Sirdoonka Somaliland oo Hargeysa ku xidhay sarkaal sare oo ka tirsan
Ciidamadda Dalka Jabuuti
Hargeysa (TNN):- Hay'adda Sirdoonka Somaliland ayaa habeen hore
hargeysa ku xidhay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Dalka Jabuuti,
kaasoo dhawr kii sano ee u danbeeyey ka shaqayn jiray Baanka Dalka
Jabuuti ku leeyahay Hargeysa ee BCIMR.
Breaking_NewsSarkaalkan Sirdoonka Somaliland xidheen oo la yidhaa
Muuse C/raxmaan Cali kuna magac dheer (Muuse Dee Dee) ayay habeen
hore Sirdoonka Somaliland kala bax een gurigiisa oo la sheegay in uu
ku yaalo xaafadda Xawaadle, waxaana lagu xidhay mar kii hore xarunta
Danbi baadhista C.I.D, balse isla maalinimadiiba waxa la baxay
Sirdoonka illaa hadana meel ay geeyeen lama garanayo.
Sarkaalkan Reer Jabuuti ayaa lagu sheegay in yahay laba Xidigle
Ciidanka Jaaldaaran ma ariga Jabuuti ka tirsanaa balse markii Dalka
Jabuuti muddo dhawr sano laga Joogay Harg eysa ka furatay Baanka
Caanka ah ee BCIMR oo ku yaala ka soo horjeedka State House-ka
noqday sarkaalka u qaabilsan dhinaca Amaanka baankaasi.
Shaqaale door ah oo Reer Jabuuti ah ayaa baankaasi ka hawl gala,
waxaana Furitaankiisii ka qayb galay madaxda Somaliland, kuwaas oo
Ruqsad u siiyey Baanka in Laan uu ka fur to Hargeysa, si dadka Reer
Somaliland fursad ugu helaan inuu Baanka BCIMR u furro xis aabo si
Xukuumadda iyo Ganacsatada Somaliland xidhiidh ula yeelat Dunida.
Baankan oo ay Reer Somaliland uga furan yihiin Xisaabo badan ayaan
la garanayn sababt a Sirdoonka Somaliland xilligan ku xidheen
sarkaalkii Amaanka u qaabilsanaa, maadaama uu sharciyad ka haysto
Somaliland.
Xukuumadda Somaliland illaa hada wax jawaab ah kamay soo saarin
xadhiga sarkaalkan isagoo xadhigiisu ku soo hagaagayo xilli
Saraakiil Sirdoonka abuuti iyo kuwo kale oo Ajan abi ah Hargeysa
gudaheeda ka wadaan baadhitaano la xidhiidha Qaraxii Jabuuti oo
Dawl adda Jabuuti ku Eedaynayso dadka fuliyey inay Somaliland ka soo
talaabeen.
Saraakiisha Sirdoonka Jabuuti ayaa dabagal xoogan ku haya Dad badan
oo Reer Somalila nd kuwaas oo ay qaarkood Somaliland u gacan galisay
Dalka Jabuuti, halka kuwo kale baa dhitaano la xidhiidha qaraxaasi ay
Dawladda Jabuuti ugu xidhan yihiin Xeryaha Sirdoona da Ajanabiga iyo
kuwa Somaliland ku leeyihiin Hargeysa.
Talaabada Sirdoonka Somaliland ku xidheen sarkaalka Reer Jabuuti
ayaa dhalisay daree no kala duwan kuwaas oo saamayn ku yeelan kara
wada shaqaynta Dawladda Jabuuti iyo kuwa Somaliland oo si wadajir ah
uga shaqaynayey baadhista iyo sugida amaanka labada Dal.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan Fadeexad xoogan kala kulantay
saraakiil Sirdoo nka Itoobiya ah oo ay ciidamadda Amaanka iyo kuwa
Maamulka Gobolka Gabilay ku qabteen, iyaga oo u gudbaya dhinaca
Jabuuti , kadib markii ay fadhataysteen Sirihii iyo xogihii ay
siteen ee ay ka soo urursadeen Somaliya oo dhan, taasoo sababtay in
uu badhasaabkii Goblka Gabilay xilka ku waayey iyo waliba iyadoo la
xidh xidhay qaar ka mid ah Booliiskii falkaas ku kacay, kadib markii
Dawladda Itoobiya ku Eedaysay Somaliland in uu falkaasi ahaa mid
shuftanimo.
Warar dheeraad ah oo ay waaheen helayso ayaa sheegaya in Sirdoonka
Somaliland qaar kood xidhaan dad badan oo aan waxba galabsan kuwaas
oo inta ay xeryahooda qarsoon ku xidhaan marka danbana u gudbiyaan
Dalalka jaarka ah, kuwaas oo qaarkoodna si cad bulshadu u ogtahay
kuwana ay illaa hada eheladoodu la’yihiin meel ay ku danbeeyeen.
Sirdoonka Somaliland ayaa dadka ay xidh xidhaan inta badan waxba ku
waaya iyaga oo qaarkoodna muddo badan ku haya baadhitaano madhalays
ah oo aan wax natiijo ahi ka soo bixin, gaar ahaan warbixinaha
qaldan ee inta badan la ogaaday inay siiyaan Ciidamad da la shaqeeya
ee RRU-da iyo SPU-da waxa ka mid ah kuwo ay ugu daateen guryo si
fudud loo ogaan kari lahaa cida ay ka baadhayaan, halka fadeexad ugu
weynayd ee soo shaac baxday ee ay ku fashilmeen ay ka mid ahayd mid
aya Borama kaga soo qabteen gabadh ay ku sheegeen Umul shabaab balse
markii danbe noqotay qof xanuunsanaysa oo aan kicinba.
Si kasta ha ahaatee Sarkaalkan ay Xidheen Sirdoonka Somaliland waa
mid aan illaa hada la garanayn sababta loo xidhay, inkasta oo
wararka soo baxaya ay sheegayaan in Sirdo onku moodayeen nin
Itoobiyaan ah, maadaama Sirdoonka Somaliland lagu Eedeeyo in ay
Dawladda Itoobiya u gacan galiyaan dad loogu mar marsoodo in ay ka
tirsan yihiin Mucaa radka Dalkaasi.
Sidoo kalena, warar kale ayaa sheegaya in ay ku Eedaynayaan in uu
Dalka Jabuuti u gudb iyey siro iyo warar Somaliland lidi ku ah,kuwaas
oo aan la garanayn maadaama Sirdoonka Jabuuti iyo kuwa Jabuutiba ka
wada shaqaynayaan amaanka labada Dal.
Dalalka jaarka la ah Somaliland ayaa xidhay xuduudaha ay la
leeyihiin, waxanay wararka la xidhiidha dareenka ay dalalkaasi ka
qabaan Somaliland ku tilmaamaan Dal Sirdoonkiisu gaabis galay tan
iyo intii Daahir Rayaale xilka ka dagay, arrintaasoo keentay inay
shaki ka muujiyaan wadashaqayntii ay la lahaan jireen.
Qaar ka mid ah Sirdoonka Somaliland ayaa shaqooyinkoodii looga Eryey
dareeno la xidhiid ha inay u hawl fududeeyaan kooxaha laga shakiyo
hawlahooda, halka saraakiil ka tirsan Sirdoonka laftigoodu ka caga
jiideen qaar ka mid ah Eheladooda oo ka tirsan Kooxahaas inay ka
caga jiidaan inay talaabo ka qaadaan, si sharciga loo horgeeyo
Source:Waaheen
|