Siyaasada Dibada Ee Somaliland Haatan-ay Saanaceedii Heshay: Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar
 

 



In kasta oo 21-ka Gu' ee ay soo jirtay Somaliland yihiin kuwo ku santan da' deena, oo ay noqdeen qaar mid kastaaba kii ka danbeeyay uu u soo dhiibayay guulo tiro badan oo baaxad leh oo la soo hooyay iyaga oo isku taxan oo dhinacyo badan noloshaa dadka reer Somaliland ka taabanaya, oo qaar kooban oo ka mid ahi ay yihiin tusaale ahaan, Nabad-samaynta iyo adkaynteeda, qotominta heekal dawladeed oo shaqeeya, abuurista ilo-dhaqaale iyo kobcintooda, hurinta iftiinka waxbara ho iyo sii balbalintiisa, iyo waliba horumarka kale ee guud ee dalka ka hanoqaaday oo ah runtii wax lagu farxo.

Hadana, sidaasi oo ay tahay dhanka kale, waxa jiray gaabis wayn wax-kastaaba sabab ha u noqd aane oo inaga haystay xaga siyaasada arimaha dibada! Taasoo inkasta oo xukuumadihii kala danb eeyay ee ka horeeyay tan haatan xilka haysaa aanay waxba dib ula hadhin oo ay u xuleen wasaar ada arimaha dibada ee qaabilsan hawlahaasi dad, waayo-aragnimo ay xirfad iyo aqoon dheeri ku ladhan tahay ku galadan hadana horu-kaceedu waa uu taab gaabnaa! Dhaliilse habayaraatee mud anayaashii iyo marwooyinkii guntiga u adkaystay ka lib keenkeedu kuma leh, xaasha! Xiligaa-wax-saarka lahaa!!

Waxad hadaba haatan moodaa sidii uu kursigaba u fuulay xisbiga Kulmiye ee uu musharaxiisuna a haa Md. Madaxwayne, Axmed Siilaanyo, in wax wayni iska badalay gabi-ahaanba Siyaasadii Dibada ee Somaliland, oo ay firfircooni cusub iyo fadalo-cadcadaan hor leh la soo gashay saaxada Siyaas ada e gobolke ay Somaliland ku taal iyo caalamkaba! Waxad moodaa in wahab ka kacay wasaaradii arimaha dibada! Waxad moodaa in waa cusubi u baryay! Dabcan, waa waxa aad ka filayso marka xukun bedelo xukun kale in waxyaabo hor leh la arko! Si kastaba ha ahaatee, ninbaa waxa laga hayaa '' gashi samaanta xoolaha, ninka raacayana wax kaga dar'' Miyaan la is odhan karin da' yarta aqoonta amadka cusub ah (modern education) ee casriga ah goosatay ee la talaabsanaysa sabankeedana wax kaga dar! Oo waliba si gaar ah aan u xusee ninka gaaban ee Dr. Maxamad Cabdilaahi Cumar (Qasiir-basiir) wax kaga sii-dar!

Waxa ay ahayd dhawr bolood ka hor, goor fiidadaw ay baylahdii kala xayatay ah markaan isha la raacay internet-ka ee aan WAR u yabooh tagay, wax yar dabdeed waxa aan milicsaday Baarlama anka Yurub iyo Dr. Maxamad Cabdilaahi Cumar (Wasiirka Arimaha Dibada Ee Qaranka Somaliland) oo is qaabilay! Sii raacay oo wadiiqadii yarayd (boggii internet-ku) waxa ay igu riday Website uu leeyahay Baarlamaanka Yurub, kaasoo lagu soo qoray, hawsha uu Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar Brussels u tagay, oo ahayd inuu qudbad ku saabsan Somaliland iyo waayaheeda ka jeedinayo gola ha baarlamaanka Yurub! Isla Boggaasi waxa ay ku nudeen (Lifaaqeen) CV-ga Dr. Maxamad Cabdil aahi, oo kooban! Waxyaabaha i xiiso galiyay waxa ka mid ah aqoonta uu kasbaday iyo waayo-aragnimadiisa ay muujiyeen ka sokow, sida ay baarlamaaka Yurub u iftiimiyeen Shaqkhsiyada Dr. Maxamad Cabdilaahi Cumar, oo ay ku tilmaameen inuu yahay, nin durtaba dhiig cusub ku muday guud ahaan saaxada siyaasadeed ee geeska Afrika, gaar ahaana ta Somaliland, iyaga oo yidhi waxa uu furfuray siyaasadii dibada ee dalka Somaliland oo yara xasaagtay!

Marka aad haatan akhristaha qiimoha lahoow hadaba dib u daawato 2 gu' hortood muuqii ay laha yd siyaasada dibada dalkeenu, maanay imika ahayn mid ka Awran tii hore oo Ayni, Nadar, Aawani, Shilays, Bay, Ciifo, Dheeh, Tolmooni iyo Cudooni kalsooni badan huwani aanu ka muuqan! Miyaan siyaasada dibada ee Somaliland eega madalaha lagu gorfeeyo arimaha dadka ku hadla afka Soom aaliga iyo kuwa kaleba ka dhex wiidhwidhayn iyada oo qoraxda ka cad! Maanay taagnay in lagu taliyo, labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya haka wada hadlaan aayahooda iyaga oo siman! Maanay dhayda Lo'da ka cadayn gadeena iyo aasheenu maanta oo aan cid kastaaba ka haqab la'ayn! Guulahaa u soo hoyday siyaaada dibada ee qaranka Somaliland waa mid dadaal is-daba socda ilaa 1991-kii ku abtirsada, miyaanu-se wasiirka haatan midida daabeedkeeda hayaa turqin bartii yoolku ahaa!

Hadal badani Haan ma buuxshee isku soo duuboo, Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar waa ninkii ugu ha boonaa ee ay wasaarada arimahada dibadu xiligan iyo waayahan haatan la joogo tabaysay! Waana taa ta wasaarada arimaha dibadu mahadisay. Hore-u-narkuna siiisaba waxa uu ku jitaa in nin kastaaba helo halkuu ku haboon yahay daacadnimo iyo dadaal dheerna la yimaado! Hanbalyo Dr Maxamad CabdilaahI Cumar.

Ha Jirto Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed!
 

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan