Siyaasaddu
Waa Wixii Suurto Gal Ah Ismaaciil Buubaa

Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa),
oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan
baarlamaanka Somaliya, ayaa qiray inuu jiro bayaan uu dhawaan
baahiyay Wargeyska Geeska Afrika, oo ay magaalada Djibouti ka soo
saareen xildhibaanada reer Somaliland ee ku jira dawladda Somaliya.
Dr. Buubaa, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u
waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay in ujeedada
baaqaasi ahaa, dawladda Shariif Sheekh Axmed, oo ay u arkeen dawlad
koonfureed oo sii fogaysay hamigoodii ku waajahnaa helitaanka
midnimo Somaliyed oo ay muddo dheer daba joogeen balse hadda u
muuqata gabaabsi.
Buubaa, oo ugu horayn la weydiiyay sida uu u arko xaaladda cusub ee
uu galay dalka Somaliya, waxa uu yidhi, "Waa xaalad cusub oo la arko
oo aan la garanayn waxay la iman doonto laakiin arrimuhu weli may
saldhigin oo way cakiranyihiin, xagga wadaadadana weeye dhibaatada
ugu weyn ee maanta jirtaa. Intii la isku hayay reer hebel iyo reer
hebel waa wax la yaqaanay ee imika waxa la isku haystaa anigaa kaa
diin badan iyo anigaa kaa diin badan. Kolkaas arrimuhu ma dhibyara
laakiin haddana bal aan eegno hoggaan cusub ayaa la doortee."
Mar la weydiiyay waxa uu ka ogyahay baaq uu dhawaan Geeska Afrika
baahiyay oo ay ku muujinayeen quusta ay ka joogaan hamigoodii ay
mudada dheer baadi goobayeen ee midnimo mar dambe dhex marta
Somaliland iyo Somaliya, waxa uu ku jawaabay "Haa, baaqaasi wuu
jiray, waana sidaas aad qorteen, runtiina dawladdan cusubna wuu ka
faalloonayaa, oo dawladaas Djibouti ka soo baxday waxaanu u aragnaa
inay ku soo rogaal celisay dawlad koonfureed, maba diidanin inay
sidaas noqoto, laakiin arrimaha badhtamaha iyo koonfurta wadanka
inay isku hawliso kuna taageerto maamulka Somaliland inuu sida uu
wax u waddo uu ka sii badiyo oo wadanka dejiyo, weeye iyo inay
caalamka ugu baaqaan inay wax la qabtaan, Somaliland, Somaliland-na
waxaanu u aragnaa inay aqoonsato waajibaadka ka saaran dhibaatada
Somaliya."
Ismaaciil Buubaa, oo la weydiiyay in baaqoodaas loo fasiran karo
inay quus joogaan waxa uu yidhi, "Siyaasadu waa wixii suurto gal ah,
markaas inkastoo aanu u aragno dantu inay ku wanaagsantahay inay mid
ahaato, laakiin haddii ay dani ka maarmi weydo in wadanku labadaas
dal [Somliland iyo Somaliya] noqdo taasina waa mid ay tahay labada
dhinacba inay si wanaagsan isugu taageeraan."
Waxa Mr. Buubaa, la weydiiyay waxa ka jira warar muddooyinkii u
dambeeyay soo baxayay oo sheegayay inuu iska casilay xubinimadii
baarlamaanka Somaliya waxa uu yidhi, "Weli ismaan casilin, laakiin
baarlamaankani inuu shaqayn doono iyo in kale Alle ayaa og, kolkay
wakhtigeeda gaadho war buuxa ayaad iga maqli doontaa."
Ismaaciil Buubaa, waxa uu ku doodday inaanu marna ka talin wax
dibin-daabyo u gaysanaya guud ahaan xasiloonida Somaliland, waxaanu
yidhi, "Hargeysa waa magaaladaydii, wixii khalkhal gelinaya
degenaanshaha guud ahaan Somaliland horena ugma kicin, haddana ku
kici maayo, laakiin mabda'dayga lamaan gaban, waxaanan arkayay in
danta Somaliland ku jrto inay ka mid noqdaan Somaliya oo ay weliba
hoggaamiyaan, laakiin haddii ay sidaas noqon weydo waa waxa
siyaasadu ay tahay inaan aqbalo siday arrimuhu ku dhammaaddaan."
Wargeyska Geeska Afrika, ayaa dhawaan baahiyay bayaan ay Djibouti ka
soo saareen xildhibaanada Somaliland u dhashay ee ku jira dawladda
Imbigaati. Baaqaas oo aan saxaafadda loogu tallo gelin bale nuqul ka
mid ah uu Wargeysku helay, waxa ay ku sheegeen in dawladda Shariif
Sheekh Axmed, soo afjartay hayaankoodii midnimo-doonka ahaa,
waxaanay dawladda Shariif ku tilmaameen inay tahay xukuumad
koonfureed oo xag jirnimo iyo go'doon ku sii fogaanaysa. Bayaankaas
oo ku kala qornaa luuqadaha Ingiriisida iyo Somaliga, ayaa waxa ka
muuqda saxeexooda, waxaana dadka saxeexay ka mid ah Ismaaciil
Maxamuud Hurre (Buubaa) oo dhawr jeer dawladihii kala dambeeyay ee
Somaliya loo dhisay ka noqday wasiirka arrimaha dibadda. Waxa kale
oo ka mid ah Cabdalla Xaaji Cali, oo mar noqday maayarka magaalada
Berbera iyo weliba badhasaabka gobalka Saaxil. "Dhismaha xukuumadda
loogu magac daray 'xukuumad midnimo qaran', wuxuu soo afjaray
hayaankii xildhibaanadu ugu jireen midnimo doonka, wuxuuna
dhismahaasi u xuub siibtay 'xukuumad koonfureed' oo xagjirnimo iyo
go'doon ku sii fogaanaysa. Qoondihii siyaasadeed ee ku salaysnaa in
laga dhursugo xasilinta gobalada koonfureed si ay laysu waafajiyo
helitaanka midnimo iyo rabitaanka Somailland gabaabsi buu
taaganyahay, wuxuuna u baahanyahay wax ka bedel." Ayay ku
yidhaahdeen baaqooda, waxaanay intaas raaciyeen, " Sabahaas xaqiiqda
ah awgood, waxaanu soo jeedinaynaa tallooyinkan soo socda:
1. In xukumadda midnimo qaran ee Djibouti lagu dhisay waaqica u soo
daadegto oo ay isku hawliso wax ka qabashada gobalada dhexe iyo
koonfureed ee wadanka gaar ahaan gobalka Banaadir, uguna baaqdo
adduun weynaha in Somaliland si toos ah loola dhaqmo, loo tixgeliyo,
taageero dhaqaale iyo dmid siyaasadeedna la siiyo.
2. In ay Somaliland aqoonsato waajibaadka ka saaran xal u helida
raadinta dhibaatooyinka ka taagan badhtamaha iyo koonfurta Somaliya,
oo ay aqoonsato danaha ma guuraanka ah ee Somalialnd ugu jira xal u
raadintaas.
3. Inay Somaliland, Puntlandi yo galmudug iska kaashadaan hawl;aha
ammaanka iyo isku xidhnaanta dib u dhiska, dhaqaale iyo siyaasadda."
Wargeyska Geeska Afrika
|