Siyaasi Samaale oo ku guul daraystay qorshe uu ku doo nayay in codka mid ka mid ah Beelaha dega Wajaale ay ku taageeraan Musharaxa Beeshiisa

 


Tog-wajaale  (TNN) :- Siyaasi Cabdicasiis maxamed samaale oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga xaakimka kul miye ee kazoo jeeda gobolka gabiley gaar Ahaan degmada Allaybaday ayaa maalmihii udanbeeyay olole u gu jiray taageero uu uraadinayo musharaxa golaha wakiilada uga sharaxan beeshiisa gobolka maroodi jeex Xisbiga kulmiye sidii uu taageero cod uga heli lahaa midkamid ah beelaha ugu badan ee dega degmada waj ale iyo deegaanada ku teedsan in ay musharax ay isku beesha yihiin taageeraan ayaa ku guuldaraysay ka dib markii haldoorka ,haweenka iyo dhalinyarada beeshani ay muujiyeen cida ay taageersan yihiin iyagoo siwayn gadhex muuqday munaasibadii maalintii 18may magaalada wajaale loogu qabtay musharax abwaan xasan dhuxul oo isagu hantay quluubta shacabka guud ahaan degmada wajaale halka uu fashilmay qorshi hii uu siyaasi samaale codka beeshan ku doonayay in uu gacan bidixeeyo kuna hanto abtinimo iyo xod xoda sho xilal uu u balan qaaday shakhsiyaad ka soo jeeda beeshan ”Cumar Aadan”

Sidoo kale bulshada ku dhaqan magaalada wajaale ayaa iyagu si dhow ula socday dhaq dhaqaaqyada siyaa si samaale ayaa siwayn uga biyo diiday qorshaha uu watay iyo ficiladii ay wadeen xubnihii isaga hor kacay ay ee xilal doonka ahaa.

Siyaasi samaale oo watay laba qorshe ayaa labadii fashilmeen iyadoo kiisa kowaad ah cod uraadinta mush arax jufadiisa halka Dhinaca kalena si aanay gacan ku haynta siyaasadeed ee degmada wajaale farahiisa uga faro bixin in uu qaybo bulshada kamid ah ku yidhaa codkiina siiya musharax ka sharaxan xisbiga muca aridka ee ucid oo deegan ahaan wajaale kazoo jeeda taasi oo iyana uu ku guuldaraystay kadib markii bulsh ada umuujisay dareen diidmo ah, isaga iyo xubno kazoo jeeda beesha "Cumar Aadan” oo uu balan qaaday in uu umagacaabayo xilal hoose oo ay kamid tahay maamule kastam,Taasi oo iyana ka hor imanaysa siyaa sada xisbigii uu kamid yahay ee kulmiye in uu musharax mucaarid ah codka siiya ku af gobaadsado, isagoo ka beeshiisa kazoo jeeda ee xisbiga Ucid ka sharaxan u dilayay mucaarid ayuu codka reerka gaynayaa,

Dhanka kale qorshahan fashilmay ee siyaasi samaale ku doonayay codka beelaha dega magaalada wajaale ayaa sheegay in ay xiligan keentay kadib markii musharixii uu beeshiisa usoo xulay ee ka sharaxnaa xisbig aa kulmiye uu kusoo baxay musharax kale oo isla beesha cabdale abokor oo ka sharaxan xisbiga ucid ismar kaana qorsha ay samaale iyo odayaal kale ay ku doonayeen in reer allaydabay kaga horkeenaan uu fashil may kadib markii waxgarad beesha cabdale abokor shir ay isku hor fadhiisteen ay gabi ahaanba ku diideen qorshihii siyaasiyiinta xisbiga kulmiye ka tirsani wateen iyadoo shirka lagu go,aamiyay in labada musharax ee beesha cabdale abokor ka sharaxan ay bulshada usiman yihiin islamarkaana cida ay ugartaan codkooda ay doortaan balse aan la aqbalaynin in cid gaar ah loogu afduubo beesha musharax idman oo ay wateen siyaasiyiinta kulmiye ee samaale hormuud u yahay taasi oo noqonaysa waji gabixii labaad ee uu la kulmo.
Isku soo wada duub oo bulshada ku dhaqan deegaanka wajaale ayaa xiligan muujiyay bisayl siyaasadeed iyo in aan loo yeedhin cida ay dooranayaan balse ay iyagu ka tashanayaan masiirkooda iyo cida ay ku aaminayaan codkooda.


 


Xigasho: Yool News