Siyaasiyiin Madaxweynaha Somaliland Ugu Hambalyeeyay G oŽa anka Uu Shirkada Som Cable Ugu Ogolaaday Inay Dalka Ka Hirgeliso Isgaadhsiinta Badda La Soo Marinayo

 


Hargeysa (TNN)-Siyiin ka tirsanaa Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigii UDUB, ayaa maanta shir jaraaŽid oo ay ku qabteen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxay soo  dhaw eeyeen Tallaabada Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu  Shirka da wadaniga ah ee SOM Cable ugu ogolaaday inay dalka ka hirgeliso Isgaadhsiinta casriga ah ee la  d higayo Badda.Siyaasiyiintaasi oo waxay tallaabo geesinimo ah ku tilmaameen goŽaanka uu  Madaxw eyne Siilaanyo arrintaasi ka gaadhay.


Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Md. Maxamed Cabdi DaaŽuud oo ku hadlayay magaca  siyaa siyiintaasi ayaa ugu horrayn soo dhaweeyay goŽaanka Madaxweynaha waxaanu yidhi "Waxa Maanta Runtii farxad weyn noo ah, oo aanu doonaynaa inaanu ugu Hambalyayno GoŽaankii qiimaha lahaa, ge esinimadda lahaa, garashada dheer lahaa, u danaynta dadkeena lahaa ee uu ka gaadhay arrintii  mu dada dheer soo taxnayd Isgaadhsiinta Cable-ka Badda la soo marinayo. arrintu dad badan ayay   taa  banaysay Soomaaliduna waxay tidhaahdaa Garri laba nin kama wada qosliso.


Waxaan filayaa inay iska caddayd labada shirkadood ee arrintan ku tartamayay sida ay u kala duwan yihiin oo midi ay ahayd waa shirkada Dalcom inay ahayd tii inala dagaalamaysay in allaale iyo intii  arri ntan lagu jiray. Anigu kama hadlayo ragga reer Somaliland ee shirkada Dalcom beryihii dambe ku soo biiray ee is yidhi shirkada hawsha ay waddo ka qeyb gala."

"Anigu waxaan ka hadlayaa waxa weeye Raggii reer Koonfureedka ahaa ee inta badan ku dedaalay inay Somaliland isgaadhsiinta mar walba iyaga u dabo fadhiisato, markii lagala hadlayay Shirkada  E asy Cable-kan ee dalka South Afrika laga soo qaadayay Kaybalka iyaga ayay ahaayeen ciddii u  horra ysay ee heshiis la soo gashay. Xataa Itoobiya ugumay tallo galin Inta uu Muqdisho Isgaadhsiintan  la ga soo qaado uu Itoobiya tago. Itoobiyana dan iyo muraad kamay lahayn, waxay ugu tallo galeen Soomaaliya iyo in qeyb ka mid ah gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya. Berberana waxay ka  dhigay aan inay Soomaaliya ka tirsan tahay.


Raggaasi reer Koonfurka ahi godka laga qaadanayay Kaybalka waxay ku beegeen Xamar ee laga  q aadayay lagana soo gelinayay Soomaaliya. way ka dagaalameen in Berbera laga sameeyo god  kayb alka laga sii qaado,"ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdi DaaŽuud, waxaanu intaasi ku daray "Xataa shir  A ddis ababa lagu qabtay oo arrintan lagaga hadlayay waxay isku dayeen inay ciddii Somaliland ka  so cotay ka soo saaraan shirkaasi isgaadhsiinta, nimankii noocaas ahaa ee sidaasi inoola dagaalamayay waxa ku habsatay arrinta budhcad badeedda iyo nabadgelyada xeebaha Soomaaliya, markaa waxa Shirkada Easy ee hawshan waday ay tidhi lama geli karo Xamar, waxaanay goŽaamiyeen in Berbera laga soo dejiyo. markii ay khasab ku noqotay shirkada Dalcom in Berbera laga soo dejiyo Kaybalkii ayay kaliftay inay Ganacsatadeenii xod-xotaan."

Badhasaabkii hore wuxuu sheegay in Shirkadan Som Cable ay dedaal u gashay sidii Somaliland gooni ugu heli lahayd isgaadhsiintan badda la soo marinayo oo aanay cidna la wadaagin. "Marka ninka  dal kaaga ka soo jeedaa uu awood u leeyahay inuu maal gelin sameeyo waxa uu kugu waajibinayaa  waa jibka wadaniga ahi inaad isaga ka fuudh yeesho, haddii uu isagu kari waayo cid kale way ka qey  gal aysaa,"ayuu yidhi Mr. Maxamed Cabdi DaaŽuud.


Maxamed waxa kale oo uu ka hadlayay hadalo maalmahan ka soo yeedhayay siyaasiyiinta qaarkood kuwaasi oo sheegayay in Shirkada SOM- CABLE kooto lagu siiyay isgaadhsiintan waxaanu yidhi  "Dad keenu waxay yidhaahdaan kooto ayaa cid lagu siiyay isgaadhsiintan. kootaddu kama abuuranto dalka gudihiisa, Kootaddu waxay ka abuurantaa dalka dibadiisa. waxa jira haddii qasacado iyo raashin la keenayo nin waliba wuu ku tartami karaa, laakiin marka uu waxani yahay wax ku kacaya malaayiin Dollar.


Itoobiya waxay u qoondaysay isgaadhsiintan 1.2 Bilyan Dollar inay dalkeeda ku galiso. haddii aad  tid haadho cid waliba ha gasho hawshan shirkaddii samaynaysay ayaaban kaa yeelaynin, waayo suuqa Somaliland ma xamilayo in laba shirkadood arrintan fuliyaan markaa kootaddu waxay ka timid dhinicii shirkadii waday hawshan. waxaan rajaynayaa in isgaadhsiintani noqoto farajkii muftaax gaar ah oo isgaadhsiinta Somaliland loo isticmaalo waayo wali waxaynu isticaamlaa furihii hore Soomaaliya ee (2522).

Sidoo kale, Keenadiid Maxamed Khaawi, ayaa isaguna Dhambaal dhambaal Hambalyo ah u diray  mad axweyne Axmed Siilaanyo oo uu sheegay inuu qaatay goŽaan taariikhi ah.

Siyaasiyiintii shirkaasi jaraaŽid goob jooga ka ahaa waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada  D haqanka iyo Dalxiiska Md. C/Risaaq Waabari Rooble, Afhayeenka Xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed  Yu usuf (Cali Guray), Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka Maxamed Muuse Diiriye, Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Md. Cali Xasan Maxamuud (Cali Asad) iyo xubno kale.



Source: SDWO