Xeer ilaaliyuhu uu shuruucda dalka u eego marka loo keeno dacwad ka dhan ah  hay'ad aha warbaahinta, sida uu qeexayo Xeerka Saxaafaddda ee Xeer No 27/2004.

Marka uu sidaa u cad yahay hawl-qabadka xafiiska Xeer ilaaliyuhu, ayaa waxaan shaki ku jirin inuu yahay cida mudan in xilkaa loo igmadaa masuul aqoon durugsan u leh shuruucda isla markaana  wa xbarashadiisu gaadhsiisan tahay ilaa heer DR oo dhinaca shuruucda ah.

Haddaba, marka ay arrimuhu sidaa yihiin, waxaa isweydiin mudan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo masuulka xukuumadda cusubi u igmatay ma yihiin kuwo isku habboon?!. Si aynu taa u ogaano bal aynu wax yar ka iftiimino aqoonta iyo waayo-aragnimada masuulkani leeyahay.

Sida ay Wargeyska "Yool" u xaqiijiyeen dad aqoon gaar ah u lahaa Xasan Axmed Aadan oo ah Xeer Ilaaliyaha uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, waxa uu ahaa Saddex xadhig leh ka tirsanaa Ciidankii Booliska Soomaaliyeed, waxa kale oo ay intaa ku dareen in Sanadkii 1988-kii uu galay Kulliyaddii Sharciga ee Magaalada Moqdisho, hase-yeeshee intii aanu dhameysan sanadkii koowaad ay kasoo gaadheen dagaaladii dhexmaray rajiimkii Siyaad Barre iyo Jabhadihii kasoo horjeeday.

Sidoo kale, sida ay dad goob joog ahi sheegeen markii Xasan Axmed Aadan uu yimi Somaliland  wa xa uu ka mid noqday Booliskii ugu horeeyey ee la isu keenay markii Somaliland dib ula soo noqotay xorriyadeeda, waqtigaasoo uu ka mid noqday xubnihii shaqada Booliskii uu qoray Xafiiska Jimciyada Mujaahidiinta SNM ee SOOYAAL.

In muddo ah ka dib waxa Md. Xasan si lama filaan ah u soo galay shaashada ka dib Shireynihii 1997 ee dib loogu doortay Marxuum Cigaal, waqtigaasoo uu dhawr bilood ka dib Marxuum Cigaal isaga oo aan foolka ka fool u arag u magacaabay inuu noqdo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, xilkaasoo markii uu hayey muddo aan ka badnayn 60 maalmood uu marxuum Cigaal xafiiskiisa ugu yeedhay, xilkiina ka qaaday ka dib markii ay isu qaban waayeen wixii markii hore looga sheegay iyo wixii uu ka arkay, arrintaas oo sida uu ku sheegay Dikreetadii xilka qaadisdiisa uu isku qacniyey in uu yahay nin aan hanan karin xilkaas.

Tusaale ahaan sidii uu dhowaan yeelay Madaxweyne Siilaanyo markii uu Xafiiska Somaliland ee  Ito obiya u magacaabay shakhsi aanu hore arag, balse markii loo keenay uu dib ugala noqday  jaggad aas una magacaabay masuul kale.

Waxana loo soo daliishan kara in marxuum Cigaal uu waqtigaa kaga booday hab-dhaqano fool xun oo uu ka arkay Md. Xasan, ficiladiisa hadda ee ay ka midka yihiin inuu kolayada Jaadka lagu iibiyo kaga sheekeeyo hawlihii Xafiiska, sida hadal uu laba maalmood ka ka hor ka sheegay kolay Jaadka lagu iibiyo, kaasoo uu dadkii Jaadbka iibsanayey ugu sheegay inuu xidhi doono Tifaftiraha  Warge yska "Yool" Mr. Curad, arrintaas oo ah mid ka baxsan milgaha iyo anshaxaha Dawlad-nimo, isla  ma rkaana laf-jab iyo sharaf dil ku ah inuu ku tiraabo masuul haya xilkan aynu kor ku soo sheegnay meeqaamkiisa.

Hase-yeeshee, waxa wax lagu qoslo ah in Maanta Mr. Xasan uu warqadaha ku saxeexo darajada Dr oo ah mida ugu saraysa derajada laga gaadho cilmiga Sharciga, arrintaasoo mid cay ku ah  caq liga bulshada iyo nidaamka Dawlad-nimo.

Isku soo wada duuboo waxan shaki ku jirin in aanay ka muuqan Xeer Ilaaliyaha wax aqoon ah oo uu xilkan ku sii hayn karaa oo uu xalkuu yahay Isbatoore ilaa Xeer Ilaaliye, balse uu shaki la'aan isku qanciyey inuu yahay nin aan cidina uga sarayn aqoonta sharciga. Madaxweyne Siilaanyo-na waxa la gudboon in aanu ku sifoobin nin ku shaqeynaya hal-ku-dhigii ahaa, "Ninka maqashaa lagala quusto ayey Soomaalidu Geella u dirata".

 

 

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Jaamac
cabdijamac@yahoo.com