S/LAND LA AQOONSAN MAAYO HADDAN LA HELIN SA
XAAFAD XOR AH IYO DOORASHO WAKHTIGEEDA
KU DHACDA

La-taliyaha
Siyaasadda arrimmaha dibedda ee Xisbiga Xisbiga Shaqa
alaha Sweden oo baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale.
“Somaliland la
aqoonsan maayo haddaan la helin Saxaafad xor ah iyo Doorasho
waqtigeedii ku dhacda”
Hargeysa (Longlivesomaliland News)-La taliyaha Siyaasadda dibedda ee
Xisbiga Shaqaalaha Sweden. "Waa hubaal in M/weyne Rayaale uu doonayo
in la aqoonsado Somaliland, waxaanan kula talinayaa in..”
“Somaliland sidan laguma aqoonsan
karo. Waayo, imika Dimuqraadiyad ma haysaan.”Mrs. Jenny Sonesson
La taliyaha Siyaasadda dibedda ee
Xisbiga Shaqaalaha dalka Sweden oo lagu magacaabo
Jenny Sonesson, ayaa sheegtay in
Dawladdooda i yo guud ahaan Midowga Yurub uu danayna yo
in Somaliland ay ka dha cdo Doorasho xor iyo xalaal ah, isla
markaa na waqtigeeda ku qabso onta. Hase ahaatee, waxay
sheegtay in aan Somaliland aqoonsi hela ynin haddii aanay
Xukuumaddu joojin xadhiga Suxufiyiinta iyo xannib aadda
xorriyatul-qawlka, waxaanay Madaxweynaha u jeedisay baaq la
xidhiidha arrimaha Doorashada iyo Saxaafadda Madaxabann aan.
Haweenaydan lagu magacaabo Jenny Sonesson oo ka mid ahayd xub
no Ajanebi ah oo shalay ka qaybgalay
dhegaysiga dacwad ka dhan Su xufiyiinta
Idaacadda Horyaal ee xidhan oo
Maxkamadda la horkeenay, ayaa markii laga soo dareeray dhegaysiga
dacwaddaas ka dib, qaar ka mid ah Warbaahinta maxalliga ahi wax ka
waydiiyeen arrimo ku saab san
xadhigga Suxufiyiinta, warbixintii
Hay’adda Human Rights Watch iyo dib-u-dhaca
Doorashada. Waxaanay sheegtay in tacaddiyo Xukuu
madda Somaliland kula kacdo Warbaahinta Madaxa banaan iyo
shuru ucda xuquuqal-Insaanka ay tahay mid caqabad ku ah aqoonsi
Somali land ka hesho Beesha Caalamka. Isla markaana waxay carrabka
ku ad kaysay in haddii mar kale Doorashadu dib u dhacdo aanay
Somaliland aqoonsi ka kasban doonin beesha Caalamka. “Waxaan
doonayay in aan sheego waxay tahay in maanta Somaliland ay taagan
tahay is-goys.
Siday Warbixintii Hay’adda
Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Wa tch sheegtay, waxa
Somaliland ka jira meel-ka-dhacyo marka laga had layo dhinaca
Madax-bannaanida Saxaafadda.
Dawladda Somaliland-na waxay ku xad-gudubtay Sharciga
Xuquuqal-Insaanka Caalamiga ah oo qeexaya xaqa xorriyatul-qawlka.
Waxaanan filayaa in aynu haddaba aragno ku xad-gudubka Shuruucdan.
Beesha Caalamku Somaliland waligeed aqoonsan mayso haddii aan la
helin Sax aafad xor ah iyo inay waqtigeeda ku qabsoonto
Doorasho xor iyo xal aal ah. laakiin, hadday sidaa ku sii
socoto oo Doorashadu dib u dhacdo Somaliland aqoonsi heli mayso.”
Ayay tidhi Jenny Sonesson. Mar la waydiiyay in Dawladda Sweden
Xukuumadda Somaliland kala hadashay ama ay cadaadis ku saartay
arrimahan ay ka hadashay iyo in kale, ayaa waxay ku jawaabtay, “Tani
waa mid si aad ah looga danaynayo Sweden iyo Midowga Yurub-ba.
Sweden waxa ku nool 20-kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah. Somaliland
waqti badan waxay rejo u ahayd Gobolka Geeska Afrika, waxaanay
ho re u qaadday Jidka Dimuqraadiyadda, waana inay sidii u haysaa
Jidk aas. In Saxaafad madax-bannaan dalkani yeeshaa waa mid muhiim
ah. sidaa darteed, waanu sii wadi doonaa in aanu la socono waxa
halkan (Somaliland) ka socda, imikana Sweden waxay waddaa olole
ballaadh an..Inkasta oo aanu nahay dal ku yaala Yurub, haddana
waxaanu aad u xiisaynayaa oo aanu ula soconaa waxa ka dhacaya Geeska
Afrika, marka laga hadlayo Dimuqraadiyadda. Sababtoo ah, maanta
qarniga 21aad ee casriga ah, masaafadu muhiimad ma laha marka laga
hadlayo Argagixisada, Qaxootiga iyo Dagallada. Waxaana loo baahan
yahay xidhiidh saaxiibtinimo, mid ganacsi iyo xidhiidh toos ah.
Sidaa darteed, mustaqbalka Somaliland waxa uu qayb ka yahay
mustaqbalkayaga iyo mustaqbalka umadda reer Sweden.”
Sidoo kale waxa Jenny la waydiiyay in ay kulan la qaadatay
Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo in kale intii ay dalka ku
sugnayd. “Sanad ka hor ayaan halkan imi waxaanan fursad u helay in
aan la kulmo Madax weyne Rayaale, balse ma qorshayn in aan mar
kale la kulmo.
Waxaanan halkan u joogaa inaan ka
qayb galo bandhig-dhaqameedka beri (maanta) la qabanayo (Munaasibadda
Mooge).” Ayay tidhi.
Su’aalihii halkaa lagu waydiiyay
waxa kale oo ka mid ahayd mid nuxurk eedu ahaa, saamaynta
Warbixintii Human Rights Watch ku
yeelan kar to qaddiyadda Somaliland, mar ay arrintaa ka
hadlaysayna waxay ti dhi, “Dabcan,
warbixintan Human Rights Watch waxa akhriyay Siyaasi yiinta
iyo madaxda Caalamka, runtiina aad baanu uga
welwelnay xaaladda."
Sababtoo ah, haddaanad dimuqraadiyad hanan ma heli kartid aqoonsi,
umana qalantid ee waa inaad u qalantaa aqoonsiga. Waxaanan filayaa
in aydaan aqoonsi u qalmin haddii aad sii waddaan xadhigga
Suxufiyiin ta. Waan la yaabaa marka la yidhaahdo ha la mideeyo
Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanan aragti ahaan taageeraa
Dimuqraadiyadda, balse haddaydaan dhawrin uma qalmaysaan in aad
madax-bannaani hesha an.”
Mar la waydiiyay aragtideeda ku wajahan madax bannaanida
Somalil and iyo waxay talo ahaan u jeedinayso Xukuumadda, ayaa waxay
ku jawaabtay oo ay tidhi, “Aragtidaydu waxay tahay in dalkani helo
War baahin Madax bannaan iyo Idaacado gaar loo leeyahay, sababtoo
ah, waxa la xidhaya sida Telefishanka HCTV oo kale. Waxaan hubaa in
Mad axweyne Rayaale uu doonayo in la aqoonsado Somaliland, waxaanan
kula talinayaa, waa muhiim in dalkaagu yeesho Warbaahin madax
ban naan. Sababtoo ah, sidan laydinku aqoonsan karo. Waayo, imika
Dimu qraadiyad ma haysaan.”
Source: Wargeyska ogaal
|