Siyaasada Geeska iyo Qaybteda waalan

Waa subax hore oo qiyaastii saacada geeska Africa tahay 7,(
todobadii ) subaxnimo daqiiqado yar dhaaftay. Wadooyinka magaalada
waa faalal oo dadka intooda badan guryaha kamay soo wada bixin.
Meherado u badan makhaayadaha wax laga cuno, markad ag marayso
qaarkood waxa dhagahaaga kusoo dhacaya dhawaqa idaacada BBC,
qaybteeda subaxnimo.
magaaladu waa Gabiley, waxan ahay macalin dugsiga sare ee Qalax, wax
ka dhiga bar tilmaamedkaygu waa in aan tago goob aanu baska Iskuulka
ka raacno. Daqiiqado ka horna kabaha kasii balashaysano.
goobtii aan ku socday markii aan gaadhay ayaa mid kamid ah
macalimiintu ii sheegay In Iskuulku malintaa fasax yahay, ana waxan
sii war galaliyay dhowr macalin iyo adrda y kale oo wadadii aan kasoo
noqday igaga hor yimid.
waxanu is raacnay mid kamida maclimiinta oo waxanu door bidnay intii
aanu guryaha ku noqon lahayn in aanu jimicsi socod ah lamiyada
magalaada qaarkood hadba dhinac u raacno. Meheradaha kusoo jeeda
laamiyada badankod wali lama furin oo malaha mac aamiishooda ayay
ogyihiin waqtiga ay toosaan.
xoogaa hadaan soconay aniga iyo sxbkay oo boorsoyinka shaqo taga
wadana, ayan ar agnay meherad aan ku ogaa Bacadle ( dhar iibiye )
hortiisa’ oo ay joogaan niman akhy aar ah oo meesha taagan aadna u
qoslaya. Waan ku leexanay si aan uga war helo wa xa raga mudakarka ah
kalyaha qabtay ee ka qosliyay.
waanse u garaabay markaan arkay wixii ay ku qoslayeen.. oo maxaad u
malaynaysaa innay tahay,aniga way iga yaabisay midani…. Yaab !!!!!!
arinka ragas iyo anigaba qosol iyo yaabka noo keenay wuxuu ahaa …..
waa laba nin o o dhimir la (waalan) oo magaalada aad looga yaqaan ,….
oo SHAX ciyaaraya.
markiiba waxaan is waydiiyay…. Oo dadka dhimirka wax ka qaba malaha
qaybta Games ka ayaa fayow.
hadana waxan u fiirsaday habka ay u ciyaarayaan……..
waa sida ay tahayba’e shaxda iyo wax kasta oo lagu tartamayo shaygga
ciyaarta loo adeegsanayo waa la kala duwaa, oo Dhagaxaan yaryar, iyo
Dhuxul, ama laba shay oo kale ayaa loo adeegsadaa.
lkn labadan nin shaxda ay ciyaarayeen waxay dadku ugu qoslayeen aya
ahayd. In dha gaxaan isu mida lagu wada ciyaarayay… waliba waan usii
fiirsaday habka loo ciyaaray ay.
marka uu mid kamid ahi dhagax qaado oo god kamida shaxda dhigo, Ka
kalena isla dhagixii ayuunbuu halkiisii hore ku celiyaa…..intaas
ayay ku mashquulsanayeenba ragu!!! cajiib..
ciyaartu halkaa may dhaafayn wayo dhagax midkood mesha ka qaadayo ,
ka kalena ku celinayo isla meeshii natiijo keeni mayso, waliba
dhagaxaan isu mida lagu ciyaarayo.
waa sida laba kooxood oo kubad wada ciyaaraya oo dirays iyo lambaro
isu mida xidh an, Bal Adba garsoorka noqo, waa no destination game …
ciyaar aan dhamad lahayn.
malaha araarta ayan ku fogaadee aan usoo noqdo mawduucayga iyo
Siyaasada Gees ka Qaybteeda Waalan. Ee la midka ah shaxdan
waxa la mida malahayga…... ( wada Hadalka Somaliland iyo Somalia )
…….. !! .. oo sidee ula mid noqdeen ?
ku raagi mayno jawaabta’e waa laba dawladood oo kala jeeda, oo
midkood wuxuu moo daya wada hadalka mid uu kula jira dal kamida ku
caalamka, oo waftigiisa oo dalxiis u badan waxa hogaamiya
( minister of foreign affairs )wasiirka arimaha dibedda, image
sawirka ka meeshaa ka muuqdaa waa wax khuseeya arimaha dibada.
waa Somaliland’e
xaga kale u fiirso waftiga ka socda Somalia waxa hogaamiya
wasiirkoda arimaha guda ha
( minister of interior affairs ) wasiirka arimaha gudaha, image ka
meeshaas ka muu qdaa waa wax kuseeya arimaha gudaha ..
markaa waa siyaasad waalan oo cid walba ogtahay inaanay natiijo
kasoo bixi doonin… oo sida shaxdii labadan nin ciyaarayeen ah…
qodob kale ayaa isna jira……
labada dawladood waxay leeyihiin laba dastuur.. hadaan ka soo qadano
labda qodob ee khuseya wada hadalkan…. Ka Somaliland wuxuu sheegayaa
in gooni isu taaga Som aliland yahay muqadas. Taa badalkeeda
dastuurka Somalia .. qodka kan kalimda ahi wuxuu leeyahay Midnimada
Somalia waa lama taabtaan. Bal adba kala saar wakaase.
intii uu bilaabmay wada hadalku dhaw jeer ayaa la isku soo noqday..
qodobka kaliya ee la isu af gartay .......waa in wada hadalku sii
socdo.....
miyaanu qodob kani la mid ahayn dhagixii marba nin qaadayay…….wayo
waa qodob mar walba ku jira heshiiska.
waa marka aad is odhanayso siyaasada Geeska Africa way waalatay. Bal
u fiirso laba da wafti marka ay ku kala noqdaan mid kasta halkuu ka
yimid, waa Muqdisho iyo Harg eisa’e ….wuxuu mid kastaa ugu
bushaareeya in sidii ay doonayeen kusoo guulaysteen.
waa marka aad is odhanayso siyaasada waa lagu caruurooba , wayo mid
wuxuu leeya hay walaleheeni xagaas sidii aynu doonanay way naga
aqbaleen.
....... maxaa u diiday inay yidhaahdaan. Walalayaaal sidii aynu
doonanay way naga diideen ee wada hadalka ma iska daynaa mise waan
la wadnaa.
waxay ahayd in aan la wada hadalba sadex jeer wax ka badan…
1. in mid kastaa soo bandhigo ujeedaiisa. ( agenda )
2. in laga dodo qodobada la isu mari waayo ( discussion )
3. in wax laisu raaco ama la kala tago. ( result ) win or loss. Guul
ama guul daro.
hadii kale waa sidii labadii nine e shekada ku jiray ee shaxda,
dhagxaanta isu midka ah ku wada ciyaarayay.
bal u fiirso xataa ma saxna waxa lagga wada hadlayaa.
aniga iyo cidii ila qabtaba waxan u malaynaya in la inagu yidhi wada
hadla budget(kha rash) ayaad ku helaysaan.................. tusaale
kale...
garoonka kubada lagu ciyaarayo waxa macno u sameeya biraha labada
gool, oo weer ar iyo difaac lagu yahay, lkn hadii garoonku Gool la
dhaliyo aanu lahayn, kooxo isu dhar eekina ku ciyaarayso garsoor uma
baahna ka daawo is yidhaana isagaa ku daali. macno wayna samyn
mayso.
wa bilaahi tawfiiq.
Mohamed Mohamud Ahmed Shabel. ( M,Arts )
Gabiley Somaliland.
E-mail, maxamedarts1@gmail.com
Tel : + 252 63 4466498
Tel : + 252 65 9875050
|