Siyaasadda Arimaha Debedda
Qaranimadeenu waxay jirtay rubuc qarni ku dhawaad, xili intaa ku
simani taariikhda waxay ka mudan tahay inta lagu yagleelo qaramo
qumaati isu taagay. Mudadaas kumaynu socon siyaasad arima debedeed
oo tisqaad ah. Tusaale ahaan, marna ma dhacday in wasaaradda arimaha
debedu soo bandhigto war bixin sanadle ah oo tibaaxaysa guulaha iyo
siyaasad a rimo debedeed marin soofkeedu dhidban yahay (the reliable
foreign policy)? Marna ma dha cday in ay qabato shirwayne ay xogta
kaga uruursanayso dal jirka u taagnaa hawlgalkee da kuna kala
filiqsan daafaha dunida? Marna ma ka leexatay marinka siyaasadeed ee
ay ra acaysay (policy shift)? Jawaabahaas waxaan uga tegayaa
akhristaha.
Xiligaas Somaliland waxay heshay fursad ay ku naalooto, waayo inta
badan wadamadda g ooni isu taagaa waxay ku aadaan fal celinta ciidan,
siyaasadeed, iyo diblomaasiyadeed ee ka timaada kuwii ay ka go’een.
Inagu waxaynu ka horjeednay Soomaaliya oo aynu ka kora nayn. Maxaynu
ku sababayn karnaa dib u dhacaas baahsan? Qaran wuxuu ku qotomaa
ma baadii’da, daacadnimadda, aqoonta iyo indheer-garadnimada
hogaankiisa. Haddii aqoontu wiiqan tahay, mabaadiidu ma tisqaadi
karto, sidaas oo kale daacadnimadana waxaa ku dh aca habow haddii aan
aqoontu hagayn. Indheer-garad waxa noqda ruux aragti muuqaal leh
(visionary), maanku ma tilmaansan karo muuqaalkaas qaranimada huwan
haddii aan a qooni jirin. Sidaas daraadeed, sababta ay u tisqaadi
wayday siyaasadeena arimaha debe ddu xidhiidh wayn ayay la leedahay
aqoonta.
Tibaaxdu soo dhawaatay aqoonsi aynu helo waxaa hortaagan aqoon
la’aan. Tusaale ahaa n, aqoonsi raadiska waxaa horseed ka ah
Wasaaradda Arimaha Debedda, budhtuurna uu ka yahay wasiirku. Waxaan
daah inaga saarnayn in Sh. Yuusuf, Fagadhe, Edna, iyo Abdula hi
dhamaantood ay ahaayeen hawl wadeeno qadiyaadda Somaliland ka go’ an
tahay, wax bartay, isla markaana kartiyi u wehelisay. Mid kastaaba
wuxuu ku hawl galay in uu meel m ariyo Somaliland, isagoo ku cabiraya
aragtidiisa, halkii ay ahayd in ay ka duulaan siyaasad arimo
debedeed oo aan marinkeeda ka leexan, oo maalinba tis la siisaaro.
Tusaale ahaan, waxaa hubantiya in aanay dhicin in si rasmi (qoraal)
ah caalamka aynu u g aadhsiino go’aankeena dib ula soo noqoshada
qaranimadda iyo tiirarka aynu cuskinayno. Ujeedada qoraaladda sidan
ahi waa in ay meel mariyaan doonis umadeed; waxaa ku dheeh an
xikmadda (the philosophy) gooni isu taaga oo cuskanaysa xeerarka
caalamiga ee aayo ka tashiga, danta jiritaanka umadeed iyo kuwa
danwadaagta umadaha.
Siyaasadda arimaha debeddu waxay ku dhidban tahay in aynu aqoonsi
caalamiya helo, du nidana la yeelano xidhiidh wax is dhaafsi. Meel ka
dhaca ugu wayn ee aynu galay waxay ahayd in guud ahaanba hanaanka
dawladeenu u qaabaysnaado, ama u dhaqmo sida wada mada la aqoonsan
yahay. Taasi waxay la timi is baahin dhibaatadeeda dhaqaale leh,
isla markaana ku soo oodmaysa ciidaminteena qofeed (competence) oo
lafteeduna kooban ta hay.
Aqoonsi aynu dunida kaga mid noqono waxaa horseed ka noqon kara
siyaasad arima deba deed oo tisqaad ah. Hirgelinta siyaasadaasina
waxay cuskanaysaa saddex tiir, siyaasad ar ima gudeed, mid hore u
marineed, iyo ta kale oo ah mid gaashaan dhigeed. Iyadoo aan sha ki
ku jirin in qaranku wax badan qabsaday hadana labada hore uma
ciidamin sidii aynu ku h eli lahayn aqoonsi. Maxaa inagu baaqday?
Hore ayaynu u soo sheegnay in aan siyaasadee na arimaha debeddu
dhisnayn. Tusaale ahaan, siyaasadda arimaha debeddu waxay ahayd in
ay qeexdo cida aynu saaxiibka la noqonayno, isla markaana qeexdaa
tiirarka caalamiga ee aynu u cuskanayno si aynu dunida ula hadalo.
Waxaynu aragnaa wasiir shandadiisa qa adanaya oo meelaha soo
mar-mara, inaguna qanciya in arimuhu meel wanaagsan maray aan,
duniduse u aragto nin madow oo dalxiis ah.
Aan ku noqdee, yaynu saasiib la nahay? Marka la eego hanaankeena ay
ku shaqeeyeen da wladihii kala dabeeyey su’aashaas si fal ahaan ah
loogama jawaabin. Tusaale ahaan, daw ladda koowaad ee Somaliland isu
soo taagtay waxay ahayd Itoobiya, kuwa kale ee Afrika na Koonfur
Afrika, Nayjeeriya ayaa ka mid ahaa, halka Yurubna Iskandaneefiyanku
ay hor kacayeen. Way jireen wadamo wax la dhacsiin karayey, tusaale
ahaan, wasiirkii arimaha gudaha ee dawladda Pakistan xiligii
Musharaf -2000dii ayaa ku tiraabay in uu hubo in Harg eysa dawladdi
ka jirto, waa midho bislaaday oo cid goosata la waayay. Labadeenii
madax wayne ee ugu danbeeyey mid waliba markii la doortay wuxuu
safarkiisii ka bilaabay wadan aan qaranimadeena raali ka ahayn,
hadduu ka noqon lahaana aan wax badan ku soo kord hin kareen, waa
Jabuuti, masuul xisbiyadda mucaaradka ka tirsanina xili xiliyadda ka
mid ah aad buu u difaacay .
Haddii aan asteeyo taariikhdeena arimaha debedda rubuc qarnigaa:
Hogaamiyayaashii 9-kii sano ee hore Somaliland hoosiis bay la ahayd.
Markii la qabtay shirkii Carta ayuu marxu un Cigaal ka quustay
midnimo Somaaliyeed oo uu hogaamiyo. Madaxwayne Rayaale wuxuu ahaa
hogaamiyihii ugu horeeyey ee aan u hanqaltaagin xaga Soomaaliya.
Aragti ahaan, m udo dheer waxaan si wayn ugu qanacsanaa in aan
Soomaaliya lala hadlin, ugu horayn wax aan arkayay in aan
aqoonsigeenu shuruud u ahayn ogolaansho Soomaaliya ka yimaada.
dhawaana wasiirka arimaha debeddu wuxuu ku tiraabay weedh uu kaga
badheedhay in a an aqoonsigeenu ku xidhnayn Soomaaliya.
Haddiibase ay jirto cid sida kale u arkaysay, dabar kale ayaa
horyaalay; hogaamiyayaashe enu may ahayn kuwo lagu aamini karo
masuuliyadaa. Dawladdu wada tashi ayay u martay wada hadaladda
Soomaaliya ee socda. Maantana guul wayn ayaynu ka soo hoynay, shirar
badan oo aynu isku hor fadhiisanay sawirku wuxuu ahaa laba dawladood
oo wada hadlaya.
Dhinaca kalena waxay ahayd cadowgeenu waa ayo? Cadawgeena koowaad
waa Soomaa liya. Tiraabtaa, ma ku lamaanaysiin karnaa oo reer
Soomaaliyana ma ku jirtaan! Halkaynu u soconay waa taa, waayo, dee
juquraafiga col lama nihin, suugaanteena ayay ka buuxdaa amaanta
dhirta, buuraha, iyo webiyaddu. Si kalena degaanku inamuu dilin. Aan
macneeyee cadowga koowaad ee qof leeyahay waa cida diintiisa
aflagaadaysa, sharaftiisa dhaawac da, hantidiisa qaada iyo weliba
cida doonaysa in ay qudha ka jarto. Qaranna cadowgiisa koowaad waa
cida jiritaankiisa diida. Juquraafiyaddu ma hadasho. Haddaynu odhon
lahayn waa dawladda cidaynu u jeednaa, dawladda Soomaaliyeed
dadkeedaa kula socda.
Diidmo badan baa ka hortimi dawladda markii ay go’aansatay in ay la
xaajooto Soomaaliya. Dawlad iyo mucaaradba ma cilmiyayno
aragtideena! Su’aasha muuqataa waa Soomaaliya ma la hadli karaa?
Cadow ma lala hadli karaa? Mabda’iyan jawaabtu waa haa. Nebiyaddii
Ilaahay aadamiga u soo diray waxay la hadlayeen madax taagayaashii
diiday in ay qiraan Raxmaankii dunidan abuuray, sida nebi Muuse (CS)
oo fariintii gaadhsiiyey Fircoon, Sidoo kale nebi Maxammed-na (csws)
wuxuu la hadli jiray oo heshiisyo la geli jiray Yuhuudii.
Dhinaca Taariikhda markaad ka eegto haa iyo maya labaduba way ku
rumoobeen. Tusaale ahaan, dagaaladdii waawaynaa ee dunida ka dhacay
raggii isku hor fadhiyay way wada ha dleen. Waxaa kale oo jirta in
aanay mar walba muuqan in lawada xaajoodaa. Tusaale ahaa n, ta
nebiyaddu waxay ahayd in cid xad gudubtay la gaadhsiiyo fariintii
Eebe. Laba arimood ayaana suntanaa, waa ta hore’e rasuulku ama
nebigu wuxuu haystay ilaalintii Ilaahay, ta labaadna ka fariinta la
gaadhsiinayay ugu danbaynta waa lala xisaabtamayay.
Marka arimahaas la qiimeeyo ta aadamuhu way ka duwanaanaysaa,
waxaanay ku xidhan tahay sida ay danta u aragto cida wada hadalada
gelaysaa. Markaa jawaabta in cadow lala hadlaa haa iyo maya labadaba
way gaydaa. Haddii ay dhacdo in jawaabi yeelato haa, iyo maya, waxa
muuqata in aan su’aashu dhamays tirnayn.
Arinta aynu is dul taagnay waxay ku xidhan tahay inta cadaawadu
le’egtahay, tusaale aha an xiliga dagaaladu socdaan lama wada hadlo,
sidoo kale waa in la joojiyaa waxyaabaha dhinac ka sindhidhayo.
Tusaale ahaan, qaranimadda Somaliland ayey dhaawacaysaa haddii aynu
hor fadhiisano Soomaaliya oo la soo taagan midnimadda Soomaaliyeed
waa muqadas, ama ciidankii xooga dalka hala dhiso. Waa in shuruud
mudo ah lagu xidhaa in ay ka waanto wdo hadaladaas deel qaafka ah.
Wasaaradda arimaha debeddu waxay u baahan tahay in ay qabato shir
lagaga arinsanayo eray bixinta siyaasadda. Bal is waydii erayadda
Soomaaliya, Soomaali, Soomaaliyeed, Koon furta. Waxaa dhacda masuul
shir ka gacay oo leh Koonfurta Soomaaliya! Sida aynaan uga tirsanayn
Soomaaliya, ayaynaan uga mid ahayn, dadka Soomaaliyeed, iyo
Somaliba, dhala shadeenu ma aha Soomaali ee waa Somalilanders.
Inta la helayo siyaasad arimo debedeed oo hufan, Somaliland si
toolmoon uma talaabsan karto, madaxwaayne Siilaanyana waa in uu aad
uga fiirsado midhadhalka ololaha aqoonsi raadiska. Tusaale ahaan,
waa maxay qorshaha labaad ee inoo muuqdaa haddii wada hadal adu
fashilmaan? Sida ay iigu muuqato waa in Soomaalida halkan joogtaa u
boqooshaa xa gaa iyo wadankoodii. Waa in xuduuda inoo dhaxaysaa
noqoto kaymo libaaxyo galeen ah.
Yuusuf Goodir
Ygoodir2008@hotmail.com |
|