Somali Week Festival 2009
Jimce 23 - Khamiis 29 Oktoober - Oxford House,
Derbyshire Street, Bethnal Green, London E2 6HG


Debbaaldegga Toddobaadka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida 2009
Kayd Somali Artist and Culture iyo REDSEA-ONLINE.COM waxay si wada jir ah kuugu soo bandhigayaan Debbaaldegga Toddobaadka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida ee sannadlaha ah, kana dhaca Landhan, UK. Debbaaldaggu wuxuu bilaabmayaa sannadkan maalinta Jimcaha, 23 Oktoobar soconayaana ilaa Khamiista 29 Oktoobar 2009; wuxuu ka mid yahay sidii caadada ahayd xuska taariikhda dadka madow ee waddanka Biritayn ee ka dhaca bisha Oktoobar.

Debbaaldegga Toddobaadka Soomaalida ee 2009, waxa aannu ku martiqaadaynaa la kulanka iyo isbarashada abwaanno socoto inoogu yimi iyo aqoonyahanno soo bandhigi doona waxqabadkooda, qeexidoona oo ka doodidoona waxsoosaarkooda iyo kuwo jaalkood, iyada oo dadweynuhuna qayb ka yahay. Waxaa kale oo la soo bandhigayaa filimo Fanka iyo Masraxa Soomaaliyeed ee Jabbuuti oo uu diyaariyey Cabdalle Xaaji oo ka socda TV Qaranka ee Jabbuuti, iyo muuqaallo (documentary) kale.



Ujeeddooyinka ugu waawayn ee Toddobaadkan waxaa ka mid ah in la dhiirrigeliyo oo la taageero farshaxan-yahanka Soomaalida ee soo kacaya iyo in la suurtageliyo aqoon isweydaarsi dhexmara farshaxan-yahanka soo koraya iyo kuwa taabbaqaadka ah, kuwo UK saldhig u tahay iyo kuwo dalalka Soomaalidu degto ka yimi intaba. Waxa kale oo aannu sii xoojin doonnaa in aannu dhiirrigelinno ahmiyadda farshaxanka Soomaaligu u leeyahay guud ahaan bulshada Soomaalida.

Halqabsiga sanadkani wuxuu mar kale beegsanayaa faafreebka. Faafreeb, qeexiddiisa guud ahaaneed, waxay tilmaamaysaa joojin ama horistaagid fikradaha qof ama koox. Faafreebistu ma aha qiimayn dhab aha ama faaqidaad taban oo ku saabsan fikirka laga hadlayo saxnimadiisa ama gefnimadiisada. Waxa faafreebka ku kici kara cid kasta, ha ahaadeen madax dawladeed, ururro gaar ah, maamulka xubin warbaahineed, qorayaasha iyo mararka qaarkood farshaxanyahannada laftooda. Mawduuca iyo toddobaadkaba waxaa gardaadinaya Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Rashiid Gadhwayne”, kaas oo eray kooban ku ibafuri doona arrimaha la xidhiidha Iscabbirka. Waxa la isla eegi doonaa “waa maxay faa’iidada ama khasaaraha ku jira iscabirka xorta ah ama la’aantiisa”.

Waxa doodaas lagu lafagurayo arrimaha la xidhiidha faafreebka iyo cabudhiska ka qayb qaadanaya aqoonyahanno iyo hal-abuur ay ka mid yihiin Rashiid Sheekh Cabdillaahi, Cali Banfas, Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar iyo Baarleex waxaa halkaas lagaga doodayaa waaya’aragnimadii kala duwanayd ee ay shakhsiyadahaasi soo mareen xilliyadii kala duwanaa, iyo weliba qaababka kala duwan ee faafreebku ahaan karo iyo siyaabihii ay ula kala macaammileen xaladahaas soo waajahay.

Toddobaadkan oo isugu jiri doona bandhigyo kale sida: tix (gabay), bandhig suugaaneedyo, falanqayn buugaag, miyuusig, riwaayad iyo majaajilo, kuwaas oo wadajir loo soo bandhigi doono, waxa iska kaashanaya abwaanno, qoreyaal, heesaa iyo dhegeyste ay ka midka yihiin: Aamina Cabdilahi, Kinsi Haaji Aden, Cabdalle Xaaji, Baarleex, Axmed Saleebaan Bidde, Cali Banfas, Boon Xirsi, Xasan Cabdi Madar, Cabdiraxman Yuusuf Carten, Mahamed Jaamac “Kayd”, Sheekh Maxamoud Dalmar, Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhwayne”, Maryan Mursal Ciise, Cabdi Bahdoon, Nimco Deggan, Nimco Yasin, Cabdikariim Raas, Prince Cabdi , Martin Orwin, Jaamac Muuse Jaamac, Mahamed Hassan "Alto", Cabdillaahi Cawed Cige, Mahamed Baashe X Xasan, Aar, Dararamle, Xudaydi, Beeldaaje, Saciiid Jaamac, iyo kuwo kale oo badan.

Nagala soo qayb gal debaaldeggan Todobaadka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida. Wixii faah faahina ama isbeddel ah kala soco:

www.redsea-online.com iyo www.kayd.org.

 



Waxaad kale oo kala soo xidhiidhi kartaa teleefonka 07903712949 ama u dir email agaasimaha bandhigga ayan_mahamoud@kayd.org